Thursday, March 26, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Kushner oo safar tageero raadis ah ku marayo wadamada Khaliijka.

admin by admin
6 years ago
in Wararka
0
Kushner oo safar tageero raadis ah ku marayo wadamada Khaliijka.
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Dhaxal Sugaha Boqortooyada Sacuudi Carabiya Maxamed bin Salmaan ayaa shalay la kulmay  Jared Kushner, oo ah lataliyaha Madaxweynaha Mareykanka, kaasi oo bilaabay socdaal uu ku marayo dalalka Khaliijka ka dib markii Imaaraadka iyo Israa’iil ay ku dhawaaqeen in ay yeelanayaan xiriir toos ah ka dib dhex dhexaadintii Mareykanka.

Heshiiskaasi oo sida la sheegay loogu gogol xaarayo sidi waddamada kale ee Carabta looga dhaadhicin lahaa inay xariir la yeshaan Israa’iil.

Related posts

Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre oo xilalka ka qaaday laba Wasiiru Dowle

Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre oo xilalka ka qaaday laba Wasiiru Dowle

March 26, 2026
Taliyaha CXDS oo booqday Askartii kusoo dhaawacantay dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta

Taliyaha CXDS oo booqday Askartii kusoo dhaawacantay dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta

March 26, 2026

Wakaaladda wararka ee Sacudiga ayaa baahisay in Maxamed bin Salmaan  iyo Kushner “ay ka wada hadleen rajada laga qabo geedi socodka nabadda ee gobolka iyo baahida loo qabo in dib loo bilaabo wadahadaladii u dhaxeeyay dhinacyada Falastiin iyo Israa’iil, si loo helo nabad waarta.”

Labada dhinac ayaa sidoo kale ka wada hadlay iskaashiga labada dal iyo xoojinta xariirka ka dhaxeeya Sacuudiga & Mareykanka. Faahfaahin intaa kabadan laga ma bixin kulanka dhexmaray bin Salmaan iyo Kushner .

Wasiirka arrimaha dibadda  Sucuudiga Amiir Faysal bin Farxaan ayaa horay u sheegay 18-ka bishii tagtay ee August in dalkiisi aanu raaci doonin tusaalihii Imaaraatka illaa inta laga xallinaayo khilaafka Falastiin iyo Israa’iil, isaga oo carabka ku adkeeyay sida ay xukuumadda Riyad uga go’an tahay hindisaha nabadeedkii la soo jeediyay sanadkii 2002, kuna salaysnaa Mabda’a Nabadda Carabta.

Kahor imaatinkiisa Sacuudi Carabiya, Kushner wuxuu Manaama kula kulmay Boqorka Baxrayn Sheekh Xamad bin Ciisa, inta kulankoodu socday  wuxuu boqorka uga mahadceliyey maamulka Mareykanka tallaabada ay qaadeen dadaallada joogta ah oo lagu doonayo in nabad iyo xasillooni looga dhaliyo Bariga Dhexe.

Sheekh Hamad wuxuu kaloo amaanay  mowqifka Imaaraatka iyo dadaaladeeda ku aadan sidii loo gaari lahaa waxa uu ku tilmaamay xal damaanad qaadaya in shacabka Falastiin ay helaan xuquuqdooda sharciga ah ayna ku guuleystaan ​​nabad ka dhalata gobolka sida uu hadalka u dhigay Boqorka Baxrayn wuxuu sidoo kale farta ku fiiqay in xasiloonida khaliijka iyo isku duubnida gobolkaba ay kuxirantahay hogaanka Boqortooyada Sacuudi Carabiya.

Kushner ayaa la sheegayaa in uu garwadeen ka ahaa is fahanka Israa’iil iyo Imaraadka, waxaana sida la xaqiijiyay uu la socday wafdiga Israa’iil ee Isniintii ka dagay Abu Dubai , Safarkaasi oo lagu tilmaamay duulimaadkii ugu horeeyay ee ganacsi oo ay yeshaan Israa’iil & Imaaraatka Carabta.

Previous Post

Munaasabad lagu maamusayay sannad guuradii koowaad ee kasoo wareegtay markii uu xilka la wareegay Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo lagu qabtay Muqdisho+SAWIRRO

Next Post

Beeraleyda Xuddur oo cabasho ka muujiyay dhac loo geysto beerahooda+SAWIRRO

Next Post
Beeraleyda Xuddur oo cabasho ka muujiyay dhac loo geysto beerahooda+SAWIRRO

Beeraleyda Xuddur oo cabasho ka muujiyay dhac loo geysto beerahooda+SAWIRRO

Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre oo xilalka ka qaaday laba Wasiiru Dowle

Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre oo xilalka ka qaaday laba Wasiiru Dowle

March 26, 2026
0

Muqdisho, Khamiis, 26 Maarso 2026: — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xilalkii ka qaaday...

Taliyaha CXDS oo booqday Askartii kusoo dhaawacantay dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta

Taliyaha CXDS oo booqday Askartii kusoo dhaawacantay dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta

March 26, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, S/Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa booqasho ugu tegay askartii ku soo dhaawacantay dagaallada ka dhanka...

Wasiiru Dowlaha Cadaaladda iyo Taliyaha Cusub ee Ciidanka Asluubta oo Kormeer ku tagay Xarunta taliska

Wasiiru Dowlaha Cadaaladda iyo Taliyaha Cusub ee Ciidanka Asluubta oo Kormeer ku tagay Xarunta taliska

March 26, 2026
0

Kusimaha Wasiirka ahna Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Danjire Ilyaas Sheekh Cumar, oo uu...

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo saxiixay buugga tacsida Marxuum Maxamed Faarax Jiis

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo saxiixay buugga tacsida Marxuum Maxamed Faarax Jiis

March 26, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi, ayaa magaalada Muqdisho ku saxiixay buugga tacsida ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In