Thursday, July 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Kulan Looga Hadlayo Maalgashiga iyo Xoojinta Bangiyada Soomaaliya oo Nairobi Lagu Qabtay- SAWIRRO

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Kulan Looga Hadlayo Maalgashiga iyo Xoojinta Bangiyada Soomaaliya oo Nairobi Lagu Qabtay- SAWIRRO
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Dood Cilmiyeed ku saabsan sida loo xoojin karo Bangiyada Soomaaliya isla markaana ay bangiyada dalka Kenya maalgashi ugu sameyn karaan Soomaaliya ayaa maanta lagu qabtay magaallada Nairobi ee dalka Kenya.

Danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya mudane Jamaal Maxamed Xasan ayaa furay kulankaan oo ay soo qabanqaabisay safaaraddu ayna ka qeyb galayaan Wasaaradaha arrimaha dibadda, maaliyadda, ganacsiga iyo qorsheynta ee labada waddan, masuuliyiinta bangiyada dhexe ee labada dhinac iyo bangiyada ganacsiga ee gaarka loo leeyahay.

Related posts

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo ka qeybgalay shirka ka jawaabista saameynta la filayo ee Super El Niño 2026

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo ka qeybgalay shirka ka jawaabista saameynta la filayo ee Super El Niño 2026

July 30, 2026
MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN MIRO DHAL AH LA QAATAY DHIGGIISA DALKA YUGAANDHA

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN MIRO DHAL AH LA QAATAY DHIGGIISA DALKA YUGAANDHA

July 30, 2026

“Ujeeddada kulankani waa in la is dhaafsado sida ay bangiyada ganacsiga ee Soomaaliya iyo Kenya isu kaashan karaan, ayadoo labada dowladood ay taageerayaan ama ay u fududeynayaan arrintaas” ayuu yiri danjire Jamaal.

Cabdirisaaq Xasan oo ah la taliyaha Bangiga Dhexe ee Soomaaliya ayaa sheegay in xoojinta iyo sharci siinta bangiyada Soomaaliya ay ahmiyad u leedahay kor u qaadidda hannaanka dhaqaale ee Soomaaliya. Wuxuu sheegay in sanidihii la soo dhaafay uu bangiga dhexe uu ruqsad siiyay bangiyo iyo xawaalado badan oo dalka ka shaqeeya.

“Waxa aan ruqsad siinnay lix bangi oo ganacsi oo qaarkood ay halkaan fadhiyaan, sidoo kale waxaan ruqsad siinnay in ka badan lix shirkad oo xawaaladeed kuwaas oo adeegyo u qabta bulshada Soomaaliyeed” ayuu yiri Cabdirisaaq.

IMG_0504

Buteri Watson oo ka tirsan Bangiga Adduunka ayaa sheegtay in Soomaaliya sanidihii la soo dhaafay ay horumar weyn ka sameysay hannaanka maamulidda dhaqaalaha dadweynaha, ayadoo la sameeyay sharciyo badan oo taageeraya ama fududueynaya in maal-gashi lagu sameysto waddanka ayadoo ay jirto daahfurnaan maaliyadeed.

“Soomaaliya waxa ay sameysay horumar weyn oo dhinaca dhaqaalaha ah, maamulidda dhaqaalaha dowladda iyo xoojinta hay’adaha qaabilsan dhaqaalaha ayaa aad loo hagaajiyay” ayay tiri Buteri.

“Hay’adaas la xoojiyay iyo horumarkaas ayadoo laga amba qaadayo, Waxa aan ka hadlaynaa sidee hay’adahaas dowladda ee koraya ay u caawin karaan ganacsiga gaarka loo leeyahay, waxa ay ku taageeri karaan iyo sida ay ganacsatada dalalka dariska ah gaar ahaan Kenya u maalgashan karaan Soomaaliya”.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Qorshaynta iyo Xiriirka Caalamiga Cabdullaahi Sheekh Cali “Qaloocoow” ayaa shirkaan ka sheegay in dowladda Soomaaliya ay ahmiyad weyn siinayso xoojinta wada shaqeynta hay’adaha gaarka loo leeyahay iyo kuwa dowladeed. Wuxuu intaa ku daray in qorshaha qaran ee horumarinta dalka ay qeyb ka tahay horumarinta iyo kor u qaadidda dhaqaalaha dalka.

Wasiirka Ganacsiga Soomaaliya,   ayaa shegay in dowladda Soomaaliya ay soo dhaweyneyso in dowladaha dariska ahi ay maalgashi ku sameeystaan Soomaaliya, ayadoo ay dowladdu diyaarisay sharciga maalgashiga dalka, kan Iibka qaranka iyo kuwo kale.

Sidoo kale wakiilo ka socda rugta ganacsiga iyo warshadaha Soomaaliyeed, Bangiyada IBS, Premier Bank, Salaam Somali Bank, Dahabshiil, Amal iyo bangiyo ka shaqeeya dalka Kenya ayaa ka qeyb galaya kulankaan oo doodo ku saabsan sida loo wada shaqeyn karo ay ku yeelanyaan madasha.

Bangiga Adduunka iyo safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya ayaa soo qabanqaabiyay kulankaan. Billowgii sanadkaan safaaradda ayaa kulan sidaan oo kale ah u qabatay ganacsatada Soomaaliyeed ee ka shaqeysta dalka Kenya.

IMG_0451 IMG_0459 IMG_0463 IMG_0465 IMG_0478 IMG_0484 IMG_0486 IMG_0489 IMG_0491 IMG_0496 IMG_0498 IMG_0501 IMG_0513 IMG_0519 IMG_0527

Previous Post

Human Rights Watch oo ciidamada Kenya ku eedeeysay tacaddiyo ay u geysteen dad rayid ah

Next Post

Wasiirka caddaaladda oo Dhagax dhigay dhismaha Dugsi wax lagu barayo Maxaabiista (Sawirro)

Next Post
Wasiirka caddaaladda oo Dhagax dhigay dhismaha Dugsi wax lagu barayo Maxaabiista (Sawirro)

Wasiirka caddaaladda oo Dhagax dhigay dhismaha Dugsi wax lagu barayo Maxaabiista (Sawirro)

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo ka qeybgalay shirka ka jawaabista saameynta la filayo ee Super El Niño 2026

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo ka qeybgalay shirka ka jawaabista saameynta la filayo ee Super El Niño 2026

July 30, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa Dowladda Federaalka Soomaaliya ku matalay shir dhanka Zoomka ah...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN MIRO DHAL AH LA QAATAY DHIGGIISA DALKA YUGAANDHA

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN MIRO DHAL AH LA QAATAY DHIGGIISA DALKA YUGAANDHA

July 30, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa galinkii dambe ee maanta safar shaqo ku gaaray magaalada Kambaala ee...

Golaha Wasiirrada XFS, oo ansixiyay ergeyga Soomaaliya ee (OIC) iyo dalacsiinta Danjirayaal cusub

Golaha Wasiirrada XFS, oo ansixiyay ergeyga Soomaaliya ee (OIC) iyo dalacsiinta Danjirayaal cusub

July 30, 2026
0

Golaha Wasiirrada XFS, ayaa kulankoodii maanta ku ansixiyay soo-jeedinta Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ee magacaabista ergeyga Soomaaliya ee...

Wasiiru-dowlaha Gaashaandhigga XFS oo shir muhiiim ah uga qaybgalay dalka Uganda

Wasiiru-dowlaha Gaashaandhigga XFS oo shir muhiiim ah uga qaybgalay dalka Uganda

July 30, 2026
0

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga JFS, Mudane Cumar Cali Cabdi, ayaa maanta magaalada Kampala ee Jamhuuriyadda Uganda kaga qayb galay Shirka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In