Monday, June 16, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Ciyaaraha

KULANKA CIYAREEDKA MAALINTA NASASHADA TODOBAADKA

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
March 29, 2018
in Ciyaaraha, Wararka
0
KULANKA CIYAREEDKA MAALINTA NASASHADA TODOBAADKA
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

 

 Kulanka ay wada ciyaari doonan kooxaha Horseed iyo Banaadir Sports club ayaa ah mid ka mid ah kulamada ugu xiisaha iyo xamaasada badan ee laga ciyaaro horyaalka kowaad ee dalka berito ayeey ku wada balansan yahiin garoonka banaadir sacada 15:30

Related posts

Wasiirka Ganacsiga oo kulan la qaatay Safiirka Sacuudiga ee Soomaaliya

Wasiirka Ganacsiga oo kulan la qaatay Safiirka Sacuudiga ee Soomaaliya

June 16, 2025
Wasiirka Arrimaha Gudaha oo kormeeray xarunta dhexe ee Wasaaradda uu dib u dhis ka socdo

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo kormeeray xarunta dhexe ee Wasaaradda uu dib u dhis ka socdo

June 16, 2025

Horseed waa koox aanan dhinaceeda dhulka la dhigin dhamaan kulamadii ay ciyaartay horyaalka Somaaliya wareegi hore oo dhowaan la soo gaba gabeeyay.

Sagaal kulan oo ay ciyaartay kooxda Matasha Ciidanka Xooga ee Horseed xili ciyareedkan Horyaalka Premier League Somalia ayaa waxaay adkaatay Toddobo kulan halka laba kulan barbaro ay gashay dhamaan kulamadii ay ciyaartay wareegi hore ee horyaalka.

Banaadir waxaa ay ciyaartay sagaal kulan sidoo kale balse waxaa ay adkaatay shan kulan dhamaan Sagaalka kulan ee Wareegi hore laba barbaro ayeey gashay labana waa laga adkaaday kooxda ka dhisan Warta Nabada ooToddobadkii hore ciyaartay kulanka Warta Derbi oo ay had iyo jeer ku wada xifaaltamaan kooxda Jenyo 4-2 ayeey ku soo adkaatay Banaadir waxaana Wareegi hore ay ku macsalaameysay Guul.

Horseed shantii kulan ee u danbeysay oo ay soo ciyaartay horyaalka soomaaliya waxaa ay adkaatay sadex labana waxaa ay gashay barbaro halka kooxda Banaadir shanti kulan ee u danbeysay oo ay soo ciyaartay ay adkaatay sadex hal kulan waxaa ay gashay barbaro halna waa laga adkaaday.

Kulankaan oo ay wada ciyaari doonan kooxaha Horseed Iyo Banaadir Sc ayaa waxaa uu bilow u yahay wareega labaad ee Horyaalka Soomaaliya oo 26 kii Bishaan la bilaabay.

Horseed waa mid ka mid ah kooxihii loogu jeclaa beri samaadkii horyaalka soomaaliya waxaana xiligaasi ay ku guuleysatay tirada ugu badan ee lagu guuleystay horyaalka soomaaliya xiligii xukumadii kacaanka balse dagaalada dalka soo maray kadib tan iyo markii dib loo bilaabay horyaalka ayeeysan ku guuleysan Horseed horyaalka Soomaaliya.

Xili ciyareedkii hore ayeey hurdada ka kaceen masuuliyiinta ugu sareysa kooxda matasha ciidanka xooga taasi oo qarash fara badani ay galiyeen kooxda waxaana ay la soo baxday kooxda guulo dar dark u socda iyo natiijooyin aanan looga baran Sodonkii sano ee la soo dhaafay taasi ayaana xamaasad u yeelaysa kulamada adag oo ay la ciyaareyso Horseed kooxihii looga bartay hanashada horyaalka Soomaaliya Shan iyo labatankii sano ee la soo dhaafay.

Horseed sagaalkii kulan ee ugu danbeysay oo ay la ciyaartay kooxda Banaadir waxaa ay ka adkaatay hal kulan oo quraa hase yeeshe sideeda kulan ee kale ayeey ahayd kooxda Horseed mid ku jirtay kuf oo kac balse Maamulka Ciidanka Xooga oo ay kooxdaasi hoos tagto ayaa Boorka ka jafay waxaana kooxda Xili ciyareedkii tagay ay la soo wareegtay qaar ka mid ah xidigaha ugu wanaagsan horyaalka soomaaliya looguna jecel yahay.

Sidoo kale Horseed waxaa ay la soo wareegtay Macalin Cumar Caruus oo ka mid ah macalimiinta ugu wanaagsan horyaalka Soomaaliya xili ciyareedkii 2014 kiina ku guuleystay horyaalka soomaaliya ayada oo aanan dhinaciisa dhulka la dhigin waxaana sidaasi uu ku noqday macalinkii labaad ee horyaalka soomaaliya ku guuleystay ayada oo aanan laga adkaan kulan quraa waxaana guushaasi uu u suurta galiyay isla kooxda Banaadir uu ka soo adkaatay wareegii hore ee horyaalka Soomaaliya.

 

Banaadir waa mid ka mid ah kooxaha ugu awooda iyo dhaqaalaha badan horyaalka soomaaliya lix jeer ayeey u dabaal degtay horyaalnimada soomaaliya ayada oo dhisan in ka yar yar sodon sano.

Sidoo kale Banaadir waa kooxdii labaad oo horyaalka u dabaal degto ayada oo aanan dhinaceeda dhulka la dhigin sidoo kale waa kooxdii ugu horeysay tan iyo burburkii kadib ku guuleysatay horyaalka ayada oo aanan laga adkaan kulan quraa laba jeer ayeeyna record-kaasi gaartay kooxda Banaadir Sc.

 

                                   Cumar Caruus  Vs  Hussien Mplangu

                                                          

Labada Macalin ee kala leyliya kooxaha Horseed iyo Banaadir ayaa ah macalin Soomaali ah iyo Macalin u dhashay dalka Uganda.

Labada Macalin waxaa ay horey ugu guuleysteen Horyaalka soomaaliya waana labada Macalin ee ku guuleystay horyaalka ayadoon laga adkaan hal kulan.

Cumar Caruus Waa Macalin Cashar lama ilooban ah u dhigay macalimiinta Soomaalida waxaana uu noqday Macalinkii labaad ee ku guuleystay Horyaalka Soomaaliya ayadoo uusan lumen kulan quraa waxaana taasi ay noqotay Record-Cusub waana markii labaad ee horyaalka soomaaliya lagu qaado guuldaro la,aan  sidoo kale waa markii ugu horeysay burburkii kadib lagu qaado horyaalka guuldaro la,aan.

Cumar Caruus Xiligii uu leylinayay kooxda Banaadir ayaa waxaa uu noqday macalinkii ugu horeyay ee ku shaqeeyay Ciyaartoy Ajaanib ah oo markii ugu horeysay soo caga dhigtay Soomaliyada Cusub waxaana uu ka hor tagi doona malinta Jimcaha qaar ka mid ah xidigihii ajaanibta ahaa ee xiligaasi uu kooxda keenay waxaana ay ahayd mudo 40 sano kadib in gudaha soomaaliya ay ku ciyaaran ciyaartoy ajanabi ah oo u dhalatay dalal kale.

Macalin Hussien Mplangu oo u dhashay dalka Uganda ayaa ku guuleystay horyaalka Soomaaliya markii ugu horeysay uu soo Caga dhigto gudaha soomaaliya waxaana taasi ay ahayd Record Cusub oo uu dhigay waxaana uu noqday macalinkii ugu horeyay ee horyaalka soomaaliya ku guuleysta markisii ugu horeyay uu ka soo muuqdo waxaa sidoo kale uu noqday macalinkii ugu horeyay ee Ajanabi ah oo ku guuleysta horyaalka soomaaliya inta la xusuusto waxaana Record-kaasi uu ku dhigay isla kooxda uu haatan leyliyo Macalin Hussien Mplangu.

Hussien Mplangu waa macalinki ugu horeyay ee  ajanabi ah oo ka shaqeeya horyaalka soomaaliya tan iyo burburkii kadib waxaana uu soo caga dhigtay horyaalka soomaaliya xili uu baneeyay shaqada kooxda Banaadir Macalin Cumar waxaana nasiibka uu siiyay in uu noqdo macalinkii ugu horeyay ee  ajanabi ah oo la shaqeeyay Ciyaartoyda Soomalida ah waxaana uu soo saaray Hussien Mplangu qaar ka mid ah xidigaha haatan loogu jecel yahay kooxda Banaadir Xidigaha uu soo saaray ayaa waxaa ka mid ah Xasan Santos  iyo Jeena oo ah laba xidig oo Mustaqbalka wax ku soo kordhin kara xulka qaranka soomaaliya.

WAJI KA WAJI SIDEEDII KULAN EE U DANBEYSAY OO AY CIYAAREN

                              

Kulankaan waa kii ugu horeyay ee wareega labaad oo ay ciyaaran Horseed iyo Banaadir waana kulanka ugu danbeya ee la ciyaari doono Todobaadkaan

Previous Post

Shirka Golaha Wasiirada Jubbaland oo lagaga hadlay Sharciga bixinta dhulka iyo Heshiiska shirkada Milestone iyo qodobo kale “SAWIRRO”

Next Post

Guddoomiyaha Gobolka Benaadir oo ka qeyb qaatay Ololaha Nadaafadda iyo Bilic soo celinta Caasimadda

Next Post
Guddoomiyaha Gobolka Benaadir oo ka qeyb qaatay Ololaha Nadaafadda iyo Bilic soo celinta Caasimadda

Guddoomiyaha Gobolka Benaadir oo ka qeyb qaatay Ololaha Nadaafadda iyo Bilic soo celinta Caasimadda

Wasiirka Ganacsiga oo kulan la qaatay Safiirka Sacuudiga ee Soomaaliya

Wasiirka Ganacsiga oo kulan la qaatay Safiirka Sacuudiga ee Soomaaliya

June 16, 2025
0

Wasiirka Ganacsiga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamuud Axmed Aadan Geesood ayaa maanta kulan la yeeshay Safiirka Boqortooyada Sucuudiga u fadhiya...

Somalia Concludes Participation in the 113th International Labour Conference and Condemns Malicious Campaign

Somalia Concludes Participation in the 113th International Labour Conference and Condemns Malicious Campaign

June 16, 2025
0

The Somali delegation led by the Minister of Labour and Social Affairs Hon. Yusuf Mohamed Adan has concluded its participation...

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo kormeeray xarunta dhexe ee Wasaaradda uu dib u dhis ka socdo

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo kormeeray xarunta dhexe ee Wasaaradda uu dib u dhis ka socdo

June 16, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan Cali Yuusuf Cali-Xoosh ayaa maanta kormeeray xarunta dhexe ee Wasaaradda ee...

Wasiirka Beeraha iyo Waraabka oo Daah-furay Xarunta cusub ee Sheybaarka Sumaha Beeraha ee (SARIS)

Wasiirka Beeraha iyo Waraabka oo Daah-furay Xarunta cusub ee Sheybaarka Sumaha Beeraha ee (SARIS)

June 16, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, ayaa si rasmi ah u daah-furay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In