Saturday, January 31, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Kulan looga hadlayay arrimaha Somalida oo lagu qabtay K/Afrika

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
9 years ago
in Wararka
0
Ganacsade Soomaali ah oo lagu dilay dalka South Africa
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kulan si weyn ay u soo agaasimeen Guddi Ka kooban Ganacsato,Culumaa’udiin iyo Aqoonyahano Soomaaliyeed ee ku nool dalka Koofur Afrika ayaa maanta waxaa uu ka furmay Magaalada Malbero Johannesburg ee Dalka Koonfur.

Kulankaasi ayaa waxaa ka soo qeybgalay marti sharaf kala duwan iyo ergooyin kala matalayay Bulshada Soomaaliyeed ee ku kala nool 9-ka Gobolka ee uu ka kooban yahay Dalka Koofur Afrika, ururada ka shaqeeya arrimaha bulshada,haweenka iyo kuwa kale waxaana ujeedka kulanka uu ahaa sidii xal loogu heli lahaa dhibaatooyinka Soomaalida ku heysta gudaha Dalka South africa, sida uu warbaahinta qaranka u sheegay Shariif Axmed Wehliye Garweyne oo ku hadlayay
Magaca Guddiga soo qaban qaabiyay kulankaani.

Related posts

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray magaalada Jigjiga

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray magaalada Jigjiga

January 31, 2026
Dowladda Soomaaliya oo kaalin weyn ka ciyaartay doorka hoggaaminta fadhiga Golaha Ammaanka ee QM

Dowladda Soomaaliya oo kaalin weyn ka ciyaartay doorka hoggaaminta fadhiga Golaha Ammaanka ee QM

January 31, 2026

“Shirkaan waxaa loogu talagalay in lagu xaliyo dhibaatooyinka Soomaalida dhaxdeeda ah iyo kuwa Dalkaan Koofur Afrika loogu geysto,isla markaana lagu xaliyo arimahaas loga hadlayo” ayuu yiri Shariif.

Guddiga ayaa Ergooyinka Madasha shirka yimid u qeybiyay ilaa sagaal qodob oo ay ku soo koobeen dhibaatooyinka loo baahan yahay in laga wada hadlo, islamarkaana ay ka doodaan dhinacyada matalayasha bulshada iyo ururada Soomaalida, waxaana qodobadaasi bulshada u akhriyay Xoghayaha Gudiga Qabanqaabada Maxamuud C/laahi Salaad.

“qodobadii aan is dhahnay waa ugu waa weyn dhibaatooyinka ayaan kusoo
koobnay,tusaale ahaan midnimo la’aanta,dhaca iyo dilalka
qorsheysan,maandooriye ama drugs waxa loo yaqaano,anshax xumada,barakicin
ganacsi,sharciyada wasaarada arimaha gudaha South Africa,Tacliinta da’yarta
Soomaaliyeed,isfahan darada Bulshooyinka,iska xil saarid la’aanta danta
guud”, ayuu yiri Maxamuud.

Shirkaan ayaa la filayaa in uu socon doono muddo seddax maalin ah ee soo socota waxaana la rajeynayaa in laga soo saaro arrimo badan oo faa’iido u ah bulshada Soomaaliyeed ee ku nool gudaha dalka Koofur Afrika sida uu warbaahinta qaranka u sheegay Axmed nuur Abdulle Xirsi oo ka mid ahaa guddiga qaban qaabada shirkaan.

Inta uu socday shirka maanta waxaa halkaasi heeso iyo riwaayad ka turjumayay xaalada nololeed ee Soomaalida ku nool dalka Koofur Afika ku soo bandhigay kooxda hiddaha iyo dhaqanka ee suldaan ibraahim qaxwo, iyada oo sidoo kale ay halkaasi ku soo xardheen dhammaan alaabaha hiddaha dhaqanka iyo waliba aqal soomaali laga dhisay iridka hore ee xarunta shirka laga galo.

Previous Post

Taliyaha Booliska Soomaaliyeed oo tababbar u furay cutubyo ka tirsan booliska “SAWIRRO”

Next Post

Dowladda Shiinaha oo 2 Malyan oo Dollar ku wareejisay Hay’adda WFP

Next Post
Dowladda Shiinaha oo 2 Malyan oo Dollar ku wareejisay Hay’adda WFP

Dowladda Shiinaha oo 2 Malyan oo Dollar ku wareejisay Hay’adda WFP

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray magaalada Jigjiga

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray magaalada Jigjiga

January 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO(Jigjiga):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa goordhaw magaalada Jigjiga ka dagay, halkaas oo si diirran uu...

Dowladda Soomaaliya oo kaalin weyn ka ciyaartay doorka hoggaaminta fadhiga Golaha Ammaanka ee QM

Dowladda Soomaaliya oo kaalin weyn ka ciyaartay doorka hoggaaminta fadhiga Golaha Ammaanka ee QM

January 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Xamse Aadan, ayaa sheegay tilmaamay in Soomaaliya ay fadhiga Golaha Ammaanka ee...

Xafiiska Hantidhowrka Guud oo barnaamijka tababarka Maaliyadda kusoo gabagabeeyay Ankara

Xafiiska Hantidhowrka Guud oo barnaamijka tababarka Maaliyadda kusoo gabagabeeyay Ankara

January 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xafiisyada Hantidhowrka Guud ee JFS iyo Jamhuuriyadda Turkiga ayaa magaalada Ankara si rasmi ah ugu soo gebagabeeyay barnaamijka Tababarka...

Soomaaliya iyo Hindiya oo sii xoojinaya xiriirka Laba-Geesoodka ah ee labada dal

Soomaaliya iyo Hindiya oo sii xoojinaya xiriirka Laba-Geesoodka ah ee labada dal

January 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO(New Delhi):-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa maanta Magaalada...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In