Ku-xigeenka Hantidhowrka Guud ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Mukhtaar Maxamed Abuukar, ayaa ka warbixiyay kulanka muhiimka ah ee isu-duwidda hay’adaha dowladda iyo Xafiiska Hantidhowrka Guud, kaas oo goordhow galabta ka furmay magaalada Muqdisho.
Kulankan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta wada-shaqeynta hay’adaha dowladda iyo Xafiiska Hantidhowrka, si loo hubiyo hufnaanta maareynta hantida dadweynaha, isla-xisaabtanka, iyo ilaalinta sharciga maaliyadeed ee dalka. Sidoo kale, waxa uu kulanku fursad u noqday in la is dhaafsado xog iyo waayo-aragnimo ku saabsan hab-raacyada kormeerka, isla markaana la dardargeliyo fulinta talooyinka kasoo baxa warbixinada hantidhowrka.
Mudane Mukhtaar Maxamed Abuukar ayaa sheegay in kulankan uu muhiim u yahay dhismaha hay’ado dowladeed oo daah-furan, isla markaana ay lagama maarmaan tahay in dhammaan hay’adaha dowladda ay si dhow ula shaqeeyaan Xafiiska Hantidhowrka Guud, si looga hortago musuq-maasuqa loona hubiyo in kheyraadka qaranku si sax ah loo isticmaalo.
Ku-xigeenka Hantidhowrka Guud ayaa sidoo kale xusay in Xafiiska Hantidhowrku uu ka go’an yahay kor u qaadidda awoodda kormeerka, hagaajinta nidaamyada maaliyadeed, iyo la xisaabtanka hay’adaha mas’uulka ka ah hantida dadweynaha, isaga oo ugu baaqay masuuliyiinta hay’adaha dowladda in ay u hoggaansamaan shuruucda iyo xeerarka maaliyadeed ee dalka.
Ugu dambayn, kulanka ayaa la filayaa in uu horseedo tallaabooyin wax-ku-ool ah oo lagu xoojinayo isla-xisaabtanka, hufnaanta iyo kalsoonida dadweynaha ee hay’adaha dowladda, taas oo ah tiir muhiim u ah dowlad-wanaagga iyo horumarka dalka.










