Saturday, October 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Kulan looga hadlaayay Amaanka oo lagu qabtay Gaalkacyo

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
12 years ago
in Wararka
0
Kulan looga hadlaayay Amaanka oo lagu qabtay  Gaalkacyo
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kulankan oo ahaa mid looga hadlaayay adkeynta amaanka deegaanada maamulka Galmudug ayaa waxaa lagu qabtay xarunta Taliska Boliiska ee magaalada Gaalkacyo, waxaana ka qeybgalay saraakiisha laamaha Amniga, mas’uuliyiin ka tirsan maamul Galmudug iyo maamulka magaalada Gaalkacyo.

Sidoo kale kulanka ayaa waxaa ka qeybgalay gudoomiyaha Baarlamaanka maamulka Galmudug ahna siihayaha xilka Madaxweynaha ee maamulkaasi Mudane Xasan Maxamuud Heyl.

Related posts

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026

kulanka uu ahaa mid saacado dheer qaatay ayaa intii uu socday waxaa saraakiisha Boliiska ay warbixino ku aadan qaabka loo adkeynaayo amaanka maamulka Galmudug siiyeen gudoomiyaha Baarlamaanka maamulkaasi.

Korneel Cabdi Jaamaca oo ah Taliyaha Boliiska ee maamulka Galmudug oo kulanka ka dib saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in kulanka maanta uu ahaa mid wax badan looga arinsaday xaaladaha ku saabsan Amniga iyo adkenytiisa isla markaana mas’uuliyiintii kulanka ka qeybgashay isku raaceen in ahmiyad gaar ah la siiyo arimaha amaanka.

Taliyaha ayaa sidoo kale shacabka ugu baaqay in ay gacan ka geystaan xaqiijinta amniga isagoo sidoo dhanka kale booq u direy dadka ku dagaalamaya qaar kamid ah gobolada dalka in ay si dhaqso leh u joojiyaan dhiiga daadanaya.

Gudoomiyaha Baarlamaanka maamulka Galmudug ahna sii hayaha xilka Madaxweynaha maamulkaasi Mudane Xasan Maxamuud Heyl ayaa dhankiisa sheegay in hay’adaha amaanka looga baahan yahay in ay sii labo laabaan dadaalada lagu adkeynaayo Nabadgeliyada deegaanada maamulka.

Xasan Maxamuud Heyl Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug ayaa sidoo kale sheegay in kulamada looga hadlaayo xaqiijinta amaanka iyo xasiloonida ay ahaan doonaan kuwo joogto ah.

Previous Post

Wasiirka Arrimaha gudaha oo Kismaayo si weyn loogu soo dhaweeyay “Sawirro”

Next Post

Dhageyso Warka Duhur ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Duhur ee Radio Muqdisho

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay markabka Çağrı Bey, oo ku sugan...

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In