Saturday, July 12, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Golaha ammaanka oo isku raacay cunaqabateyn ka dhan ah dalka waqooyiga Kuuriya

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
March 3, 2016
in Wararka
0
Golaha ammaanka oo isku raacay cunaqabateyn ka dhan ah dalka waqooyiga Kuuriya
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa meel mariyay cunaqabateyn hor leh oo lagu soo rogay dalka Waqooyiga Kuuriya, iyadoo dowladda waqooyiga Kuuriya ay tijaabisay Galtaallo nooca riddada gaaban ah.

Woqooyiga kuuriya ayaa dhowr gantaal oo kuwa riddada gaaban ah ku ridday xeebaheeda bari ee badda, arrintaasi oo u muuqata in ay uga jawaabeyso xayiraado cusub oo dheeraad ah oo golaha ammaanka qaramada midoobey uu ku soo rogay.

Related posts

Ciidamada Nabad Sugidda NISA oo horjoogayaal iyo maleeshiyaad ku beegsaday gobolka Shabeellaha Dhexe

Ciidamada Nabad Sugidda NISA oo horjoogayaal iyo maleeshiyaad ku beegsaday gobolka Shabeellaha Dhexe

July 12, 2025
Ku xigeenka madaxweynaha Galmudug iyo Guddoomiyaha SODMA oo yeeshay kulan muhiim ah

Ku xigeenka madaxweynaha Galmudug iyo Guddoomiyaha SODMA oo yeeshay kulan muhiim ah

July 12, 2025

Wasaaradda Gaashaandhigga ee dalkaasi ayaa xaqiijisay tijaabinta gantaalladaasi hase yeeshee ma aysan sheegin tirada gantaalladaasi, laakin waxey wasaaraddu tilmaantay in gantaalladaasi ay yihiin kuwa riddada gaaban.

Tijaabinta gantaalladaasi oo timid wax yar uun kaddib markii golaha ammaanku uu ku dhawaaqay cunaqabateyn hor leh oo la saarayo dalkaasi, laakin arrintan ayaa u muuqata mid ay dowladdaasi dhegaha uga fureeysaneyso cunaqabeyntaasi.

Danjiraha Mareykanka u fadhiya Qaramada Midoobey Samantha Power ayaa Golaha Ammaanka u sheegtay in Waqooyiga Kuuriya ay tijaabisay hub nukliyeer ah qarnigan 21-aad, taasoo ay ku tilmaantay xadgudub ka dhan ah sharciga Nukliyeerka.

Haweeneydaasi ayaa ku eedeysay Waqooyiga Kuuriya inay sii horumarineyso hubkeeda nukliyeerka, bedelkii ay dowladdu ka fikiri laheyd baahida aas aasiga ee shacabka dalkaas ay qabaan.

Sidoo kale Koofurta Kuuriya ayaa ku eedeysay Waqooyiga Kuuriya inuu wado daan daansi dagaal, markii uu tijaabiyay gantaaladaasi, waxaayna labadaasi dal  isu adeegsanayeen hadallo kulul iyo hanjabaadyo.

 

Previous Post

Xasan Xanafi oo dil toogasho ah lagu xukumay

Next Post

Wasiirka Gaashaandhigga iyo wafdi uu hoggaaminyo oo gaaray Kismaayo

Next Post
Wasiirka Gaashaandhigga iyo wafdi uu hoggaaminyo oo gaaray Kismaayo

Wasiirka Gaashaandhigga iyo wafdi uu hoggaaminyo oo gaaray Kismaayo

Ciidamada Nabad Sugidda NISA oo horjoogayaal iyo maleeshiyaad ku beegsaday gobolka Shabeellaha Dhexe

Ciidamada Nabad Sugidda NISA oo horjoogayaal iyo maleeshiyaad ku beegsaday gobolka Shabeellaha Dhexe

July 12, 2025
0

Ciidamada Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa qaaday howlgallo qorsheysan oo ka dhacay deegaanno dhowr ah oo ka tirsan...

Ku xigeenka madaxweynaha Galmudug iyo Guddoomiyaha SODMA oo yeeshay kulan muhiim ah

Ku xigeenka madaxweynaha Galmudug iyo Guddoomiyaha SODMA oo yeeshay kulan muhiim ah

July 12, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xarunta dhexe ee hay’adda ku qaabilay Madaxweyne Ku-xigeenka Dowlad...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

July 12, 2025
0

Madaxweynaha JFS Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud , oo booqasho ku joogo dalka Turkiga, ayaa maanta xarunta madaxtooyada dalkaas kula...

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Geneva kaga qayb galay shir Caalami ah

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Geneva kaga qayb galay shir Caalami ah

July 12, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyada JFS, Mudane Maxamed Axmed Aadan Macalin, ayaa magaalada Geneva ee dalka Switzerland kaga qaybgalay kulanka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In