Sunday, February 8, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Kulan lagu soo dhaweynayay Maareeyaa cusub ee Hay’adda Duulista Rayidka oo Muqdisho lagu qabtay+Sawirro

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
6 years ago
in Wararka
0
Kulan lagu soo dhaweynayay Maareeyaa cusub ee Hay’adda Duulista Rayidka oo Muqdisho lagu qabtay+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ururka midowga duulimaadyada dalka ayaa soo qaban qaabiyay munaasabadaan lagu soo dhaweynayay Maareeyaha cusub ee hay’adda duulista rayidka Axmed Macalin Xasan ee uu dhawaan Madaxweyneha dalka u magacaabay iyo sharciga duulista rayidka Soomaaliyeed  iyadoo ay ka soo qeyb galeen wasiiiro iyo xildhibaanno ka tirsan dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada.

Axmed Macalin Maareeyaha hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed ayaa ka hadlay heerarka uu soo maray maamulka hawada dalka.

Related posts

Guddoomiye Cabdi Cali oo loo doortay Madaxweyne kuxigeenka CECAFA

Guddoomiye Cabdi Cali oo loo doortay Madaxweyne kuxigeenka CECAFA

February 7, 2026
Xeerka Shaqada Soomaaliyeed oo maanta si rasmi ah loo daah furay

Xeerka Shaqada Soomaaliyeed oo maanta si rasmi ah loo daah furay

February 7, 2026

“Dadaal badan ayaan soo galinay sidii aan dib usoo celin laheyn maamulka hawada ugu dambeyne waxaan ku guuleysanayay inaan ka miro dhallino ayuu yiri Maareeye Axmed Macalin.

Xildhibaan Farxiyo Muumin Cali iyo Seneter nacimo Ibraahim yuusuf oo labaduba ka tirsan guddiga gadiidka ee labada aqalee barlamaanka  ayaa bogaadiyay juhdiga lasoo geliyay dhameytirka sharcigaan muhiimka u ah dalka.

“Hadii aan nahay guddiga gadiidka ee labada aqal waxaan si xooggan uga soo shaqeynayay inaan meel marino dhalino innagoo fiirineyno muhiimada sharcigaan uu u leeyahay dalka waana ansixinay isagaa si wadajir ah looga soo shaqeeyay.

Wasiirada gadiika iyo duulista hawada dowlada gobaledyada Hirshabeelle,Galmudug iyo Koofur galbeed ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsanyihiin in sharcigaan la ansixiyo.

“Waxaan uga mahadcelineynaa madaxda Qaranka iyo wasaaradda gadiidka iyo duulista hawada dowladda Soomaaliya inay heerkaan soo gaarsiyaan isla markaana ay dhameystiraan sharciga, waana kula shaqeyneynaa. Ayay ku dareen hadalkooda.

Wasiirka Gadiidka iyo Duulista Hawada ee xukumadda fedeeraalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Salaad (Oomaar) ayaa in maamul goboleedyada ay kala shaqeynayaan hormarinta garoomada dalka.

“Diyaar Ayaan unahay inaan kala shaqeyno dowlad goboleedyada horu-marinta garoomada dalka si aan kor ugu qaado nidaamka caalamiga ee garoomada dunida iyo inaan ka shaqeyno horu-marinta kaabayaasha .Wasiir Oomaar.

Gaba-gabadii ayaa lagu soo bandhigay ardayda ugu horeysay ee baratay cilmiga maamulka hawada ee uu soo saaray machadka Duulista Hawada Ratidka ee dalka kuwaasi oo gaabta lagu siiyay shahaado Sharaf.

 

 

 

 

Tags: Kulan lagu soo dhaweynayay Maareeyaa cusub ee Hay’adda Duulista Rayidka oo Muqdisho lagu qabtay+Sawirro
Previous Post

Wasaaradda Gaadiidka  iyo Duulista Hawada Jubbaland oo soo dhaweysay dib-ufurista duullimaadyada caalamiga ah.

Next Post

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo Kormeer ku tagay Afgooye+Sawirro

Next Post
Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo Kormeer ku tagay Afgooye+Sawirro

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo Kormeer ku tagay Afgooye+Sawirro

Guddoomiye Cabdi Cali oo loo doortay Madaxweyne kuxigeenka CECAFA

Guddoomiye Cabdi Cali oo loo doortay Madaxweyne kuxigeenka CECAFA

February 7, 2026
0

RADIO MUQDISHO(JABUUTI):-Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya Cali Cabdi Maxamed, ayaa si rasmi ah loogu doortay xilka Madaxweyne Ku-xigeenka Ururka Kubadda...

Xeerka Shaqada Soomaaliyeed oo maanta si rasmi ah loo daah furay

Xeerka Shaqada Soomaaliyeed oo maanta si rasmi ah loo daah furay

February 7, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan Prof. Salim Caliyow Ibrow, ayaa si faahfaahsan uga...

Munaasabad lagu soo dhaweynayo Wasiirka Warfaafinta XFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo lagu qabtay dalka UK

Munaasabad lagu soo dhaweynayo Wasiirka Warfaafinta XFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo lagu qabtay dalka UK

February 7, 2026
0

RADIO MUQDISHO(LONDON):-Magaalada London ee Caasimadda Dalka UK waxaa xalay lagu qabtay munaasabad si weyn loogu soo dhaweeyay masuuliyiin uu hoggaaminayo...

Soomaaliya oo sanadkan ka qayb galaysa dhoolla-tuska badda ee dalalka caalamka

Soomaaliya oo sanadkan ka qayb galaysa dhoolla-tuska badda ee dalalka caalamka

February 7, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Soomaaliya ayaa ku biirtay dhoolatus ballaaran oo ay wadajir u sameynayaan ciidamada badda dalal dhowr ah, kaas oo ujeeddadiisu...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In