Tuesday, March 24, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ku-Simaha Wasiirka Ganacsiga Soomaaliya Oo Tababar U Furay Wakiilada Ganacsiga Soomaaliya “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
6 years ago
in Wararka
0
Ku-Simaha Wasiirka Ganacsiga Soomaaliya Oo Tababar U Furay Wakiilada Ganacsiga Soomaaliya “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ku simaha Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Washadaha Soomaaliya Inj. Cabdullaahi Cali Xasan ayaa maanta furay tababar aqoon kororsi ah oo kor looggu qaadayey awoodda shaqo ee Wakiilada Ganacsiga Soomaaliya u qaabilsan dalalka caalamka. Waxaana tobabarkan oo ka qabsoomay habka Muuqaal-Arag ah ee Internet-ka ka soo qeyb-galay mas’uuliyiinta Wasaaradda, Wakiilada Ganacsiga iyo Bangiga Adduunka.

Tababarkan oo ay iska kaashadeen Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya iyo hay’adda IFC oo ka tirsan Bangiga Adduunka, ayaa ujeedkiisu ahaa sidii Wakiilada Ganacsiga kor looggu qaadi lahaa heerkooda aqooneed ee la xiriirta horumarinta dhinacyada dhaqaalaha, diblomaasiyadda, shuruucda ganacsiga iyo maal-gashiga. waxaana si gaara looggu tobabaray waxyaabaha muhiimka u ah sidii Wakiiladdaasi ay dalka ugu soo jiidi lahaayeen xiriiro ganacsi iyo sidoo kale inay maal-gashadeyaasha caalamiga ah iyo qurba-joogta Soomaaliyeed ay ugu soo dhiiri-gelin lahaayeen inay dalka Maal-gashadaan.

Related posts

Ciidanka Kumaandooska Gorgor oo howlgal qorsheysan ka fuliyay Gobalka Shabeellada Dhexe

Ciidanka Kumaandooska Gorgor oo howlgal qorsheysan ka fuliyay Gobalka Shabeellada Dhexe

March 23, 2026
Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka tacsiyeeyay geerida Marxuum Maxamed Faarax Jiis

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka tacsiyeeyay geerida Marxuum Maxamed Faarax Jiis

March 23, 2026

Ku-simaha Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Inj. Cabdullaahi Cali Xasan oo halkaas hadalo ka jeediyey, ayaa sheegay in tobabarkani uu ahmiyad weyn u lee yahay wadanka, waxaana uu Wakiilada ganacsiga uu kula dardaarmay inay mas’uuliyad iska saaraan sidii ay wadanka ugu soo jiidi lahaayeen xiriiro ganacsi iyo weli sidoo kale maal-gashiyo caalami ah maadaama ay yihiin Wakiilada rasmiga ah ee wadanka u qaabilsan dhinacyada horumarinta dhaqaalaha iyo ganacsiga.

Tababarkan, ayaa wax weyn ka beddeli doona xiriirka Ganacsi ee Soomaaliya ay la leedahay dalalka caalamka sidoo kale kor uqaadidda fahamka ay Wakiilada Ganacsigu ka haystaan dhinacyada Maal-gashiga iyo Ganacsiga iyada oo sidoo kale uu tobabarkani kor-uqaadaayo sidii ay Soomaaliya ay wax-soo-saarkeeda ugu dhoofin lahayd wadamada caalamka.

Previous Post

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Oo Daah Furay Hirgelinta Biyo Mareen Biyaha Ka Qaada Warta KM4 “SAWIRRO”

Next Post

Kulan Lagu Soo Dhaweynayay Ansaxinta Ra’iisul Wasaaraha Cusub Ee Dalka Oo Lagu Qabtay Muqdisho

Next Post

Kulan Lagu Soo Dhaweynayay Ansaxinta Ra'iisul Wasaaraha Cusub Ee Dalka Oo Lagu Qabtay Muqdisho

Ciidanka Kumaandooska Gorgor oo howlgal qorsheysan ka fuliyay Gobalka Shabeellada Dhexe

Ciidanka Kumaandooska Gorgor oo howlgal qorsheysan ka fuliyay Gobalka Shabeellada Dhexe

March 23, 2026
0

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Kumaandooska Gorgor, ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanno hoos yimaada Warciise ee gobolka Shabeellaha...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka tacsiyeeyay geerida Marxuum Maxamed Faarax Jiis

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka tacsiyeeyay geerida Marxuum Maxamed Faarax Jiis

March 23, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, ehellada iyo guud ahaan ummadda...

In ka badan 1,100 qoys ayaa ka faa’iideystay deeq raashin ah oo la gaàrsiiyay

In ka badan 1,100 qoys ayaa ka faa’iideystay deeq raashin ah oo la gaàrsiiyay

March 23, 2026
0

In ka badan 1,100 qoys ayaa ka faa’iideystay deeq raashin ah oo lagu qaybiyay deegaanno hoostaga degmada Guriceel ee gobolka...

Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS oo ku dhawaaqday in dalku galay marxalad doorasho loo dhan yahay

Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS oo ku dhawaaqday in dalku galay marxalad doorasho loo dhan yahay

March 22, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasaaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiistinta ee (DFS) waxay si rasmi ah ugu wargelinaysaa shacabka Soomaaliyeed in dalku uu...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In