Friday, October 23, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Kulan taageero ah oo lagu qabtay Baydhabo

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
12 years ago
in Wararka
0
Kulan taageero ah oo lagu qabtay Baydhabo
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kulankan ay maanta wada yeesheen Xildhibaanada ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya iyo Haweenka ku nool sideeda xaafadood ee magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa waxaa uu ku saabsanaa sidii Haweenka ku nool magaaladaasi ay ula shaqeyn lahaayeen maamulka Koofur galbeed Soomaaliya.

Kulanka oo lagu qabtay gudaha magaalada Baydhabo ayaa ugu horeyntii waxaa ka hadlay guddoomiyaha Ururka Haweenka ee gobolka Baay Muraayo Aadan Maddeer, waxayna u mahadcelisay Xildhibaanada ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya sida ay ugu qeyb qaateen dhismaha maamulka Koonfur galbeed iyo dulqaadkii ay muujiyeen intii ay howshaasi ku guda jireen.

Related posts

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

October 22, 2026
MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

October 22, 2026

Xildhibaan Yacquub Cali Maxamed oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa kulanka ka sheegay in uu ku faraxsan yahay kulanka ay la yeesheen Haweenka gobolka Baay, waxaana uu ku amaanay sida markasta ay u garab taagan yihiin maamulka Koonfur galbeed Soomaaliya.

Geba gebadii kulanka ayaa waxaa ka hadlay Xildhibaan Ibraahim Isxaaq Yarow waxaana uu dhankiisa amaan u jeediyay Haweenka gobolka Baay waxaana uu balan qaaday in hadii ay yihiin Xildhibaanada ka soo jeeda deegaanada Koonfur galbeed ay la shaqeyn doonaan guud ahaan bulshada ku dhaqan gobolada maamulka Koofur galbeed.

Previous Post

Waaxda dabdamiska dowladda Hoose ee Xamar oo tababar loo soo geba gebeeyay”SAWIRRO”

Next Post

Hay’adaha Amniga dalka oo Howlgalo Amni sugid ah ka sameeyay Muqdisho

Next Post
Howlgallada lagu sugayo amaanka caasimadda oo la kordhiyay

Hay’adaha Amniga dalka oo Howlgalo Amni sugid ah ka sameeyay Muqdisho

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

October 22, 2026
0

Ra'iisal wasaaraha xukuumadda FS ayaa hambalyo u diray hoggaamiyaha iyo Hoggaamiye Ku-xigeenka Dowlad-goboleedka Galmudug Mudane Liibaan Axmed Xasan iyo Abdiwali...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

October 22, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo u diray Hoggaamiyaha cusub ee Dowlad Goboleedka Galmudug, Mudane Liibaan...

Wakiilada Baarlamaanka Galmudug oo doortay hoggaanka cusub ee maamulkaasi

Wakiilada Baarlamaanka Galmudug oo doortay hoggaanka cusub ee maamulkaasi

October 22, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug Mudane Xuseen Maxamed Nuur ayaa maanta ku dhawaaqay natiijadii doorashada Galmudug oo uu ku guuleystay Mudane...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

October 21, 2026
0

Guddoomiyaha Shacabka Shacabka ee Baarlamaanka Dalka ayaa guddiga ka dhageystay talooyin wax-ku-ool ah iyo aragtiyo muhiim ah oo ku saabsan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In