Saturday, July 19, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Kulan looga hadlaayay Amaanka oo lagu qabtay Gaalkacyo

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
March 23, 2015
in Wararka
0
Kulan looga hadlaayay Amaanka oo lagu qabtay  Gaalkacyo
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kulankan oo ahaa mid looga hadlaayay adkeynta amaanka deegaanada maamulka Galmudug ayaa waxaa lagu qabtay xarunta Taliska Boliiska ee magaalada Gaalkacyo, waxaana ka qeybgalay saraakiisha laamaha Amniga, mas’uuliyiin ka tirsan maamul Galmudug iyo maamulka magaalada Gaalkacyo.

Sidoo kale kulanka ayaa waxaa ka qeybgalay gudoomiyaha Baarlamaanka maamulka Galmudug ahna siihayaha xilka Madaxweynaha ee maamulkaasi Mudane Xasan Maxamuud Heyl.

Related posts

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

July 18, 2025
Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

July 18, 2025

kulanka uu ahaa mid saacado dheer qaatay ayaa intii uu socday waxaa saraakiisha Boliiska ay warbixino ku aadan qaabka loo adkeynaayo amaanka maamulka Galmudug siiyeen gudoomiyaha Baarlamaanka maamulkaasi.

Korneel Cabdi Jaamaca oo ah Taliyaha Boliiska ee maamulka Galmudug oo kulanka ka dib saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in kulanka maanta uu ahaa mid wax badan looga arinsaday xaaladaha ku saabsan Amniga iyo adkenytiisa isla markaana mas’uuliyiintii kulanka ka qeybgashay isku raaceen in ahmiyad gaar ah la siiyo arimaha amaanka.

Taliyaha ayaa sidoo kale shacabka ugu baaqay in ay gacan ka geystaan xaqiijinta amniga isagoo sidoo dhanka kale booq u direy dadka ku dagaalamaya qaar kamid ah gobolada dalka in ay si dhaqso leh u joojiyaan dhiiga daadanaya.

Gudoomiyaha Baarlamaanka maamulka Galmudug ahna sii hayaha xilka Madaxweynaha maamulkaasi Mudane Xasan Maxamuud Heyl ayaa dhankiisa sheegay in hay’adaha amaanka looga baahan yahay in ay sii labo laabaan dadaalada lagu adkeynaayo Nabadgeliyada deegaanada maamulka.

Xasan Maxamuud Heyl Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug ayaa sidoo kale sheegay in kulamada looga hadlaayo xaqiijinta amaanka iyo xasiloonida ay ahaan doonaan kuwo joogto ah.

Previous Post

Wasiirka Arrimaha gudaha oo Kismaayo si weyn loogu soo dhaweeyay “Sawirro”

Next Post

Dhageyso Warka Duhur ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Duhur ee Radio Muqdisho

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

July 18, 2025
0

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga ee Xukuumadda Federaalka, Maxamed Cali Xagaa iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa ka qeybgalay xaflad ka dhacday...

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

July 18, 2025
0

Soomaaliya ayaa heshay Diyaarado aan duuliyaha laheyn, iyo kuwa Qumaatiga u kaca ee Helicopteriska ah, kuwaasi oo qeyb ka qaadan...

Turkiga oo sheegay in Israel ay wiiqayso dadaallada dib u dhiska ee Suuriya

Turkiga oo sheegay in Israel ay wiiqayso dadaallada dib u dhiska ee Suuriya

July 18, 2025
0

Ergayga Qaramada Midoobay ee Turkiga Ahmet Yildiz ayaa si kulul u cambaareeyay weerarrada joogtada ah ee Israa’iil ay ka geysanayso...

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee XFS oo la kulmay madaxda Safaaradda Soomaaliya ee Aljeria

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee XFS oo la kulmay madaxda Safaaradda Soomaaliya ee Aljeria

July 18, 2025
0

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Saciid Maxamed Maxamuud, ayaa booqasho shaqo ku tagay xarunta Safaaradda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In