Kulan looga hadlayay sida ugu haboon ee ganacsatadu u xisaabin lahaayeen hantidooda si ay u bixiyaan Sakada ayaa maanta lagu qabtay xarunta rugta ganacsiga ee iyo Warshadaha ee magaalada Muqdisho.
Kulankan oo uu soo qaban qaabiyay Bangiga Amal waxa ka qeyb galay Ganacsato kaladuwan, iyada oo lagu soo bandhigay habka ay tahay in ganacsatadu u xisaabiyaan hantidooda si ay uga bixiyaan sakada Alle ku waajib yeelay.
Gudoomiyaha Bangiga Amal ee koofurta iyo Bartamda Soomaalya Cabdi-wali Muuse Maxamuud iyo C/raxiim Abuukar Axmed oo ka mid ah mas’uuliyiinta Bangiga, ayaa uga mahadceliyay dadki ka qeybgalay kulankaasi, iyagoo sheegay inay dhiirri galinayaan sidii loo heli lahaa ganacsi ku dhisan shareecada islaamka.
‘’Dhamaan dadkii ka qeyb galay kulanka waan u mahad celinaynaa, anaga waxaan ku dhisannahay shareecada islaamka, waxaan dhiiri galinaynaa ganacsatada waana maalgalinaynaa, kulamadan oo kalana waan isugu imanayna Insha Allah’’ ayuu yiri gudoomiyaha Bangiga Amal Cabdi-wali Muuse Maxamuud.
Nafiso Daahir Samatar oo ka tirsan Rugta ganmacsiga Soomaaliya kana mid ahayd dadkii ka qeyb galay kulanka looga hadlayay habka ganacsatadu ay u xisaabinayaan Hantidooda si ay u bixyaan sakada ayaa soo dhaweysay kulankan wacyigelinta ah oo uu ganacsatada u qabtay bangiga Amal.
‘’Kulanka wax badan ayaan ka faaiidnay waan u mahad celinaynaa Amal Bank oo soo abaaabulay, waxaana wax ka baranay habka aan u xisaabinayno hantideena si aan u bixino sakada oo ah waajib diinihi ah’’ ayeey Tiri Nafiso Daahir Samatar.