Sunday, July 13, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Kulan looga hadlaayay wax ka qabashada abaaraha ka taagan dalka soomaaliya ayaa lagu qabtay Khartoum

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
January 29, 2017
in Wararka
0
Kulan looga hadlaayay wax ka qabashada abaaraha ka taagan dalka soomaaliya ayaa lagu qabtay Khartoum
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kulankaan oo aay soo qaban qaabisay jumciyadda horumarinta Ardayda soomaaliyeed ayaa waxaa loogu hadlayay sida wax loogu qaban kara abaaraha ka taagan dalkeena soomaaliya. iyadoo ay ka soo qeyb galeen kulankaani aqoonyhano, salaadiin, jaaliyada iyo qaar kamida ah ardayda  wax ka barata jamacadaha dalka sudaan .

Ugu horeyn waxaa goobta ka hadlay gudoomiyaha jaaliyada soomaaliyeed ee dalka sudaan cabdi wali xasan xuseen waxaa uu ku booriyey shacabka Soomaaliyeed guud ahaan meel kasta oo ay joogaan oo ay ugu horeeyaan ganacsatada,qurba joogta iyo bulshada rayidka in dhexda loo xirto sidii dadkeenna loogu gurman lahaa.

Related posts

Safiirka Soomaaliya ee Shiinaha oo qaabishay saraakiil dowladda ka socd

Safiirka Soomaaliya ee Shiinaha oo qaabishay saraakiil dowladda ka socd

July 12, 2025
Guddoomiyaha SoDMA iyo  Madaxweyne Ku-xigeenka Hirshabeelle oo ka wada hadlay  Gurmadka Beni’aadannimo ee Gobolka Hiiraan

Guddoomiyaha SoDMA iyo Madaxweyne Ku-xigeenka Hirshabeelle oo ka wada hadlay Gurmadka Beni’aadannimo ee Gobolka Hiiraan

July 12, 2025

Sido kale waxaa ka hadlay kulanka suldaan kamaala iyo suldaan cali oo ka mid ah salaadiinta soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka sudaan waxey sheegen in loo baahanyahay Alle Barri badan iyo in salaado la tukado, iyagoone baaq u diray cid walba oo wax heysta inay samata bixiyaan walaalahood.

Kulankaan Uu shir gudominaayay Gudoomiyaha jumciyadda horumarinta Ardayda soomaaliyeed Eng Cabdisamad Cabdiraxman ”Maleysiya” Ayaa waxaa laga soo saaray warmurtiyeed ka koobnaa ilaa iyo lix qodob waxaane ka mid ahaa war murtiyeedkaasi.

  1. In la sameeyo guddiyo  isku dhaf ah  oo matalaya qeybah kala duwan ee bulshada si loo caawiyo dadka abaraha saameysay ayadoo lala kaashanayo guddiyada jira ee heerka qaran iyo hay’adaha caalimiga.
  2. In la sameeyo sanduuq badbaada qaran lagana hirgaliyo dhamaan gobalada dalka  si  looga hortago abaraha iyo musiibooyinka kale ee dabiiciga ah ee soo wajaha bulshada looguna kaaftooma gacanta shisheeye.
  3. in xil gooni iska saaraan hey’adaha dowliga  ee kushaqada leh hormarinnta  deegaanka iyo reer miyiga si loo helo keyd biyeedyo , daaqsi xereeno taasi  oo gashaan u noqon karta ka hortago abaahara.
  4. In lagu dhiiri galiyo ganacsata iyo shirkadaha caalamiga maalgalinta beerashada iyo xanaaneyta xoolaha si loo kordhiya wax so saarka dalka.
  5. In la joojiyo jaridda iyo xaalufinta dhirta, si loo dhowro Deeganka iyo wax soo saarkisa.
  6. In lasameeyo xaruma qaas u ah cilmi baarista musiibooyinka dabiiciga ah iyo isbadalada cimilada sidoo kalana kashaqeyo wacyi galinta bulshada.

gobolada dalkeena soomaaliya ayaa waxaa ka jira abaaro badan kuwaas oo saameeyay dadka iyo duunyada waxaana ku xoola beelay dadyow fara badan.

Yuusuf  Maxamed Macalin (Yuusuf Kashmiir)

IMG_20170127_210425 (1) IMG_20170127_210425 (2) IMG_20170127_210425 (3) IMG_20170127_210425 IMG_20170127_210432 (1) IMG_20170127_210432 IMG_20170127_212007 (1) IMG_20170127_212007 IMG_20170127_214122 IMG_20170127_214200 IMG_20170127_214233 IMG_20170127_214243 IMG_20170127_220833

Previous Post

Dalka Britain oo ballan qaaday taageero dheeraad ah si wax looga qabto baahiyaha bani’aadamnimo oo ay sababeen abaaraha ee Soomaaliya

Next Post

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhagayso Warka Habeen Ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Safiirka Soomaaliya ee Shiinaha oo qaabishay saraakiil dowladda ka socd

Safiirka Soomaaliya ee Shiinaha oo qaabishay saraakiil dowladda ka socd

July 12, 2025
0

Safiirka Soomaaliya ee Shiinaha Dr Hodan Cusmaan Cabdi, ayaa xarunta Safaaradda Soomaaliya ee magaalada Beijing ku qaabishay saraakiil dowladeed oo...

Guddoomiyaha SoDMA iyo  Madaxweyne Ku-xigeenka Hirshabeelle oo ka wada hadlay  Gurmadka Beni’aadannimo ee Gobolka Hiiraan

Guddoomiyaha SoDMA iyo Madaxweyne Ku-xigeenka Hirshabeelle oo ka wada hadlay Gurmadka Beni’aadannimo ee Gobolka Hiiraan

July 12, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamed Macalin Cabdulle, ayaa maanta kulan muhiim ah la yeeshay Madaxweyne ku‑xigeenka Dowlad...

Wasaaradda Howlaha Guud ee Hirshabeelle oo dhagax-dhigtay dhismaha waddooyinka Beledweyne

Wasaaradda Howlaha Guud ee Hirshabeelle oo dhagax-dhigtay dhismaha waddooyinka Beledweyne

July 12, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud Dib-u-dhiska iyo Guryeynta Dowladda Hirshabeelle  Maxamuud Xasan Bariise, oo uu wehliyo guddoomiyaha gobolka Hiiraan Muuse Salaad...

Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya oo magaalada Laascaanood ka wada kulamo lagu dardargelinayo dhammeytirka dhismaha SSC-Khaatumo

Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya oo magaalada Laascaanood ka wada kulamo lagu dardargelinayo dhammeytirka dhismaha SSC-Khaatumo

July 12, 2025
0

Mas'uuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa magaalada Laascaanood ee gobolka Soolka waxa ay ka wadaan, kulamo lagu dardargelinayo dhammeystirka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In