Waxaa magaalada London ee caasimadda dalka Ingiriiska ka dhacay kulan tacsi ah oo loo sameeyay geeridii ku timid Allaha u naxariistee Wasiirkii Haweenka iyo Horumarinta Xuquul Insaanka Khadiija Maxamed Diiriye.
Munaasabadan ayaa waxaa ka soo qeyb galay culimo’udiin, waxgarad, haween, iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed ee ku nool dalka Ingiriiska.
Kulanka ayaa looga hadlay taariikh nololeedkii wasiirka iyo dadaalkeeda ku aaddan horumarinta nolosha Soomaalida iyo caawinta dadka ugu nugul bulshada.