Sunday, October 25, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Dalka Pakistan.

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
9 months ago
in Wararka
0
Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Dalka Pakistan.
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan Cali Yuusuf Cali (Cali-Xoosh), iyo wafdi sare oo uu hoggaaminayo, ayaa safar shaqo ku gaaray Dalka Pakistan.

Inta uu wafdigu ku sugan yahay Pakistan, waxaa la filayaa in ay la kulmaan madaxda dalkaasi, isla markaana ay kala hadlaan xoojinta iskaashiga labada dal ee ku aaddan dhinacyada aqoonsiga qaranka iyo diiwaangelinta dadweynaha, arrimaha doorashooyinka iyo dimuqraadiyadda, iyo sidoo kale hawlaha gargaarka iyo maareynta musiibooyinka.

Related posts

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shir muhiim ah kaga qayb galaya dalka Azerbaijan

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shir muhiim ah kaga qayb galaya dalka Azerbaijan

October 25, 2026
Hay’adda NISA oo gacanta ku dhigtay eedeysane bom gacmeed ku tuuray bar koontarool

Hay’adda NISA oo gacanta ku dhigtay eedeysane bom gacmeed ku tuuray bar koontarool

October 24, 2026

Wafdiga Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS ayaa caasimadda Islamabad waxaa si diirran ugu soo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Pakistan iyo Safiirka Soomaaliya ee Pakistan, Danjire Sheekh Nuur Maxamed Xasan.

Sidoo kale, wafdiga safarka ku weheliya Wasiirka waxaa ka mid ah Guddoomiyaha Guddiga Madaxbannaan ee Doorashooyinka Qaranka, Mudane Cabdikariin Axmed Xasan,Maareeyaha Hay’adda Aqoonsiga Qaranka iyo Diiwaangelinta (NIRA), Mudane Cabdiwali Timacadde; Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin,iyo Taliye Ku-xigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Cismaan Cabdullaahi Kaniif.

Safarkan ayaa qeyb ka ah dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku xoojinayso xiriirka caalamiga ah iyo is-weydaarsiga khibradaha muhiimka u ah horumarinta hay’adaha dowliga ah ee dalka.





Previous Post

Ku-xigeenka Hantidhowrka Guud ee JFS oo ka warbixiyay kulanka isu-duwidda Hay’adaha Dowladda oo ka furmaya Muqdisho.

Next Post

Golaha Shacabka ee BFS oo Ansixiyay Heshiiska Dhismaha Urur Goboleedka IGAD.

Next Post
Golaha Shacabka ee BFS oo Ansixiyay Heshiiska Dhismaha Urur Goboleedka IGAD.

Golaha Shacabka ee BFS oo Ansixiyay Heshiiska Dhismaha Urur Goboleedka IGAD.

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shir muhiim ah kaga qayb galaya dalka Azerbaijan

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shir muhiim ah kaga qayb galaya dalka Azerbaijan

October 25, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa maanta u amba baxay magaalada...

Hay’adda NISA oo gacanta ku dhigtay eedeysane bom gacmeed ku tuuray bar koontarool

Hay’adda NISA oo gacanta ku dhigtay eedeysane bom gacmeed ku tuuray bar koontarool

October 24, 2026
0

Ciidamada Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya ciidamada kale ee amniga, ayaa gacanta ku dhigay Cabdisalaan Yacquub Nuur...

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

October 22, 2026
0

Ra'iisal wasaaraha xukuumadda FS ayaa hambalyo u diray hoggaamiyaha iyo Hoggaamiye Ku-xigeenka Dowlad-goboleedka Galmudug Mudane Liibaan Axmed Xasan iyo Abdiwali...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

October 22, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo u diray Hoggaamiyaha cusub ee Dowlad Goboleedka Galmudug, Mudane Liibaan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In