Sunday, February 1, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ku-xigeenka Ra’isulwasaaraha oo ka tacsiyeeyay geerida ku timid Hooyadii Dhashay Ra’isulwasaaraha

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Ku-xigeenka Ra’isulwasaaraha oo ka tacsiyeeyay geerida ku timid Hooyadii Dhashay Ra’isulwasaaraha
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Muqdisho, 12, Feb, 2015....Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cumar Carte, xubnaha Golaha Wasiirrada iyo Xoogahayaha Joogtada Xafiiska Ra’iisul W, Shaqaalaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, waxay tacsi u dirayaan Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda F. Soomaaliya, Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke oo hooyadiis Allaha u naxariistee Marxuumad Ruqiyo Macalin Daahir ay ku geeriyootay dalka Canada.

Xubnaha Golaha Xukuumadda waxay si gaar ah uga tacsiyeynayaan Ra’iisul Wasaare Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke geerida ku timid Hooyadiis Marxuumad Ruqiyo, waxayna alle uga baryayaan in Ilaahay qabriga u waasiciyo una fududeeyo su’aasha maalinta qiyaame.

Related posts

Shirka Hindiya iyo Carabta oo la soo xiray

Shirka Hindiya iyo Carabta oo la soo xiray

January 31, 2026
Guddoonka Hay’adda SoDMA oo fogaan aragga uga qeybgalay kulan Caalami ah

Guddoonka Hay’adda SoDMA oo fogaan aragga uga qeybgalay kulan Caalami ah

January 31, 2026

“Geeridu waa xaq, qof kastana waa dhimanayaa, waxaan la qaybsanaynaa murugada qoyska Ra’iisul Wasaaraha, waxaana Eebe uga baryaynaa in Marxuumada uu jannaadiisa ka waraabiyo, Qoyskii, Qaraabadii, Ehelkii iyo Asxaabtii ay ka geeriyootay uu samir iyo iimaan ka siiyo” ayuu yiri RW ku xigeenka Maxamed C. Carte.

Dhanka kale Ku simaha Madaxweynaha ahna Gudoomiyaha Baarlamaanka mudane Maxamed Sheikh Cusman Jawaari, Xubnaha labada gole iyo dadweyne faro badan ayaa saaka isugu yimid hoyga Ra’iisul Wasaaraha si ay uga tacsiyeeyaan Ra’iisul Wasaare Cumar, geerida naxdinta leh ee ku timid Hooyadiis.

Previous Post

Wasiir Dhuxulow oo ka tacsiyeeyey Geerida Maxamed Weli Xasan Macow

Next Post

Ximan & Xeeb oo baaq kasoo saaray dagaalka ka socda Guriceel

Next Post
Ximan & Xeeb oo baaq kasoo saaray dagaalka ka socda Guriceel

Ximan & Xeeb oo baaq kasoo saaray dagaalka ka socda Guriceel

Shirka Hindiya iyo Carabta oo la soo xiray

Somalia Reaffirms Economic Diplomacy at India-Arab Summit

January 31, 2026
0

H.E. Abdisalam Ali, Minister of Foreign Affairs and International Cooperation of the Federal Republic of Somalia, today participated in the...

Shirka Hindiya iyo Carabta oo la soo xiray

Shirka Hindiya iyo Carabta oo la soo xiray

January 31, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali Dhaay, ayaa maanta ka qeyb galay...

Guddoonka Hay’adda SoDMA oo fogaan aragga uga qeybgalay kulan Caalami ah

Guddoonka Hay’adda SoDMA oo fogaan aragga uga qeybgalay kulan Caalami ah

January 31, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, oo ay weheliyaan hoggaanka sare ee hay’adda, ayaa ka...

Shirweynaha Kheyraadka Biyaha oo ka furmay Dhuusamareeb

Shirweynaha Kheyraadka Biyaha oo ka furmay Dhuusamareeb

January 31, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Bidhaan Warsame, ayaa maanta si...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In