Guddomiye ku xigeenka Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Dr Axmed Cabdi Aadan ayaa maanta Guddoomiyey kulan gaar ah oo ka qabsoomay xarunta dhexe ee SoDMA, kaas oo u dhaxeeyay hay’adda SoDMA iyo Machadka Caafimaadka Qaranka oo uu hoggaaminayey Agaasimaha guud ee Machadkaas Dr Xuseen Abuukar Muxuddiin.
Kulankan ayaa looga hadlay xaaladda beni’aadannimo iyo tan Cafimaad ee ka dhalatay fatahaadaha cimilada El-Niño, xoojinta dedaallada samata-bixinta iyo sidii dhinacyadu isaga kaashan lahaayeen ka jawaabista khataraha iyo u gurmashada dadka nugul iyo wadaagista xogaha Cafimaadka iyo xoojinta wada shaqeeynta labada dhinac.