Thursday, March 26, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Kulan looga hadlay Xaalada Amni iyo tan Beni’aadannimo ee Gobolka Bakool oo lagu qabtay Xudur

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
5 years ago
in Wararka
0
Kulan looga hadlay Xaalada Amni iyo tan Beni’aadannimo ee Gobolka Bakool oo lagu qabtay Xudur
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka Cirka iyo Dhulka dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Xasan Xuseen Maxamed ayaa shir guddoomiyey kulan ay ka soo qeyb galeen maamulada degmooyinka Xudur, Tiyeeglow, Rabdhuure iyo kan gobolka bakool.

Intii uu socday kulanka waxa si guud looga warbixiyey xaaladaha amni iyo tan beni’aadannimo ee ka jirta deegaanada gobolka Bakool oo ay qeyb ka tahay go’doominta degmooyinka Xudur iyo Waajid, xaaladaha ay ku sugan yihiin kumanaan barakacayaal ah oo dulsaaran Degmada Xudur,

Related posts

NISA oo gacanta ku dhigtay xubno u hoggaansamay baadda Khawaarijta

Ciidanka Hay’adda NISA oo howlgal qorsheysan ku dilay horjoogayaal ka tirsan Khawaarijta

March 26, 2026
Wasiirka Ganacsiga XFS oo shir muhiim ah uga qeybgalay dalka Cameroon

Wasiirka Ganacsiga XFS oo shir muhiim ah uga qeybgalay dalka Cameroon

March 26, 2026

Sidoo kale shirka waxa kaloo aad loogu dheeraaday ka hadalka shacabkii dhowaan laga barakiciyey tuulooyin qarniyaal ay deganaayeen, abaarta iyo biyo la’aanta ay wajahayaan shacabka gobolka bakool.

Wasiirka oo su’aalo laga weydiiyey qorshaha Wasaaradda ee dhismaha garoonka diyaaradaha degmada Xudur oo howlo isxilqaan ah ay ka socodaan ayaa Wasiirka  maamulka u sheegey in maalmaha soo socda labilaabayo dhismaha madaarka, kaa oo lagu dhisayo barnaamijka isxilqaan ka Wasaarad ahaanna ay xoojinayaan arrintaas.

Kulanka kaddib Guddoomiyaha Degmsda Xudur Maxamed Macalin oo Warbaahinta la wadaagay wayaabihii sida gaarka ah looga hadlay ayaa sheegay in Wasiirka uu balan qaaday in sida ugu dhaqsiyaha badan loo dhisayo garoonka diyaaradaha Xudur, isla markaana shamiindada galaysana uu Wasiirka diyaarad ku keenayo, maadaama magaalada Xudur uu gebi ahaanba qalabka dhismaha ka go’an yahay.

Previous Post

Ra’iisul Wasaare Rooble oo kulan la qaatay Guddiga Amniga Doorashooyinka Dalka “SAWIRRO”

Next Post

Taliye Odawa oo kormeeray fariisimaha ay ciidanka xoogga ku leeyihiin Buula-Burte “SAWIRRO”

Next Post
Taliye Odawa oo kormeeray fariisimaha ay ciidanka xoogga ku leeyihiin Buula-Burte “SAWIRRO”

Taliye Odawa oo kormeeray fariisimaha ay ciidanka xoogga ku leeyihiin Buula-Burte “SAWIRRO”

NISA oo gacanta ku dhigtay xubno u hoggaansamay baadda Khawaarijta

Ciidanka Hay’adda NISA oo howlgal qorsheysan ku dilay horjoogayaal ka tirsan Khawaarijta

March 26, 2026
0

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya saaxiibada caalamka ayaa howlgallo qorsheysan, oo lagu dilay Horjoogihii isku xirka...

Wasiirka Ganacsiga XFS oo shir muhiim ah uga qeybgalay dalka Cameroon

Wasiirka Ganacsiga XFS oo shir muhiim ah uga qeybgalay dalka Cameroon

March 26, 2026
0

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jamaal Maxamed Xasan, ayaa ka qeyb galay Shirweynaha 14aad ee Wasiirrada ee...

CXDS iyo AUSSOM oo ku dilay Mubaarak 40 ka tirsan khawaarijta 

CXDS iyo AUSSOM oo ku dilay Mubaarak 40 ka tirsan khawaarijta 

March 26, 2026
0

WAR-SAXAAFADEED, Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya ciidamada Uganda ee AUSSOM, ayaa jab culus gaarsiiyay maleeshiyaadka ka tirsan Khawaarijta, oo...

Soomaaliya iyo Spain oo kala saxiixday heshiis Taariikhi ah 

Soomaaliya iyo Spain oo kala saxiixday heshiis Taariikhi ah 

March 26, 2026
0

Dowladaha Soomaaliya iyo Spain ayaa kala saxiixday heshiis is-afgarad (MoU) oo dhidibada u aasaya hannaan wadatashi siyaasadeed oo joogto ah....

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In