Wednesday, January 14, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Kumanaan ka mid ah Shacabka ku dhaqan  Muqdisho oo Maanta ku ciiday Xaafadda Daaru-salaam+Sawirro

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
5 years ago
in Wararka
0
Kumanaan ka mid ah Shacabka ku dhaqan  Muqdisho oo Maanta ku ciiday Xaafadda Daaru-salaam+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Dadweyne fara-badan ayaa Salaadda Ciidda ku oogay Masaajidka weyn ee deegaanka Daarusalaam, ka dib markii ay qaarkood isaga kala yimaadeen Degmooyinka Gobolka Banaadir.

Dadweynaha reer Muqdisho oo markii dambe isugu tagay Beerta Daarusalaam ayaa isugu hambalyeynayay munaasabadda maalinta 1aad ee Ciidul Adxaa, oo maanta si isu mida looga wada ciidaayo geyiga Soomaalida.

Related posts

Soomaaliya iyo Turkiga oo bilaabay Hirgelinta heshiiskii Iskaashiga ee 2016-ka

Soomaaliya iyo Turkiga oo bilaabay Hirgelinta heshiiskii Iskaashiga ee 2016-ka

January 13, 2026
Danjire Jabriil oo qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Gobalka Meru

Danjire Jabriil oo qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Gobalka Meru

January 13, 2026

Maamulka xaafadda Daarusalaam ayaa dhawaan qalab cusub ku soo kordhiyay goobta ay carruurta ku cayaaraan, sidoo kalana waxaa la keenay  ugaar kala duwan, oo loogu talagalay inay dadka u soo daawasho taggaan.

Maanta oo kale waalidiinta ku dhaqan Magaalada Muqdisho ayaa ubadkooda u damaashaad geeya xaafadda Daarusalaam, si ay u dareemaan farxadda Ciidda.

Ciidda Carafo ayaa ah Ciidda labaad ee Islaamka uu leeyahay, marka laga soo taggo Ciidul Fitriga, waxayna umadda Soomaaliyeed isu rajeeyeen in sanadkan midka xigga uu Alle ku gaarsiiyo cimri, caafimaad, nabad iyo caano.

Waa kuwaan qaar ka mid ah bulsha usoo damaashaad tagay daaru-salaam oo la hadlay warbaahinta qaranka.

Deegaanka Daarusaam waxaa maalgaliyay ganacsato Soomaaliyeed  isla markaana waxaa dhismahaan quruxda badan dhisay Shirkadda Dhismaha Buruuj.

Ciidaan Carafo ayaa ka duwan Ciidul Fitrigii hore, marka loo eego sida ay isugu baxeen dadweynaha maadaama  hoos u dhac laga dareemaya cudurka safmarka ee covid-19 oo saameyn ku yeeshay dalka, sidoo kalena ay dowladda Soomaaliya ku dhawaaqday in la qafiifinayo xayiraadaha kala duwan ee saarna dalka.

Tags: Kumanaan ka mid ah Shacabka ku dhaqan  Muqdisho oo Maanta ku ciiday Xaafadda Daaru-salaam+Sawirro
Previous Post

Madaxweyne Qoor Qoor oo muqdisho kula kulmay Safiirka Qadar ee Soomaaliya +Sawirro

Next Post

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso: warka Duhur ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Soomaaliya iyo Turkiga oo bilaabay Hirgelinta heshiiskii Iskaashiga ee 2016-ka

Soomaaliya iyo Turkiga oo bilaabay Hirgelinta heshiiskii Iskaashiga ee 2016-ka

January 13, 2026
0

Magaalada Ankara ayaa lagu qabtay munaasabad lagu saxiixayay hirgelinta heshiiskii iskaashiga (MoU – June 2016) ee u dhexeeyay Wasaaradda Shaqada...

Danjire Jabriil oo qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Gobalka Meru

Danjire Jabriil oo qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Gobalka Meru

January 13, 2026
0

Guddoomiyaha Gobolka Meru Mutuma M'Ethingia iyo wafdi balaaran oo uu hogaaminayo ayaa booqasho shaqo ku yimid xarunta Safaaradda Soomaaliya ee...

Sacuudiga oo markale caddeeyay mowqifkooda ku aadan Midnimada JFS

Sacuudiga oo markale caddeeyay mowqifkooda ku aadan Midnimada JFS

January 13, 2026
0

Kulanka Golaha Wasiirrada Boqortooyada Sacuudiga, oo uu shir-guddoominayay Boqor Salmaan bin Cabdulcasiis Aala Sacuud, ayaa si cad u muujiyay in...

DAAWO: Madaxweynaha JFS oo soo dhaweeyay go’aanka Golaha Wasiirrada

DAAWO: Madaxweynaha JFS oo soo dhaweeyay go’aanka Golaha Wasiirrada

January 13, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad u jeediyey shacabka Soomaaliyeed ayaa soo dhaweeyey go'aanka Golaha Xukuumadda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In