Thursday, October 1, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Kulankii Baarlamaanka Ee Su’aallo Weeydiinta Ammaanka Oo Caawa Soo Gebageboobay

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Kulanka Baarlamaanka Oo Goor Dhow Soo Gabagaboobay Iyo Beri Oo Mar Kale Loo Balamay Su’aallo Weydiin
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Fiidnimada caawa waxaa si rasmi ah usoo gebageboobay kulan ay albaabadu u xirnaayeen oo Xildhibaannada Baarlamaanka su’aallo ku saabsan ammaanka dalka ku weeydiinayeen Ra’isulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke oo ay wehliyeen xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada iyo Taliyeyaasha Ciidammada Qalabka Sida ee Soomaaliya qaarkood.

Kulanka Baarlamaanka ee maanta ayaa daba socday kulan ay maalinnimadii shalay sidan oo kale Xildhibaannadu su’aallo weeydiin ugu soo bilaabeen waxaana maanta su’aallahooda dhiibtay in ka badan 20 Xildhibaan oo aan shalay su’aallo iyo fikir toona dhiiban amaba waqtigu ka dhacay.

Related posts

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

October 1, 2026
SoDMA oo  kulanka ansixinta Qaab-dhismeedka Soo-kabashada isugu yeertay Hay’adaha Dowladda JFS

SoDMA oo kulanka ansixinta Qaab-dhismeedka Soo-kabashada isugu yeertay Hay’adaha Dowladda JFS

October 1, 2026

Jawaabaha su’aallaha waxaa Xildhibaannada siinayey Ra’isulwasaare Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke, Wasiirka amniga gudaha Mudane C/risaaq Cumar Maxamed iyo Taliyaha hay’adda nabad sugidda iyo sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed General C/raxmaan Tuuryare.

Sida la shaaciyey gebagebada shirka oo ay abaare 07:00 fiidnimo ee caawa waxaa laga filayaa Guddoonka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya in maalinnimada sabtida ah ee soo socota hadii uu Alle idmo ay ka shaaciyaan kulanka Baarlamaanka natiijada su’aallo weeydiintan labada cisho socotay ayadoo loo shaacin si qaraar Baarlamaani ah.

Previous Post

Wasiirka Gaashaandhigga iyo wafdi uu hoggaaminyo oo gaaray Kismaayo

Next Post

Booliska Kenya oo gacanta ku dhigay rag maleegayay qaraxyo

Next Post
Booliska Kenya oo gacanta ku dhigay rag maleegayay qaraxyo

Booliska Kenya oo gacanta ku dhigay rag maleegayay qaraxyo

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

October 1, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir, ayaa Ankara kula kulmay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada Türkiye,...

SoDMA oo  kulanka ansixinta Qaab-dhismeedka Soo-kabashada isugu yeertay Hay’adaha Dowladda JFS

SoDMA oo kulanka ansixinta Qaab-dhismeedka Soo-kabashada isugu yeertay Hay’adaha Dowladda JFS

October 1, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) ayaa magaalada Muqdisho ku qabatay kulan ay isugu yeertay Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dowladda Federaalka...

Madaxweynaha JFS oo warqadaha aqoonsiga Danjirenino ka guddoomay Safiirada cusub ee Turkiga & Midowga Yurub

Madaxweynaha JFS oo warqadaha aqoonsiga Danjirenino ka guddoomay Safiirada cusub ee Turkiga & Midowga Yurub

October 1, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa qasriga Madaxtooyada Qaranka warqadaha aqoonsiga safiirnimo kaga guddoomay Danjireyaasha cusub ee...

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo Guddoomay Nuqul Ka mid ah Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Cusub Turkiya ee Soomaaliya

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo Guddoomay Nuqul Ka mid ah Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Cusub Turkiya ee Soomaaliya

September 30, 2026
0

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Xasan Maxamed Cali (Nadaara), ayaa maanta qaabilay Safiirka cusub ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In