Tuesday, June 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Kulan looga hadlayo xasilinta colaad beeleedyo ka jira Galbeedka Mudug oo halkaasi ka socda

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
2 years ago
in Wararka
0
Kulan looga hadlayo xasilinta colaad beeleedyo ka jira Galbeedka Mudug oo halkaasi ka socda
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiiru dowlaha Wasaaradda arimaha gudaha Fedaraalka iyo dib u heshiisiinta Dowlad Gobaleedka Galmudug Cumar Maxamed Diiriye oo ay wehliyeen Masuuliyiin ka tirsan Xubnaha Golaha Wasiirada iyo Baarlamaanka Dowlad gobaleedyada Puntland iyo Galmudug iyo Saraakiisha hay’addaha Amniga Labada dowlad gobaleed ayaa maanta kormeer ku aadan la socodka dadaalada la xariira ka shaqeeynta Nabadda iyo xal u helidda colaado ka jiray deegaanada galbeedka gobalka Mudug ayaa maanta gaaray deegaanada ay dhibtu ka dhaceen.

Masuuliyiintan ayaa la filayaa in si wadajir ah ay kulamo gaar gaar ah ula qaataan bulshada ay colaadu ka dhax oogan tahay isla markaana kala hadli doonaan inta ay ku guda jiraan safarkooda nabad raadineed in ay qaataan nabadda ayna kala shaqeeyaan sidii xal waara looga gaari lahaa Colaada sidoo kalana wada xaajood looga yeelanayo dhibaatadii ka dhacday dhawaan deegaanada galbeedka gobalka Mudug

Related posts

Kaarka NIRA oo laga dhigayo shuruud safarrada gudaha Dalka

Kaarka NIRA oo laga dhigayo shuruud safarrada gudaha Dalka

June 30, 2026
Madaxweynaha JFS oo xarigga ka jaray xarunta cusub ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha 

Madaxweynaha JFS oo xarigga ka jaray xarunta cusub ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha 

June 30, 2026

Kulanka Nabad raadineed ayaa imaanaya kadib markii dhawaan dagaal beeleed ka dhacay inta u dhaxeeysa deegaanka Saaxa Qurun iyo Dagmada Galdogob oo ay ku nafwaayeen 40 ruux ayna ku dhawacmeen in ka badan 60 qof

Wasiiru dowlaha Wasaaradda arimaha gudaha Fedaraalka iyo dib u heshiisiinta Dowlad Gobaleedka Galmudug Cumar Maxamed Diiriye ayaa mar ay warbaahinta Qaranku wax ka weydiisay kulanka maanta iyo waxa looga wada hadlayo waxa uu sheegay in Sadax qodob uu ku saleeysan yahay kulanka.

Qodabka kowaad oo ah in si sharuud la’aan ah loo joojiyo Dagaalka

In la kala qaado Ciidamo beeleed uu sheegay in ay halkaasi isku horfadhiyaan

iyo in cid walba ay isku xilqaamaan waxgaradkooda iyo maamulkoodu in inta laga wada xaajoonayo dhibaatadii dhacday aysan markale wax dagaal iyo dirir ah halkaasi ka dhicin.

 

 













Previous Post

Kusimaha Madaxweynaha oo daahfuray Barnaamijka shaqo hufan “SAWIRRO”

Next Post

Howlgal qorsheysan oo lagu dilay horjoogeyaal ka tirsan Khawaarijta oo ka dhacay Kuntuwaareey

Next Post
Ethiopian Air Force says it killed 35 Al-Shabab militants in Somalia

Howlgal qorsheysan oo lagu dilay horjoogeyaal ka tirsan Khawaarijta oo ka dhacay Kuntuwaareey

Kaarka NIRA oo laga dhigayo shuruud safarrada gudaha Dalka

Kaarka NIRA oo laga dhigayo shuruud safarrada gudaha Dalka

June 30, 2026
0

Hay’adda Aqoonsiga Qaranka (NIRA), oo kaashanaysa Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya, ayaa magaalada Muqdisho ku qabatay kulan wadatashi iyo wacyigelin...

Madaxweynaha JFS oo xarigga ka jaray xarunta cusub ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha 

Madaxweynaha JFS oo xarigga ka jaray xarunta cusub ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha 

June 30, 2026
0

Muqdisho, Juun 30, 2026; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xarigga ka jaray xarunta cusub ee...

Wasiir Cali Xoosh “34 sano kadib dib ayaan gacanteena kusoo celinay Wasaaradda”. 

Wasiir Cali Xoosh “34 sano kadib dib ayaan gacanteena kusoo celinay Wasaaradda”. 

June 30, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta, mudane Cali Xoosh, ayaa ka hadlay munaasabadda xarig-jarka xarunta dhexe ee Wasaaradda oo ku...

Taliyaha Hay’adda NISA oo Balanballe ka dhagax dhigay saldhig cusub oo Hay’adda ah

Taliyaha Hay’adda NISA oo Balanballe ka dhagax dhigay saldhig cusub oo Hay’adda ah

June 30, 2026
0

Taliyaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA, Mudane Mahad Maxamed Salaad, ayaa magaalada Balanballe ee gobolka Galgaduud ka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In