Thursday, January 22, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Kulan amniga looga hadlayay oo Gaalkacyo lagu qabtay

caqiil by caqiil
10 years ago
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Iyadoo deegaanada dhaca dhinaca waqooyi bari ee maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug ay ka socdaan dagaalo u dhaxeeya ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa Galmudug oo isku dhinaca ah iyo maleeshiyaad ka tirsan kooxda Alshabaab ayaa maanta magaalada Gaalkacyo waxaa lagu qabtay kulan amiga looga hadlayay.

Kulanka ayaa waxaa ka qeybgalay madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug, xubo ka tirsan wasiirada maamulkiisa, xildhibaano ka tirsan Galmudug,mas’uuliyiinta maamulka gobolka iyo qaar kamid ah bulshada ku dhaqan magaaladaasi.

Related posts

Wasiirka Ganacsiga XFS oo kulan mira-dhal ah la qaatay Ganacsato

Wasiirka Ganacsiga XFS oo kulan mira-dhal ah la qaatay Ganacsato

January 21, 2026
Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Soomaaliya oo Ansixisay Heshiiska Urur-Goboleedka IGAD

January 21, 2026

Guddoomiyaha gobolka Mudug,C/rashiid Xaanshi Cartan, waxaa uu kulanka ka sheegay diyaar u yihiin in ay ka hortaggaan kooxda Al-shabaab isla markaana qeyb ka qaadan doonaan gulufka ka dhanka ah maleeshiyaadka Alshabaab.

Madaxweynaha dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug C/kariim Xuseen Guuleed, ayaa balan qaaday in ka maamul ahaan ay ka go’an tahay dagaalka ka lagula jiro Alshabaab, isagoo shacabka ka codsaday in ay qeyb ka qaataan dagaalka Al-shabaab isla markaana lagama maarmaan ay tahay in shacabka ay la shaqeeyaan ciidanka amniga si looga adkaado kooxda qaswadiyaasha ah ee Al-shaab.

Dhinaca  kale wararka ka imaanaya deegaanka Af-barwaaqo oo ka tirsan gobolka Mudug isla markaana qiyaastii 260 KM u jira magaalada Gaalkacyo ayaa sheegaya in dagaal maanta uu ka qarxay kaas oo u dhaxeeya ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa Galmudug oo isku dhinaca ah  iyo Al-shabaab.

Deegaanada dagaalka uu ka socodo ayaa lagu soo waramayaa in ay isgaarsiinta hawada ka maqan tahay isla markaana aan la ogeyn khasaaraha uu geystay dagaalka.

Saraakiisha ciidanka Galmudug ayaa sheegay in maleeshiyaadka ciidanka Galmudug kula dagaalamaya deegaanadan ay kamid ahaayeen kuwii ka soo cararay deegaanada Puntland oo dhowaan duulaan ay ku qaateen kooxda Al-shabaab, hase yeeshee ciidanka Puntland ay ka soo saareen deegaanadii kolkii hore ay weerareen.

 

Previous Post

Waddada Via Roma oo olole nadaafadeed laga sameeyay

Next Post

Shirka golaha wasiirada oo looga hadlay qodobo dhowr ah-Sawirro

Next Post
Shirka golaha wasiirada oo looga hadlay qodobo dhowr ah-Sawirro

Shirka golaha wasiirada oo looga hadlay qodobo dhowr ah-Sawirro

Wasiirka Ganacsiga XFS oo kulan mira-dhal ah la qaatay Ganacsato

Wasiirka Ganacsiga XFS oo kulan mira-dhal ah la qaatay Ganacsato

January 21, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Dowladda Federaalka Soomaliya, Mudane Jamal Maxamed Xasan ayaa maanta kulan la yeeshay xubno ka tirsan...

Somalia Ratifies the IGAD Treaty

Somalia Ratifies the IGAD Treaty

January 21, 2026
0

The Federal Republic of Somalia is pleased to announce the ratification of the new Intergovernmental Authority on Development (IGAD) Treaty,...

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Soomaaliya oo Ansixisay Heshiiska Urur-Goboleedka IGAD

January 21, 2026
0

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si rasmi ah u ansixisay Heshiiska Urur-Goboleedka IGAD, iyadoo noqotay dowladdii shanaad ee ansixisa, taas oo...

Iskaashiga Diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Shiinaha oo sii xoogaysanaya

Somalia Thanks China for Continued Support and Strong Bilateral Cooperation

January 21, 2026
0

The Ministry of Foreign Affairs and International Cooperation of the Federal Republic of Somalia, led by H.E. Abdisalam Ali ,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In