Thursday, July 3, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Kulanka wadatashiga istiraatiijiyadda Qaran ee Warbaahinta iyo wada xiriirka oo maalintii 2-aad galay

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
May 23, 2023
in Wararka
0
Kulanka wadatashiga istiraatiijiyadda Qaran ee Warbaahinta iyo wada xiriirka oo maalintii 2-aad galay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kulanka aqoon isweydaarsiga Wadatashiga istiraatijiyadda Qaran ee warbaahinta iyo wada xiriirka ( National Communication strategy ) ayaa maalintii labaad galay kaas oo ay soo qaban qaabisay wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya, waxaana ka qeyb galaya madaxda qeybaha warfaafinta ee hay’adaha dowladdda Federaalka, gobolka Banaadir, Warbaahinta iyo qeybaha bulshada.

Wasiir ku-xigeenka wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Al-caddaala ayaa maanta ka qeyb-galay, isaga oo khubarada ka qeyb galaysa ku boorriyay in si wanaagsan loo qaadaa dhigo baahida bulshada ee la xiriirta farriimo wanaagsan , kuwaas oo ah kuwo mideysan oo sare u qaada isku xirka dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Related posts

Mareykanka oo bogaadiyay in Soomaaliya ay qalab casri ah dhigtay Xuduudaha dalka.

Mareykanka oo bogaadiyay in Soomaaliya ay qalab casri ah dhigtay Xuduudaha dalka.

July 2, 2025
Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo kulan doceed kula yeeshay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee QM

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo kulan doceed kula yeeshay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee QM

July 2, 2025

Agaasimaha guud ee wasaaradda Warfaafinta XFS Mudane Cabdullaahi Xayir Ducaale ayaa dhankiisa sheegay in aqoon is-weydaarsigan muhiimaddiisu tahay helidda istaraatiijiyad mideysan oo lagu wajaho habka warbaahinta iyo wacyi-gelinta dadweynaha, iyada oo xoogga la saarayo la dagaallanka khawaarijta, kor u qaadista isku soo dhoweynta dowladda iyo dadweynaha, kor u qaadista wacyiga iyo fahamka bulshada dowlad dhiska, mideynta farriimaha dowladda.

Kulanka oo shalay Muqdisho ka furmay ayay ka qeyb galayaashu kaga doodayaan muddada uu socdo sidii loo abuuri lahaa istiraatiijiyad lagu hago warfaafinta dalka, taas oo ku salaysan baahida bulshada Soomaaliyeed.

Agaasimaha guud ee wasaaradda Warfaafinta mudane Cabdullaahi Xayir Ducaale ayaa xusay in ay wasaaraddu hore u samaysay xafiis mideeya farriimaha dowladda, kaas oo wax wayn ka qabtay in la helo akhbaar sax oo mideysan, kana tarjumaysa xogta rasmiga ah ee dowladdu ay la wadaageyso shacabka.

Wada tashigan qoridda istaraatiijiyadda ee shalay furmay waxaa xigaya wadatashiyo lala sameyn doono dowlad goboleedyada iyo hay’adaha kale ee muhiimka u ah dhismaha istaraatiijiyadda Qaranka ee Warbaahinta iyo wada xiriirka.

Previous Post

Weerar ay dad ku geeriyodeen oo ka dhacay  goob laga soo saaro Shidaal oo ku taalla Pakistan

Next Post

Ra’iisul Wasaare Xamse oo dalka Masar kaga qaybgalaya shir Madaxeedka Bangiga horumarinta Afrika

Next Post
Ra’iisul Wasaare Xamse oo dalka Masar kaga qaybgalaya shir Madaxeedka Bangiga horumarinta Afrika

Ra’iisul Wasaare Xamse oo dalka Masar kaga qaybgalaya shir Madaxeedka Bangiga horumarinta Afrika

Mareykanka oo bogaadiyay in Soomaaliya ay qalab casri ah dhigtay Xuduudaha dalka.

Mareykanka oo bogaadiyay in Soomaaliya ay qalab casri ah dhigtay Xuduudaha dalka.

July 2, 2025
0

Bayaan ka soo baxay Safaaradda Mareykanka ee xafiiska Muqdisho ayaa lagu sheegay in Dowladda Soomaaliya ay si rasmi ah u...

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo kulan doceed kula yeeshay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee QM

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo kulan doceed kula yeeshay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee QM

July 2, 2025
0

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa kulan doceed kula yeeshay magaalada Sevilla ee uu ka...

NISA oo kaashanaysa Ciidamada deegaanka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno hoostaga Moqokori

NISA oo kaashanaysa Ciidamada deegaanka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno hoostaga Moqokori

July 2, 2025
0

 Ciidanka Nabad-sugidda Soomaaliyeed iyo kuwa deegaanka ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanno hoostaga degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan, halkaas oo...

Wasiirka Maaliyadda XFS oo kulan la qaatay Xoghaya Guddiga Dhaqaalaha QM ee u qaabilsan Afrika

Wasiirka Maaliyadda XFS oo kulan la qaatay Xoghaya Guddiga Dhaqaalaha QM ee u qaabilsan Afrika

July 2, 2025
0

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige oo ka qeyb galaya Shirweynaha 4-aad ee Horumarinta Maalgashiga Qaramada Midoobay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In