Thursday, August 11, 2022
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Kulan looga hadlayay horumarinta adeegyada caafimaadka oo lagu qabtay Jowhar

January 6, 2015
in Wararka
0
Haween tababar loogu soo xiray Muqdisho
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kulan looga hadlayay horumarinta adeegyada caafimaadka oo ay ka qeyb galeen Guddoomiyeyaasha ururada haweenka ee gobolka Shabeelaha dhexe ayaa maanta lagu qabtay magaalada Jowhar ee xarunta Gobolkaasi.

Kulankan oo ay soo qaban qaabisay Guddoomiyaha Ururka Haweenka ee gobalka Shabeelaha Dhexe ayaa haweenkii ka qeyb galay oo ka kala socday Warsheekh, Mahadaay, Cadale iyo Balcad, waxaana diiradda lagu saaray sidii loo horumarin lahaa adeegyada bulshada ee gobolka.

Related posts

Horjoogayaal katirsan Al-shabaab oo lagu dilay duqeeyn kadhacday Gobolka Shabeelaha hoose

DF Soomaaliya oo war ka soo saartay khasaaraha duqeymo ka dhacay G/Hiiraan

August 10, 2022
Abshir Bukhaari Oo La Wareegay Xilka Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Qaranka

Abshir Bukhaari Oo La Wareegay Xilka Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Qaranka

August 10, 2022

Qaar ka mid ah Guddoomiyeyaasha ururada haweenka ee gobolka Shabeelaha Dhexe oo kulanka hadal ka jeediyay ayaa waxa ay maamulka ka codsadeen sidii xarumo caafimaad oo tayo leh looga hirgelin lahaa degmooyinka Gobolka, iyagoo tilmaamay in iminka ay aad u liitaan adeegyada caafimaad ee laga helo qaar ka mid ah degmooyinka Gobolka Shabeelaha Dhexe.

Guddoomiyaha ururka Haweenka ee Gobolka Shabeelaha Dhexe Sacdiyo Maxamed Nuur ayaa uga mahadcelisay haweenkii ka soo qeyb galay kulanka, waxaana ay tilmaamtay in haweenka looga fadhiyo sidii ay u xoojin lahaayeen wada shaqeynta dhexdooda ah, isla markaana ay cabashadooda u gudbin doonto maamulka Gobolka si wax looga qabto baahiyaha jira.

Previous Post

AMISOM oo deeq dawo ah gaarsiisay cisbitaalka Baledweyne

Next Post

Dhageyso Warka Duhurnimo ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhegeyso Warka Duhur ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Duhurnimo ee Radio Muqdisho

Horjoogayaal katirsan Al-shabaab oo lagu dilay duqeeyn kadhacday Gobolka Shabeelaha hoose

DF Soomaaliya oo war ka soo saartay khasaaraha duqeymo ka dhacay G/Hiiraan

August 10, 2022
0

Dowladda Soomaaliya oo kaashaneysa Taliska ciidamada Mareykanka ee AFRICOM ayaa saddex weerar oo cirka ah ku qaaday argagixisada Al-Shabaab, duqeymahaas...

Abshir Bukhaari Oo La Wareegay Xilka Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Qaranka

Abshir Bukhaari Oo La Wareegay Xilka Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Qaranka

August 10, 2022
0

Wasiiru-dowlaha cusub ee Madaxtooyada Qaranka Mudane Abshir Maxamed Axmed ayaa maanta xilka kala wareegay Wasiiru-dowlihii hore Mudane Xasan Macallin Khaliif,...

Maamulka Degmada Ceelberde Oo Ku Baaqey In La Caawiyo Dadkii Degmada Kusoo Barakacay

Maamulka Degmada Ceelberde Oo Ku Baaqey In La Caawiyo Dadkii Degmada Kusoo Barakacay

August 10, 2022
0

Guddoomiyaha Degmada Ceelberde ee Gobolka Bakool oo ka hadley xaaladihii u dambeeyay ayaa sheegey in dadkii degmada kusoo barakacay ay...

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Ka Qeybgalay Furitaanka Madasha Ganacsiga Soomaaliya iyo Uganda

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Ka Qeybgalay Furitaanka Madasha Ganacsiga Soomaaliya iyo Uganda

August 10, 2022
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad ka jeediyey Madasha Iskaashiga dhaqaale ee Soomaaliya iyo Uganda ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In