Kulankan oo ay soo qaban qaabiyeen hay’adaha UNESCO iyo SOYDEN ayaa waxaa kasoo qeybgaley wasiirka dhalinyarada iyo Isboortiga, Wariir Ku xigeenka wasaarada waxbarashada, wasiirada dhalinyarada iyo Sportska Maamul goballedyada Galmudug, Konfurgalbeed, iyo Jubbaland waxaana kulanka looga hadlayey kaalinta dhalinyarada ay ka qaadan karaan soo celinta nabbadgeliyada dalka.
Wasiirka dhalinyarada iyo Sportska dowlada Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Xasan Nuux oo Kulankaasi ka kahadley ayaa waxaa uu sheegay In nabbadgeliyada dalka ay kaalin ay ka qaadan karaan dhalinyarada Soomaaliyeed loogana baahanyahay in ay muujiyaan kaalintooda wax qabad.
“Nolol ma jirto hadii nabadgeliyo jirin, yaa nabadgeliyada base u noqon kara xooga iyo awooda dalka waxaa wax ka qabankara dhalinyarada iyo nabada,” ayuu sheegay wasiir Nuux.
Sidoo kale, wasiirada dhalinyada iyo Sportska dowlada goboleedyada Galmudug,Konfurgalbeed iyo Jubbaland, Warsame Maxamed Xasan,Cabdullahi Cabdi Cumar, iyo Maxamed Maxamuud Yuusuf oo si wadajir ah halkaasi uga hadley ayaa waxaa ay sheegeen in dhalinyarada ay yihiin udub dhexaadka dalka loogana baahanyahay horumarka iyo nabadda wax ka bedelaan.
Wasaaradda dhalinyarada ee xukuumadda Soomaaliya ayaa waxaa ay wadaa qorshe lagu horumarin karo dhalinta, iyadoo kulanka maanta uu qeyb ka ahaa qorshahaas.