Friday, October 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Kulan lagu ansixinayo warbixinta heerka Qiimeynta Dalka oo ka furmay Muqdisho

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
3 years ago
in Wararka
0
Kulan lagu ansixinayo warbixinta heerka Qiimeynta Dalka oo ka furmay Muqdisho
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Waaxda Kormeerka iyo Qiimeynta ee Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqalaaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta magaalada Muqdishu ku qabatay kulan lagu ansixinayo Warbixinta Heerka Qiimaynta ee Dalka oo ay soo diyaarisay waaxda, kaas oo ay ka soo qeybgaleen wakiilo ka kala socday Dawladda Faderaalka Soomaaliya, Dawladaha Xubnaha ka ah Dawladda Federaalka, Ururada Bulshada Rayidka ah, Qaar ka mid ah Jaamacadaha dalka iyo hay’ado calami ah.

Ujeeddada warbixinta ayaa ah in la fahmo heerka qiimeynta dalka, gaar ahaan fursadaha, caqabadaha ee heer federaal iyo heer maamul goboleed, in gorfeyn dhab ah lagu sameeyo qaab-dhismeedka Qiimeynta dalka, in la ogaado hay’adaha ka shaqeeya qiimeynta ee ka hawlgala dalka iyo in la qiimeeyo heerka ay hadda taagan tahay heerka Qiimeynta Qaranka.

Related posts

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

October 27, 2026
WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

October 27, 2026

Kulanka waxaa daahfuray Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqalaaha, Mudane Maxamed Xasan Shire, waxaana goobjoog ahaa Agaasimaayasha Guud ee Wasaaradaha Qorsheynta ee Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Aqoon-is-weydaarsiga oo socon doona muddo labo maalmood ah, waxa uu fursad siin doonaa in lagu soo bandhigo, lagana doodo natiijooyinka muhiimka ah ee ka soo baxay Warbixinta Heerka Qiimaynta ee Dalka iyo in laga bixiyo jawaab-celin ku saabsan warbixinta si loo hubiyo in warbixinta qiimayntu ay noqoto mid dhamaystiran, sax ah, oo ka tarjumaysa aragtiyada iyo fikradaha kala duwan ee dhinacyada ay khusayso.

Agaasimaha Waaxda Kormeerka iyo Qiimeynta Wasaaradda Qorsheynta Qaranka, Mudane Maxamuud Saciid Nuur ayaa ku booriyay mas’uuliyiintii ka soo qeybgashay kulanka in ay si wanaagsan uga doodaan warbxinta islamarkaana ay soo gurbiyaan fikradahooda si loo hubiyo in ay warbixintu noqoto mid dhameystiran.

Previous Post

Wasiirka Maaliyadda XFS oo Addis Ababa kaga qaybgalay shirka Iskaashiga Wasiirada Maaliyadda Dalalka Gees Afrika

Next Post

Wasiirka Shaqada XFS oo Masar kaga qeyb galaya shirka horumarinta Shaqada

Next Post
Wasiirka Shaqada XFS oo Masar kaga qeyb galaya shirka horumarinta Shaqada

Wasiirka Shaqada XFS oo Masar kaga qeyb galaya shirka horumarinta Shaqada

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa la kulmay Ms. Åsa Regnér oo...

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyay Madasha 7-aad ee...

𝐊𝐮-𝐒𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐓𝐨𝐝𝐝𝐨𝐛𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐊𝐚𝐥𝐥𝐮𝐮𝐦𝐞𝐲𝐬𝐢𝐠𝐚

𝐊𝐮-𝐒𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐓𝐨𝐝𝐝𝐨𝐛𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐊𝐚𝐥𝐥𝐮𝐮𝐦𝐞𝐲𝐬𝐢𝐠𝐚

October 26, 2026
0

Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta si rasmi ah u...

Xukunka Askari Turufo & Dhac Hubeysan geeystay.

Xukunka Askari Turufo & Dhac Hubeysan geeystay.

October 26, 2026
0

Dable Xoogga Abuukar Maxamuud Yuusuf ayaa Lagu Eedeyay inuu geeystay Dhac hubeysan iyo Turufo, Kadib markii uu ku dayey saaxiibkiis...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In