Shir loogu hadlayay wax ka qabashada dhibaatooyinka Soomaalida ayna ka qeybgaleen Ganacsato iyo xubno ka tirsan jaaliyadda Soomaalida ee dalka Koofur Afrika ayaa lagu qabtay magaalada Pretoria ee dalka South Africa.
Kulankan oo looga hadlay sidii loo xallin lahaa khilaafaadka u dhaxeeya Soomaalida iyo sidii loo heli lahaa midnimo Soomaaliyeed ayaa waxaa hadallo ka jeediyay qaar ka mid ah Ganacsatadii iyo Waxgaradkii ka qeybgalay, iyagoo sheegay in ay u sii gogol xaarayaan Shirweyne lagu wado in loo qabto dhammaan Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan K/Afrika bisha may.
Qaar ka mid ah Qabanbaayaashii shirka ayaa sheegay in bilihii ugu dambeyay ay soo badanayeen dhibaatooyinka ay la kulmaan Soomaalida.
Gudoomiyaha guddiga xalliinta khilaafaadka Soomaalida ku nool South Africa C/laahi Axmed Fiidow ( Xabeeb) oo ka mid ahaa dadkii ka hadlay madasha ayaa sheegay in muwaadin walboo Soomaaliyeed iska xilsaaro danta guud iyo sida ay Jaaliyadda u midoobi lahayd.
“Kulankan wuxuu daba socdaa kulumo ay qeybahaha bulshada dhammaan ku soo yeesheen magaalooyinka ay Soomaalida uga nooshahay K/Afrika, Guddigaan ayaana isku xilsaaray xallinta khilaafaadka iyo mideynta Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalka Koofur Afrika” ayuu yiri. C/laahi Axmed Fiidow ( Xabeeb)
C/fitaax Sayid Salaad oo ka mid ah Ganacsatadii isu xilsaartay inay Shirkaan qabtaan ayaa yiri” Shirkaan waxaan ugu talagalnay inaan ugu sii gogol xaarno Shir weyne ay jaaliyaddu yeelanayaan bisha May ee sanadkan, kaas oo loogu hadli doona Aayaha Jaaliyadda”.
Qaar ka mid ah Waxgaradka iyo Ganacsatada Soomaalida ee K/Afrika ayaa muddooyinkii ugu dambeyay waday iska warqabka Soomaalida dhexdeeda iyo sidii loo xallin lahaayeen khilaafka dhexdooda ah.
Sawir qaade C/qaadir Axad