Saturday, October 10, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Kulan looga doodayay sharciga iibka qaranka oo la soo gebagebeeyay-Sawirro

caqiil by caqiil
11 years ago
in Wararka
0
Kulan looga doodayay sharciga iibka qaranka oo la soo gebagebeeyay-Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kulan looga doodayey Sharciga iibka Qaranka oo hada horyaala Baralamaanka ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho, waxaana ka soo qayb galay gudiga Maaliyadda ee Barlamaanka, saraakiil ka socotay Wasaaradda Maaliyadda, iyo Khabiir ka socday Bangiga Aduunka.

Kulanka ayaa lagu falanqeeyey ahmiyadda uu sharcigaan u leeyahay dalka iyo sidii xildhibaanda baarlamaanku u dadajin lahaayeen ansixintiisa, sharcigaan ayaa jir-jirey xiligii dowladii Kacaanka, waxaana sharcigaan la doonayaa in la waafajiyo shuruucda caalamka si u noqodo mid la jaanqaada dunida inteeda kale.

Related posts

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

October 10, 2026
Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka lagu qaaday xarunta korontada ee Masjidka Nabiga (NNKH) ee Magaalada Madiina

DFS oo cambaaraysay weerar lagu qaaday garoomo ku yaalla dalka Sacuudiga

October 10, 2026

Sharcigaan meel marintiisa wuxuu aas aas u noqonayaa in loo gudbiyo Wasaaradaha,  hey’daha qaranka iyo gobolada dalka si waxa ay soo gadanayaan iyo wax ay iibinayaan loo waafajiyo sharcigaan.

Wasaarad kasta waxay yeelanaysaa waax qaabilsan iibka qaranka, waxaana waaxdii ugu horaysay laga hirgaliyey Wasaarada Maaliyada.

Gudoomiyaha gudiga Maaliyadda Baarlamaanka Xildhibaan Samaan Maxamed Sheekh Daahir ayaa saxaafada uga warbixiyey waxyaalihii looga hadlay kulanka, iyo sida ugu haboon oo xildhibaanada baarlamaanku u dadajin lahaayeen meel marinta hindise sharciyeedka iibka qaranka.

“Kulankaan oo labo  maalimood noo socday, waxaan uga doodnay horumarinta iyo dib u eegista hindise sharciyeedka iibka qaranka, qandaraasayada iyo adeega loo qabto dadka, waxaaana u mahad celinayaa dhamaan dadkii ka qaybgalay. Doodii meesha ka socotay waxay ahayd mid miro dhal ah, waxayna u noqonaysaa tusaalooyin la soo qaadan karo marka barlamaanku ka doodayo sharciga iibka qaranka, oo hada horyaala barlamanaka horayna u soo maray akhriskii koowaad.  Hindise sharciyeedkaan wuxuu ku salaysan yahay horumarka dalka iyo in aan helno suuq xor ah, wuxuuna wax weyn ka tarayaa la dagaalanka musuq maasuqa” ayuu yiri Xild. Samaan.

Xildhibaanka ayaa dhanka kale sheegay iney muhiim tahay waxkasta oo la kala gadanayo ama la soo iibinayo iney noqdaan kuwo daah furan kana madax banaan wax  isdaba marin, taas oo yareyn karta musuq maasuqa iyo xatooyada xoolaha dad weynaha, wuxuuna muhiimad weyn u leeyahay qaranimada Soomaaliya.

????
????

shirkii maanta 3 shirkii maatna 22

Previous Post

Wariye dhaawac ah oo deeq lacageed la gaarsiiyay-Sawirro

Next Post

Wasiirka arimaha gudaha oo lagu soo dhaweeyay Cadaado-Sawirro

Next Post
Wasiirka arimaha gudaha oo lagu soo dhaweeyay Cadaado-Sawirro

Wasiirka arimaha gudaha oo lagu soo dhaweeyay Cadaado-Sawirro

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda JFS Mudane Xasan Macallin Maxamuud oo Magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga u...

Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka lagu qaaday xarunta korontada ee Masjidka Nabiga (NNKH) ee Magaalada Madiina

DFS oo cambaaraysay weerar lagu qaaday garoomo ku yaalla dalka Sacuudiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si xooggan u cambaareyneysaa weerarrada ay kooxda Xuutiyiintu ku qaadeen Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee...

𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐱𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐠𝐮𝐮𝐝 𝐞𝐞 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚

𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐱𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐠𝐮𝐮𝐝 𝐞𝐞 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚

October 8, 2026
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankooda toddobaadlaha ah, ayaa lagu soo bandhigay warbixinno kala duwan oo...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫 𝐮 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐚𝐲 𝐟𝐮𝐫𝐭𝐨 𝐚𝐥𝐛𝐚𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐞𝐞 𝐝𝐮𝐧𝐢𝐝𝐮 𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫 𝐮 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐚𝐲 𝐟𝐮𝐫𝐭𝐨 𝐚𝐥𝐛𝐚𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐞𝐞 𝐝𝐮𝐧𝐢𝐝𝐮 𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲

October 6, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa galabta ka qeyb-galay xiritaanka Madasha Ganacsiga Soomaaliya iyo Midowga...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In