Tuesday, July 14, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Kulan looga hadlayay arrimaha Somalida oo lagu qabtay K/Afrika

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Ganacsade Soomaali ah oo lagu dilay dalka South Africa
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kulan si weyn ay u soo agaasimeen Guddi Ka kooban Ganacsato,Culumaa’udiin iyo Aqoonyahano Soomaaliyeed ee ku nool dalka Koofur Afrika ayaa maanta waxaa uu ka furmay Magaalada Malbero Johannesburg ee Dalka Koonfur.

Kulankaasi ayaa waxaa ka soo qeybgalay marti sharaf kala duwan iyo ergooyin kala matalayay Bulshada Soomaaliyeed ee ku kala nool 9-ka Gobolka ee uu ka kooban yahay Dalka Koofur Afrika, ururada ka shaqeeya arrimaha bulshada,haweenka iyo kuwa kale waxaana ujeedka kulanka uu ahaa sidii xal loogu heli lahaa dhibaatooyinka Soomaalida ku heysta gudaha Dalka South africa, sida uu warbaahinta qaranka u sheegay Shariif Axmed Wehliye Garweyne oo ku hadlayay
Magaca Guddiga soo qaban qaabiyay kulankaani.

Related posts

Safiirka Soomaaliya ee Sweden oo booqasho tacsiyeed ku tegay Safaaradda Qatar ee Stockholm

Safiirka Soomaaliya ee Sweden oo booqasho tacsiyeed ku tegay Safaaradda Qatar ee Stockholm

July 14, 2026
Wasiirka Wasaaradda Qoyska XFS oo kulan la qaadatay Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Waxbarashada Pakistan

Wasiirka Wasaaradda Qoyska XFS oo kulan la qaadatay Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Waxbarashada Pakistan

July 14, 2026

“Shirkaan waxaa loogu talagalay in lagu xaliyo dhibaatooyinka Soomaalida dhaxdeeda ah iyo kuwa Dalkaan Koofur Afrika loogu geysto,isla markaana lagu xaliyo arimahaas loga hadlayo” ayuu yiri Shariif.

Guddiga ayaa Ergooyinka Madasha shirka yimid u qeybiyay ilaa sagaal qodob oo ay ku soo koobeen dhibaatooyinka loo baahan yahay in laga wada hadlo, islamarkaana ay ka doodaan dhinacyada matalayasha bulshada iyo ururada Soomaalida, waxaana qodobadaasi bulshada u akhriyay Xoghayaha Gudiga Qabanqaabada Maxamuud C/laahi Salaad.

“qodobadii aan is dhahnay waa ugu waa weyn dhibaatooyinka ayaan kusoo
koobnay,tusaale ahaan midnimo la’aanta,dhaca iyo dilalka
qorsheysan,maandooriye ama drugs waxa loo yaqaano,anshax xumada,barakicin
ganacsi,sharciyada wasaarada arimaha gudaha South Africa,Tacliinta da’yarta
Soomaaliyeed,isfahan darada Bulshooyinka,iska xil saarid la’aanta danta
guud”, ayuu yiri Maxamuud.

Shirkaan ayaa la filayaa in uu socon doono muddo seddax maalin ah ee soo socota waxaana la rajeynayaa in laga soo saaro arrimo badan oo faa’iido u ah bulshada Soomaaliyeed ee ku nool gudaha dalka Koofur Afrika sida uu warbaahinta qaranka u sheegay Axmed nuur Abdulle Xirsi oo ka mid ahaa guddiga qaban qaabada shirkaan.

Inta uu socday shirka maanta waxaa halkaasi heeso iyo riwaayad ka turjumayay xaalada nololeed ee Soomaalida ku nool dalka Koofur Afika ku soo bandhigay kooxda hiddaha iyo dhaqanka ee suldaan ibraahim qaxwo, iyada oo sidoo kale ay halkaasi ku soo xardheen dhammaan alaabaha hiddaha dhaqanka iyo waliba aqal soomaali laga dhisay iridka hore ee xarunta shirka laga galo.

Previous Post

Taliyaha Booliska Soomaaliyeed oo tababbar u furay cutubyo ka tirsan booliska “SAWIRRO”

Next Post

Dowladda Shiinaha oo 2 Malyan oo Dollar ku wareejisay Hay’adda WFP

Next Post
Dowladda Shiinaha oo 2 Malyan oo Dollar ku wareejisay Hay’adda WFP

Dowladda Shiinaha oo 2 Malyan oo Dollar ku wareejisay Hay’adda WFP

Safiirka Soomaaliya ee Sweden oo booqasho tacsiyeed ku tegay Safaaradda Qatar ee Stockholm

Safiirka Soomaaliya ee Sweden oo booqasho tacsiyeed ku tegay Safaaradda Qatar ee Stockholm

July 14, 2026
0

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Boqortooyada Sweden Cabdikariin Maxamed ayaa booqasho tacsiyeed ku tagay Safaaradda Dowladda Qatar ee Stockholm,...

Wasiirka Wasaaradda Qoyska XFS oo kulan la qaadatay Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Waxbarashada Pakistan

Wasiirka Wasaaradda Qoyska XFS oo kulan la qaadatay Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Waxbarashada Pakistan

July 14, 2026
0

Islamabad, Pakistan – Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Amb. Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi, ayaa maanta...

DfS oo Golaha ECOSOC ku soo bandhigtay horumarka ay ka gaartay dhaqaalaha, amniga

DfS oo Golaha ECOSOC ku soo bandhigtay horumarka ay ka gaartay dhaqaalaha, amniga

July 14, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamuud Cabdi Sheekh Faarax (Beenebeene), ayaa khudbad rasmi...

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya oo lagu soo dhaweeyay Mareykanka 

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya oo lagu soo dhaweeyay Mareykanka 

July 14, 2026
0

Guddoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta (SFF), ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Ururka Kubadda Cagta Bariga iyo Bartamaha Afrika (CECAFA), Mudane Cali...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In