Sunday, July 13, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Gaashaandhigga iyo wafdi uu hoggaaminyo oo gaaray Kismaayo

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
March 3, 2016
in Wararka
0
Wasiirka Gaashaandhigga iyo wafdi uu hoggaaminyo oo gaaray Kismaayo
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Gaashaandhigga xukuumadda Federaalka Soomaaliya Jeneraal Cabdulqaadir Sheekh Cali Diini ayaa maanta gaaray magaalada Kismaayo waxaana halkaasi si diirran ugu soo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Jubbaland.

Wafdiga uu hoggaaminyo wasiirka Gaashaandhigga ee maanta gaaray Kismaayo ayaa waxaa ka mid ah xubno isugu jira xildhibaanno, siyaasiyiin iyo waxgarad kala duwan, iyadoo garoonka diyaaradaha Kismaayo uu ku soo dhaweeyay madaxweyne ku xigeenka maamulka Jubbaland Jeneraal Cabdulaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan maamulkaasi.

Related posts

Safiirka Soomaaliya ee Shiinaha oo qaabishay saraakiil dowladda ka socd

Safiirka Soomaaliya ee Shiinaha oo qaabishay saraakiil dowladda ka socd

July 12, 2025
Guddoomiyaha SoDMA iyo  Madaxweyne Ku-xigeenka Hirshabeelle oo ka wada hadlay  Gurmadka Beni’aadannimo ee Gobolka Hiiraan

Guddoomiyaha SoDMA iyo Madaxweyne Ku-xigeenka Hirshabeelle oo ka wada hadlay Gurmadka Beni’aadannimo ee Gobolka Hiiraan

July 12, 2025

Ujeedada wafdigaasi uu u tegay magaalada Kismaayo ayaa lagu sheegay ka qeybgalka kulamo dib u heshiisiineed oo halkaasi loogu qabanayo beelaha dega deegaanada hoos yimaada maamulka Jubbaland.

Wasiirka Gaashaandhigga Jeneraal Cabdulqaadir Sheekh Cali Diini ayaa ka mahadceliyay sida wanaagsan ee loogu soo dhaweeyay Kismaayo, isagoo ummadda Soomaaliyeed ugu baaqay iney u midoobaan la dagaallanka kooxda Shabaab oo uu sheegay iney dhibaatooyin xad dhaaf ah ku hayaan shacabka,

“Dowladda Federaalka waxey go’aansatay ney markastaba dadkeeda iyo shacabkeeda la wadaagto dareenka ay qabaan oo ah xag nabadgelyo xag siyaasadeed iyo xag horumarinba sidaasi darteed ayaanu halkan u nimdi inaan ka qeybqaadano xagga horumarinta maanta waqtigan la joogo haddii an la muujin midnimo iyo wadajir ummadda Soomaaliyeed waxaa ku imaaneysa dib u dhac” ayuu yiri wasiirka Gaashaandhigga Jeneraal Diini.

Previous Post

Golaha ammaanka oo isku raacay cunaqabateyn ka dhan ah dalka waqooyiga Kuuriya

Next Post

Kulankii Baarlamaanka Ee Su’aallo Weeydiinta Ammaanka Oo Caawa Soo Gebageboobay

Next Post
Kulanka Baarlamaanka Oo Goor Dhow Soo Gabagaboobay Iyo Beri Oo Mar Kale Loo Balamay Su’aallo Weydiin

Kulankii Baarlamaanka Ee Su'aallo Weeydiinta Ammaanka Oo Caawa Soo Gebageboobay

Safiirka Soomaaliya ee Shiinaha oo qaabishay saraakiil dowladda ka socd

Safiirka Soomaaliya ee Shiinaha oo qaabishay saraakiil dowladda ka socd

July 12, 2025
0

Safiirka Soomaaliya ee Shiinaha Dr Hodan Cusmaan Cabdi, ayaa xarunta Safaaradda Soomaaliya ee magaalada Beijing ku qaabishay saraakiil dowladeed oo...

Guddoomiyaha SoDMA iyo  Madaxweyne Ku-xigeenka Hirshabeelle oo ka wada hadlay  Gurmadka Beni’aadannimo ee Gobolka Hiiraan

Guddoomiyaha SoDMA iyo Madaxweyne Ku-xigeenka Hirshabeelle oo ka wada hadlay Gurmadka Beni’aadannimo ee Gobolka Hiiraan

July 12, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamed Macalin Cabdulle, ayaa maanta kulan muhiim ah la yeeshay Madaxweyne ku‑xigeenka Dowlad...

Wasaaradda Howlaha Guud ee Hirshabeelle oo dhagax-dhigtay dhismaha waddooyinka Beledweyne

Wasaaradda Howlaha Guud ee Hirshabeelle oo dhagax-dhigtay dhismaha waddooyinka Beledweyne

July 12, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud Dib-u-dhiska iyo Guryeynta Dowladda Hirshabeelle  Maxamuud Xasan Bariise, oo uu wehliyo guddoomiyaha gobolka Hiiraan Muuse Salaad...

Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya oo magaalada Laascaanood ka wada kulamo lagu dardargelinayo dhammeytirka dhismaha SSC-Khaatumo

Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya oo magaalada Laascaanood ka wada kulamo lagu dardargelinayo dhammeytirka dhismaha SSC-Khaatumo

July 12, 2025
0

Mas'uuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa magaalada Laascaanood ee gobolka Soolka waxa ay ka wadaan, kulamo lagu dardargelinayo dhammeystirka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In