Thursday, July 3, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Kulan looga doodayay sharciga iibka qaranka oo la soo gebagebeeyay-Sawirro

caqiil by caqiil
June 9, 2015
in Wararka
0
Kulan looga doodayay sharciga iibka qaranka oo la soo gebagebeeyay-Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kulan looga doodayey Sharciga iibka Qaranka oo hada horyaala Baralamaanka ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho, waxaana ka soo qayb galay gudiga Maaliyadda ee Barlamaanka, saraakiil ka socotay Wasaaradda Maaliyadda, iyo Khabiir ka socday Bangiga Aduunka.

Kulanka ayaa lagu falanqeeyey ahmiyadda uu sharcigaan u leeyahay dalka iyo sidii xildhibaanda baarlamaanku u dadajin lahaayeen ansixintiisa, sharcigaan ayaa jir-jirey xiligii dowladii Kacaanka, waxaana sharcigaan la doonayaa in la waafajiyo shuruucda caalamka si u noqodo mid la jaanqaada dunida inteeda kale.

Related posts

Mareykanka oo bogaadiyay in Soomaaliya ay qalab casri ah dhigtay Xuduudaha dalka.

Mareykanka oo bogaadiyay in Soomaaliya ay qalab casri ah dhigtay Xuduudaha dalka.

July 2, 2025
Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo kulan doceed kula yeeshay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee QM

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo kulan doceed kula yeeshay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee QM

July 2, 2025

Sharcigaan meel marintiisa wuxuu aas aas u noqonayaa in loo gudbiyo Wasaaradaha,  hey’daha qaranka iyo gobolada dalka si waxa ay soo gadanayaan iyo wax ay iibinayaan loo waafajiyo sharcigaan.

Wasaarad kasta waxay yeelanaysaa waax qaabilsan iibka qaranka, waxaana waaxdii ugu horaysay laga hirgaliyey Wasaarada Maaliyada.

Gudoomiyaha gudiga Maaliyadda Baarlamaanka Xildhibaan Samaan Maxamed Sheekh Daahir ayaa saxaafada uga warbixiyey waxyaalihii looga hadlay kulanka, iyo sida ugu haboon oo xildhibaanada baarlamaanku u dadajin lahaayeen meel marinta hindise sharciyeedka iibka qaranka.

“Kulankaan oo labo  maalimood noo socday, waxaan uga doodnay horumarinta iyo dib u eegista hindise sharciyeedka iibka qaranka, qandaraasayada iyo adeega loo qabto dadka, waxaaana u mahad celinayaa dhamaan dadkii ka qaybgalay. Doodii meesha ka socotay waxay ahayd mid miro dhal ah, waxayna u noqonaysaa tusaalooyin la soo qaadan karo marka barlamaanku ka doodayo sharciga iibka qaranka, oo hada horyaala barlamanaka horayna u soo maray akhriskii koowaad.  Hindise sharciyeedkaan wuxuu ku salaysan yahay horumarka dalka iyo in aan helno suuq xor ah, wuxuuna wax weyn ka tarayaa la dagaalanka musuq maasuqa” ayuu yiri Xild. Samaan.

Xildhibaanka ayaa dhanka kale sheegay iney muhiim tahay waxkasta oo la kala gadanayo ama la soo iibinayo iney noqdaan kuwo daah furan kana madax banaan wax  isdaba marin, taas oo yareyn karta musuq maasuqa iyo xatooyada xoolaha dad weynaha, wuxuuna muhiimad weyn u leeyahay qaranimada Soomaaliya.

????
????

shirkii maanta 3 shirkii maatna 22

Previous Post

Wariye dhaawac ah oo deeq lacageed la gaarsiiyay-Sawirro

Next Post

Wasiirka arimaha gudaha oo lagu soo dhaweeyay Cadaado-Sawirro

Next Post
Wasiirka arimaha gudaha oo lagu soo dhaweeyay Cadaado-Sawirro

Wasiirka arimaha gudaha oo lagu soo dhaweeyay Cadaado-Sawirro

Mareykanka oo bogaadiyay in Soomaaliya ay qalab casri ah dhigtay Xuduudaha dalka.

Mareykanka oo bogaadiyay in Soomaaliya ay qalab casri ah dhigtay Xuduudaha dalka.

July 2, 2025
0

Bayaan ka soo baxay Safaaradda Mareykanka ee xafiiska Muqdisho ayaa lagu sheegay in Dowladda Soomaaliya ay si rasmi ah u...

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo kulan doceed kula yeeshay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee QM

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo kulan doceed kula yeeshay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee QM

July 2, 2025
0

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa kulan doceed kula yeeshay magaalada Sevilla ee uu ka...

NISA oo kaashanaysa Ciidamada deegaanka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno hoostaga Moqokori

NISA oo kaashanaysa Ciidamada deegaanka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno hoostaga Moqokori

July 2, 2025
0

 Ciidanka Nabad-sugidda Soomaaliyeed iyo kuwa deegaanka ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanno hoostaga degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan, halkaas oo...

Wasiirka Maaliyadda XFS oo kulan la qaatay Xoghaya Guddiga Dhaqaalaha QM ee u qaabilsan Afrika

Wasiirka Maaliyadda XFS oo kulan la qaatay Xoghaya Guddiga Dhaqaalaha QM ee u qaabilsan Afrika

July 2, 2025
0

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige oo ka qeyb galaya Shirweynaha 4-aad ee Horumarinta Maalgashiga Qaramada Midoobay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In