Kuuriyada Koonfureed ayaa soo jeedisay dalab ku socda W/Kuuriya oo ku aadan in 9-ka bishaan la qabto kulan heer sare ah oo ku saabsan suurtagalnimada in ay ka qeybgalaan ciyaaraha Olombikada ee sanadkaan.
Hadaladaan ayaa yimid xilli Madaxweynaha dalka Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-un uu sheegay in uuu ka baaraandagayo sidii koox ciyaartooy ah loogu diri lahaa dalka Koonfurta Kuuriya oo bisha February lagu wado in ay ka dhacaan ciyaaraha Olimbikada ee Dunida.
Madaxda K/Kuuriya ayaa tallaabadaasi u arka in ay tahay mid fursad ah oo wax ka tareysa xaaladda kacsan ee labada dal.
Kulankii ugu dambeeyay ee dhex maray labada dal waxa uu bishii Disembar ee sanadkii 2015-kii ka dhacay aagga warshadaha ee xadka labada dal,mana jirin wax natiijo ah oo ka soo baxay.