Kulankan oo ay ka soo qeyb galeen Xildhibanno ka tirsan Barlamanka Federaalka Soomaaliya, kuwa Hirshabeelle, maamulka Gobolka Hiiraan iyo qeybaha bulshada magaaladda Beledweyne ayaa lagu tageerayay matalaadda 13 ka senator ee Gobolka Banadir ku yeelan doona Aqalka Sare.
Qaar kamid ah bulshada ku dhaqan Beledweyne oo kulanka ka hadlay ayaa uga mahadceliyay Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo dadaaladaan uu u galay sidii matalaadda Gobolka Banaadir ugu yeelana lahaa golaha Aqalka Sare ee dalka .
Xildhibaan Geelle Isaaq oo ku hadlaya afka Xildhibaannada Hirshabeelle ayaa soo dhaweeyay matalaadda uu heley Gobolka Banaadir.
Xildhibaan Maryan Haruun oo ka mid ah Baarlamanka Faderaalka Soomaaliya ayaa dhinaceeda soo dhaweyay, kuna amaantay Madaxweynaha Jamuuriyada Federaalka Soomaaliya, doorkiisa ku aaddan inay shacabka Banaadir ay helaan matalaadda rasmiga ah ee Goboalka Banaadir uu leeyahay.
Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Mudane Cali Jeyte Cismaan ayaa sheegay in uu ka maamul ahaan ku faraxsanyahay go’aanka geesinimada leh uu qaatay Madaxweynaha dalka.