Monday, August 31, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Kulan loogu duceynayay Marxuum Hindiya Xaaji oo lagu qabtay Holland “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
Kulan loogu duceynayay Marxuum Hindiya Xaaji oo lagu qabtay Holland “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Munasaabad lagu xasuusanaayey, isla markaasina loogu duceynaayey Hidiya Xaaji Maxmaed oo sadaxdii bishan ay kooxo hubeysan oo aan naxeynin ku dileen magaalada Muqdisho kadib markii gaari ay wadatay ay ugu xireen walxaha qaraxa ayaa waxaa lagu qabtay magaalada Amsterdam ee wadanka Holland.

Muaanasabada oo ay si wada jir ah u soo qaban qaabiyey Ururka Center For media ay dialogue iyo Xafiiska Warbahinta Qaranka Soomaaliyeed ee Wadanka Holland, ayaa waxaa ka soo qeyb galay Madaxda ururada ka jira wadanka Holland iyo Dadweyne kale kuwaasi oo si weyn u cambaareeyey dadkii ka danbeeyey dilka Hindiya Xaaji Maxamed.

Related posts

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo Luanda uga qeybgalay Kalfadhiga 21-aad ee Golaha Midowga Afrika

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo Luanda uga qeybgalay Kalfadhiga 21-aad ee Golaha Midowga Afrika

August 30, 2026
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka XFS oo kulan la qaatay Madaxa Xafiiska UNSOS

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka XFS oo kulan la qaatay Madaxa Xafiiska UNSOS

August 30, 2026

Xuseen Koofuroow oo ah Agaasimaha Guud ee Ururrka Center For Media and dialogue ayaa waxaa uu sheegay in uu ururkooda aad ugu xunyahay falkii lagu dilay Hindiya Xaaji waxana uu sheegay in ay aad u canbaareynayaan kooxaha dilkaasi ka danbeeyey, isagoo Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya ugu mahadceliyey sida uu is ku xilqaamay, isla markaana uu balanqaaday in Dowladda Soomaaliya ay carruurtaasi ka faalo qadeyso inta ay ka qaan gaarayaan.

Sahra Naaleeye oo ah Madax Mashaariicda ee Hay”ada FSAN ayaa waxaa ay sheegtay in ay aad ugu naxday markii ay maqashay Geerida Hidiya xaaji, iyadoo sheegtay in geeridaasi ay aheyd mid argagax leh, maadama ay aheyd bay tiri Hidia gabar korsaneysay carruur gaareysa 5 oo aabahoodna horey loodilay ,waxaana ay Wasiiraka Warfaafinta ku amaantay talaabadii uu qaaday mid aan horey loo arkin oo loo maray wado wanaagsan, dowladduna ugu baaqay in la sii adkeeyo arinkaasi

Magan Daahir oo ah Mucjisada Kubadda Miiska oo isana Munaasabada ka soo qeyb galay ,ayaa ugu horeyn tacsi u diray qoyskii ay ka geeriyootay Marxuumad Hindiya, isagoo ku baaqay in Ammaanka Suxufiyiinta Soomaaliyeed xil gaar ah la si ka saaro, shacabka iyo dowladduna ay is ka kaa shadaan sidii amaan buuxa loo heli lahaa kuwa dilka ka geysta soomaaliyana la horkeeno Cadaalada.

Guddoomiyaha Daladda ururada Midoobay ee FSAN Cali Waare ayaa waxaa uu dowladda Soomaaliya ugu baaqay in ay adkeeyaan Guud ahaan Amaanka Shacabka Gaar ahaan wariyaasha Soomaaliyeed oo ku shaqeeya buuyiri meel aan amnigeeda wanaagsaneyn isagoona intaasi ku daray in hadlakii ka soo yeeray Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye uu u taageeraayo Dowladdana ugu baaqay in arinkaasi ay adkeeso Xitaa hadii wasiirka hada jooga uu xilka baneeyo.

Xildhibana Faysal oo ka tirsan Xildhibaanada Dowladd Goboleedka Galmudug ee Soomaaliya oo munaasabada ka soo qeyb galay ayaa waxaa uu sheegay dilkii Hidiya in uu ahaa mid si weyn looga wadanaxay ahaana mid qorsheysan oo ay fuliyeen kooxo Danbiilayaal ah oo aan ilaa iyo hada la qabanin isagoona intaasi ku daray in gabadha ay aheyd hooyo Carruur korsaneysay oo aan waxaba galabsan waxaana uu ugu baaqay laamaha amaanka in ay dabgalaaan kooxaha ka danbeeya dilkaasi.

12

1 2 3 4 5 6 7 8

W/D:- Cabdullaahi Maxamed Taajiroow

Previous Post

Madaxweynaha oo furay shirka madasha Wada-tashiga heerka Qaran

Next Post

Guddoomiyaha Maxkamadda sare oo furay shir ku saabsan dhismaha maxkamadda guur guurta “SAWIRRO”

Next Post
Guddoomiyaha Maxkamadda sare oo furay shir ku saabsan dhismaha maxkamadda guur guurta “SAWIRRO”

Guddoomiyaha Maxkamadda sare oo furay shir ku saabsan dhismaha maxkamadda guur guurta "SAWIRRO"

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo Luanda uga qeybgalay Kalfadhiga 21-aad ee Golaha Midowga Afrika

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo Luanda uga qeybgalay Kalfadhiga 21-aad ee Golaha Midowga Afrika

August 30, 2026
0

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa magaalada Luanda ee dalka Angola kaga qaybgalaya Kalfadhiga...

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka XFS oo kulan la qaatay Madaxa Xafiiska UNSOS

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka XFS oo kulan la qaatay Madaxa Xafiiska UNSOS

August 30, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Mudane Omar Afrah ayaa kulan la yeeshay Ku-simaha Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee...

𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐨𝐨 𝐥𝐚 𝐤𝐮𝐥𝐦𝐚𝐲 𝐖𝐚𝐟𝐝𝐢 𝐤𝐚 𝐬𝐨𝐜𝐝𝐚 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐰𝐢𝐭𝐳𝐞𝐫𝐥𝐚𝐧𝐝

𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐨𝐨 𝐥𝐚 𝐤𝐮𝐥𝐦𝐚𝐲 𝐖𝐚𝐟𝐝𝐢 𝐤𝐚 𝐬𝐨𝐜𝐝𝐚 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐰𝐢𝐭𝐳𝐞𝐫𝐥𝐚𝐧𝐝

August 30, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa maanta kulan wax-ku-ool ah la yeeshay wafdi ka socday...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧 𝐌𝐮𝐡𝐢𝐢𝐦 𝐚𝐡 𝐥𝐚 𝐲𝐞𝐞𝐬𝐡𝐚𝐲 𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐢𝐢𝐬𝐚 𝐃𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐭𝐚𝐫

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧 𝐌𝐮𝐡𝐢𝐢𝐦 𝐚𝐡 𝐥𝐚 𝐲𝐞𝐞𝐬𝐡𝐚𝐲 𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐢𝐢𝐬𝐚 𝐃𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐭𝐚𝐫

August 30, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa kulan muhiim ah la yeeshay dhiggiisa dalka Qatar Mudane...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In