Sunday, October 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Maalinta Caalamiga ah ee Afka hooyo oo Muqdisho laga xusay+Sawirro

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Maalinta Caalamiga ah ee Afka hooyo oo Muqdisho laga xusay+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Wasiirka Caddaaladda Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Cabdullahi Axmed Jamac “Ilka Jiir”, Xubno ka tirsan Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, ayaa maanta ka qeyb galay munaasabad lagu xusayey Maalinta caalamiga ah ee Afka hooyo oo ay soo qaban-qaabisay Wasaaradda Waxbarashada XF Soomaaliya.

Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha, ayaa ugu Hambalyeeyey guud ahaan shacabka Soomaaliyeed maalinta qiimaha badan ee Afka Hooyo, isagoo xusay in Dowladda Federaalka ee Soomaaliya oo la kaashaneysa hay’adaha kala duwan ee dalka ay diyaar u yihiin xoojinta Af Soomaaliga, iyadoo si gaar ah loo tixgelinayo muhimadda afka hooyo u leeyahay waddanka iyo sida u wax uga tari karo horumarka iyo adkeynta midnimada.

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026

“Afka Soomaaligu wuxuu xambaarsan yahay taariikh, dhaqan iyo hidde ay ummadu ku faani karto, ama horumar ku hiigsan karto. Markaad eegto dalalka dunida ee horey u marey, midkoodna heer kuma gaarin luqad shisheeye, waa inaan ku faanaa afkeena, xiriirkeenuna uu noqdaa Af Soomaali”ayuu yiri Ku-simaha R/Wasaaraha.

Maanta oo ah Bisha February 21, 2016, ayaa guud ahaan dalka Soomaaliya laga xusay maalinta Afka hooyo, waxana munaasabadda maanta hal-ku dhig u ahayd (U HIILI AFKA HOOYO), iyadoo luuqadda Afka Soomaaliga waqtigii la qorey ay ahayd 1972.

1 2 3 4 5 unnamed

Previous Post

Howlgallo amni xaqiijin ah oo xalay laga sameeyay degmada Dharkeynley

Next Post

Hey’adda socdaalka oo dib uga laabatay amarkii ahaa in la joojin doono duullimaadyada Hargeysa+War-saxaafadeed

Next Post
Hey’adda socdaalka oo dib uga laabatay amarkii ahaa in la joojin doono duullimaadyada Hargeysa+War-saxaafadeed

Hey'adda socdaalka oo dib uga laabatay amarkii ahaa in la joojin doono duullimaadyada Hargeysa+War-saxaafadeed

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In