Saturday, October 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Kulan amaanka looga hadlayay oo Kaaraan lagu qabtay

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Kulan amaanka looga hadlayay oo Kaaraan lagu qabtay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kulankaan oo lagu qabtay degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir ayaa waxaa ka qayb galay mas,uuliyiinta maamulka degmadaas heer degmo ilaaa waaxaha, saraakiisha booliska degmada iyo qaybta bari,  gudoomiyaha gudiga dib u heshiisiinta qaranka Soomaaliyeed Ismaaciil Macalin Muuse iyo wakiilo ka socday wasaarada maaliyadda waxaana looga hadlayay sidii ay maamulka iyo bulshada degmadaasi iskaga kaashanlahaayeen amaanka degmada iyo isdhex galka .

Gudoomiyaha degmada Kaaraan Axmed Xasan Yalaxow oo kulanka shirgudoominayay ayaa waxaa uu ka hadlay muhiimada shirku u leeyahay degmada iyo ujeedka maamulku u soo qaban qaabiyay waxaana uu carabka ku dhuftay muhiimada ay u leedahay wada shaqeyn dhaw oo dhex marta maamulka iyo shacabka degmada.

Related posts

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026

“Mashruucaan waa mashruuc uu noogu deeqay  gobolka Banaadir mashruucaas oo la magac baxay danguud mashaariicda gobolka banaadir uu ka qabto gobolka ayuu qayb ka yahay waa mashruuc aad u qiima badan oo loogu talo galay is dhex galka bulshada”ayuu yiri gudoomiyaha.

Gudoomiyaha gudiga dib u heshiisiinta qaranka Soomaaliyeed mudane Ismaaciil Macalin Muuse oo isna ka hadlay kulanka ayaa waxaa uu sheegay in muhiimadu tahay wacyi galin in bulshada loo sameeyo si ay u fahmaan dowladnimada maamulka ayuuna ku amaanay dadaalkiisa uu ku doonayo in la hormariyo amaanka iyo arimaha bulshada degmada.

“Hadaan wacyigalinu jirin oo aan loo diyaar garoobin ilaa degmo gudiga fulinta ee degmada waaxyada ilaaa falarka intaasi hadaaney wacyigalinta ka wada qayb qaadan waxba lama qaban karo aadbaaan ugu faraxsanahay ka qayb galka barnaamijkaan waxaana iiga muuqata Kaaraan hormar weyn alaa mahadleh”ayuu yiri Mr Ismaaciil .

 

Previous Post

Maamulka Gobolka Shabeelaha dhexe oo ku baaqay in laga caawiyo sidii biyo xireen loo sameyn lahaa

Next Post

Dhageyso Warka Habeen ee Radio Muqdisho 04-05-2015

Next Post
Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Habeen ee Radio Muqdisho 04-05-2015

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay markabka Çağrı Bey, oo ku sugan...

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In