Saturday, March 7, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Kulankii baarlamaanka iyo Xasan Sheekh oo xubin baarlamaani ah loo dhaariyay

caqiil by caqiil
9 years ago
in Wararka
0
Wareegga koowaad ee codeynta doorashada oo la soo gabo gabeeyay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Bilowga kulanka waxaa Xildhibaannada golaha shacabka loo akhriyey qaraaradii uu baarlamaanka kusoo maareeyey marxaladihii kala guurka ee dalka oo ay ka  mid ahaayeen doorashooyinka guddoonka golaha shacabka iyo madaxweynaha waxaana markaasi kadib mudaneyaasha loo akhriyey qaraar ku saabsan gurmadka abaaraha dalka, ayadoo uu golaha u akhriyey guddoomiye ku xigeenka labaad Mudane Mahad Cabdalla Cawad.

Xildhibaannada golaha shacabka waxa ay bilaabeen iney tallooyin  ku biiriyaan qaraaarkaasi ayadoo tallooyinka jaalleyaasha xildhibaannadu ay ku qotomeen sameynta guddi baarlamaani ah oo la xisaabtama hay’adaha samafalka iyo guddiyada abaaraha .

Related posts

Tartamayaasha Gubadley oo caawa u gudbay wareegga Saddexaad ee tartanka ”SAWIRRO”

Tartamayaasha Gubadley oo caawa u gudbay wareegga Saddexaad ee tartanka ”SAWIRRO”

March 7, 2026
Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo la afuray ciidanka xoogga

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo la afuray ciidanka xoogga

March 6, 2026

Kulankii baarlamaanka ee maanta waxaa mudaneyaasha lagu hor dhaariyey madaxweynihii hore ee dalka mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo noqonaya xubin ka mid ah xildhibaannada golaha shacabka sida uu qabo dastuurka dalka.

Guddoomiyaha golaha shacabka jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) ayaa sharaxay sifaha uu madaxweynihii hore ee dalka ku noqday xildhibaan ka tirsan baarlamaanka, isagoo soo qaatay qodobka 64 aad ee dastuurka oo arinta ka hadlaya.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud madaxweynihii hore ee dalka oo markii la dhaariyey kadib la hadlay xildhibaannada ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay in maanta loo dhaariyey xubinnimada golaha shacabka waxaana uu dhanka kale u mahad celiyey xildhibaannada barlamaanka si guud islamarkaana ay tahay in la laabo bogagii taariikhda ee lasoo maray afartii sano ee uu hogaaminayey dalka iyo intii lagu jiray ololihii doorashada.

Xildhibaannada golaha shacabka ayaa sii amba qaadi doona dooda gurmadka abaaraha kulankooda ugu horeeya hadii uu Alle idmo, ayaga oo ugu dambeynna meel marin doona qaraar ay isku raacsan yihiin.

Previous Post

R/Wasaare Khayre oo kulan la qaatay Guddiga Gurmadka Abaaraha, baaqna direy “SAWIRRO”

Next Post

Jaaliyadda Xamar iyo Xamardaye ee Sweden oo taageeray Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre “SAWIRRO”

Next Post
Jaaliyadda Xamar iyo Xamardaye ee Sweden oo taageeray Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre “SAWIRRO”

Jaaliyadda Xamar iyo Xamardaye ee Sweden oo taageeray Ra'iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre "SAWIRRO"

Tartamayaasha Gubadley oo caawa u gudbay wareegga Saddexaad ee tartanka ”SAWIRRO”

Tartamayaasha Gubadley oo caawa u gudbay wareegga Saddexaad ee tartanka ”SAWIRRO”

March 7, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo la afuray ciidanka xoogga

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo la afuray ciidanka xoogga

March 6, 2026
0

Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta la afuray cutubyo ka tirsan  Ciidanka Xoogga Dalka, isaga oo ku...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka tacsiyadeeyay geerida Marxuum Jeneraal Maxamed Cali Abokor

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka tacsiyadeeyay geerida Marxuum Jeneraal Maxamed Cali Abokor

March 6, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi tiiraanyo leh ka diray geerida, Alle ha u naxariistee, Janaraal...

Wasiirka Wasaaradda Qoyska XFS oo Afur Sharafeed degmada Xamarweyne ugu qabatay Bulshada Banaadiriga

Wasiirka Wasaaradda Qoyska XFS oo Afur Sharafeed degmada Xamarweyne ugu qabatay Bulshada Banaadiriga

March 6, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa magaalada Muqdisho Afur Sharafeed ugu...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In