Wednesday, September 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Laba dhallinyaro xoolo-dhaqato ah oo Ruunirgood ku dilay horjooge ka tirsanaa Khawaarijta

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
1 month ago
in Wararka
0
Laba dhallinyaro xoolo-dhaqato ah oo Ruunirgood ku dilay horjooge ka tirsanaa Khawaarijta
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Laba dhallinyaro ah oo xoolo-dhaqato ah ayaa 17-kii Agoosto 2026 degmada Ruunirgood ee gobolka Shabeellaha Dhexe ku dilay mid ka mid ah horjoogayaasha ugu halista badnaa maleeshiyaadka ka howlgala gobolka.

Horjoogaha la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Xasan Calasow Raage, oo loo yaqaannay Xasan Xusuleey, wuxuuna ahaa 50 jir ku dhashay degmada Ruunirgood.

Related posts

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026

Xasan Calasow Raage ayaa ka tirsanaa horjoogayaasha ka howlgala gobolka Shabeellaha Dhexe, wuxuuna ahaa horjoogaha gaadiidka gobolka. Waxa uu sidoo kale horey u soo noqday waxa ay ugu yeeraan madaxa Sakawaadka degmada Ruunirgood, isagoo ahaa horjooge si weyn looga yaqaanay degmada iyo deegaannada ku hareeraysan.

Labada dhallinyaro ah ayaa horjoogaha dilay, kadibna ka furtay qori AK-47 ah iyo rasaastii uu watay.

Horjoogahan ayaa dadka ku nool degmada iyo deegaannada ku hareeraysan u geystay dhibaatooyin ay ka mid yihiin dhaca hantida iyo xoolaha, cunaqabateyn iyo carqaladeynta isu-socodka degmada iyo deegaannada ku hareeraysan. Waxa uu sidoo kale ku qasbay dad badan inay ka barakacaan degmada.

Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa bogaadisay dadaallada ay dadka deegaanku kula dagaallamayaan maleeshiyaadka Khawaarijta, iyadoo sheegtay in arrintani muujinayso in shacabka Soomaaliyeed ay meel uga soo wada jeesteen dagaalka ka dhanka ah argagixisada.

Previous Post

Soomaaliya iyo Shiinaha oo xooga saaraya xoojinta Xiriirkooda Laba geesoodka ah ee ka dhaxeeya

Next Post

Wasiir Cali Xoosh oo Shacabka Soomaaliyeed uga digay fatahaadaha laga cabsida qabo

Next Post
Wasiir Cali Xoosh oo Shacabka Soomaaliyeed uga digay fatahaadaha laga cabsida qabo

Wasiir Cali Xoosh oo Shacabka Soomaaliyeed uga digay fatahaadaha laga cabsida qabo

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO)...

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026
0

Urur Siyaasadeedka Talo-Qaran oo ka mid ah Ururada ka jira dalkeena oo maalmahan ololaha doorashooyinka ka waday qaar ka mid...

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa Magaalada Muqdisho ka furay shir lagu tijaabinayo diyaar-garowga...

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

September 29, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta duleedka magaalada Muqdisho ka furey Bandhigga Dalxiiska Soomaaliya oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In