Friday, January 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Kulan looga arrinsanayay Isku-dubbarididda Gurmadka Fatahaadaha oo lagu qabtay Muqdisho

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
2 years ago
in Wararka
0
Kulan looga arrinsanayay Isku-dubbarididda Gurmadka Fatahaadaha oo lagu qabtay Muqdisho
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Caafimaadka oo uu wehliyo agaasimaya Guuud ee Wasaaradda Caafimadka Dr Guuleed cabdi Jaliil ayaa kulan deg deg la qaateen ururrada isbitaallada iyo bahda Caafimaadka si ay isugu dubbaridaan dadaallada u diyaargarowga iyo wax ka qabashada dhibaatooyinka fatahaadaha ee saameeyay inta badan dalka.

Roobabkii da,ayay iyo webiyada oo buux dhaafiyay ayaa horseeday fatahaado baahsan, kuwaasoo boqolaal kun oo Soomaali ah ka barakacay guryahoodii. Saraakiisha caafimaadka ayaa ka digaya xaaladaha ciriiriga ah iyo biyaha wasakhaysan ay keeni karaan cudurro dillaaca, xitaa iyadoo kaabayaasha burburay ay gobollo badan ka go’een daryeelka caafimaadka.

Related posts

Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya

Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya

January 30, 2026
wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo shir kaga qayb galay dalka Talyaaniga

wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo shir kaga qayb galay dalka Talyaaniga

January 30, 2026

“Waxaan isugu nimid inaan sameyno guddi loo dhan yahay oo ka tarjumaya bahda caafimaadka,” ayuu yiri Dr. Guuleed Cabdi Jaliil, Agaasimaha Guud ee Wasaarada caafimaadka oo hadalka furay. “Hawsheenu waa inaan abuurno gudi ka jawaab celiya dhibaatooyinka faraha badan ee laga soo sheegay Gobolada dalka, anaga ka wasaarad ahaan waxaan u diyaargarownay heer federaal iyo heer dowlad goboleed.”

Waxaa kulanka ka soo qeyb galay agaasimayaasha isbitaaladda Guud , wakiilo ka kala socday cisbitaalada waaweyn ee dalka, rugaha caafimaadka, iyo Ururada caafimaadka Soomaaliya. Guddi-hoosaadyo dhowr ah ayaa la sameeyay si ay wax uga qabtaan caqabadaha caafimaad ee gaarka ah oo ay keeneen daadadka.

“Innagoo wadajira, waxaan xaqiijin karnaa in gargaarka naf-badbaadinta uu si dhaqso ah oo waxtar leh u gaaro dadka Soomaaliyeed ee ay fatahaaduhu saameeyeen,” ayay tiri Wasiiru Dawlaha Wasarada Cafimaadka iyo Daryeelka Bulshada XFS, Dr. Maryama Mohamed Hussein oo kulanka soo xertay. “Waxaan diyaar u nahay inaan isku dubbaridno dhammaan dhinacyada u baahan jawaabta caafimaad ee ku saleysan baahida sii kordheysa.”

Wasaru Dowlaha Wasaarada caafimaadka ayaa sheegtay in ay sii wadi doonaan shirar maalinle ah oo ay ugu kuur galayaan xaaladda iyo gurmadka maadaama lagu jiro xilli roobaadkii.

Previous Post

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo kormeeray xerada tababarka ee Jeneraal Dhaga-badan

Next Post

Ciidanka Xoogga oo howlgal ku dilay Horjoge iyo Maleshiyaad katirsan khawaarijta

Next Post
Ciidanka Xoogga oo howlgal ku dilay Horjoge iyo Maleshiyaad katirsan khawaarijta

Ciidanka Xoogga oo howlgal ku dilay Horjoge iyo Maleshiyaad katirsan khawaarijta

Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya

Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya

January 30, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa maanta gaaray New Delhi,...

wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo shir kaga qayb galay dalka Talyaaniga

wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo shir kaga qayb galay dalka Talyaaniga

January 30, 2026
0

Wafdi heer sare ah oo ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ka qeyb galay shir caalami ah oo lagu...

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Xukuumadda iyo Ururrada Siyaasadda oo War-saxaafadeed soo saaray

January 29, 2026
0

Guddiga Xukuumadda iyo Ururrada Siyaasadda ee ka qeyb qaatay doorashada goleyaasha deegaanka ee Qof iyo Cod ayaa kulankooda maanta ka...

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

January 29, 2026
0

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada ayaa maanta oo taariikhdu tahay Jannaayo 29, 2026 wadatashi layeeshay ururrada siyaasadda. Kulankan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In