Friday, July 11, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Kulan daryeelka naafada looga hadlayay oo Muqdisho lagu qabtay

caqiil by caqiil
June 23, 2015
in Wararka
0
Maamulka Galmudug oo ku baaqay in gurmad loo fidiyo dadka naafada ah ee Gaalkacyo ku nool
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka wasaaradda howlaha guud, guriyeynta iyo dib u dhiska dalka ayaa maanta ka qeybgalay kulan looga hadlaayay sidii dadka naafada ah loogu sameyn lahaa meelo ay galaan dhismiyaasha ayagoo wata baaskiilada looga talagalay dadkaasi.

Kulanka ayaa waxaa soo qaban qaabiyay urur ay leeyihiin dadka naafada ah ayaa waxaa sidoo kale ka qeygalay Engineero iyo qaar kamid xubnaha ururkaasi.

Related posts

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug oo la kulmay Safiirka Turkiga ee Soomaaliya

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug oo la kulmay Safiirka Turkiga ee Soomaaliya

July 10, 2025
Maxamed Xuseen oo ka mid ahaa Khawaarijta oo isu dhiibay Ciidanka Amniga

Maxamed Xuseen oo ka mid ahaa Khawaarijta oo isu dhiibay Ciidanka Amniga

July 10, 2025

Maxamed Cali Faarax oo kamid ah mas’uuliyiinta hey’ad u dooda dadka naafada ah isla markaana isaga qudhiisa naafo ah ayaa sheegay in dhismiyaasha qaar loo sameeyay meelaha ay ka gali karaan dadka naafada ah, isagoo dadka howshaasi sameeyay ugu mahaceliyay talaabada ay qaadeen.

Guddoomiyaha hey’adda SOSHANSA C/laahi Maxamed Shirwac oo kamid ahaa dadkii kulanka ka hadlay ayaa sheegay in bulshada Soomaaliyeed looga baahan yahay in lagu wacyigeliyo sidii arintan ugu baraarugi lahaayeen.

Wasiirka howlaha guud iyo dib u dhiska xukuumadda Soomaaliya Eng. Saalax Sheekh Cismaan ayaa sheegay in dadka Soomaaliyeed looga baahan yahay in ay tixgeliyaan baahiyaha ay qabaan dadka naafada ah.

Arintan ayaa ka dambeysay markii dhowaan magaalada Muqdisho lagaga dhawaaqay olole dadka Soomaaliyeed loogu sheegaayo in goobaha ganacsiga loo sameeyo meelo dadka naafada ah ay ka geli karaan ayagoo aan u baahneyn in qof kale uu caawiyo.

Previous Post

Taliyaha Boliiska oo maanta  gaaray Baydhabao

Next Post

Kulan ku saabsan dib u habeynta Sharciga maalgashiga dalka oo Muqdisho lagu qabtay

Next Post
Kulan ku saabsan dib u habeynta Sharciga maalgashiga dalka oo Muqdisho lagu qabtay

Kulan ku saabsan dib u habeynta Sharciga maalgashiga dalka oo Muqdisho lagu qabtay

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug oo la kulmay Safiirka Turkiga ee Soomaaliya

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug oo la kulmay Safiirka Turkiga ee Soomaaliya

July 10, 2025
0

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Mudane Cali Daahir Ciid ayaa maanta la kulmay Safiirka dowladda Turkiga Soomaaliya u jooga Mudane Alper...

Maxamed Xuseen oo ka mid ahaa Khawaarijta oo isu dhiibay Ciidanka Amniga

Maxamed Xuseen oo ka mid ahaa Khawaarijta oo isu dhiibay Ciidanka Amniga

July 10, 2025
0

Maxamed Xuseen Maxamed, oo ka mid ahaa maleeshiyaadka arxanka daran ee Khawaarijta, ayaa maanta isku soo dhiibay Ciidamada Guutada 23-aad...

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka oo ka warbixisay qasaaraha fatahaadaha

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo ka hadlay abaarta ka jirta Gobalka Awdal

July 10, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Maxamuud Macalin Cabdulle “Xaalada abaarta gobolka Awdal si gaar ah ayaa ula socnay, waxaana ka dowlad...

Duqa Caasimadda oo kulan la qaatay Madaxda Rugta Ganacsiga 

Duqa Caasimadda oo kulan la qaatay Madaxda Rugta Ganacsiga 

July 10, 2025
0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar kulan kula...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In