Friday, January 23, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Labada gole oo maanta billaabay ka doodista cutubyada wax kabadalka lagu sameeyay ee Dastuurka KMG

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
2 years ago
in Wararka
0
Labada gole oo maanta billaabay ka doodista cutubyada wax kabadalka lagu sameeyay ee Dastuurka KMG
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Xarunta Villa Hargeysa ayaa waxaa maanta ka furmay kulan Labada gole ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, kaas oo looga doodaya ansixinta wax ka badalka iyo dhammeystirka Dastuurka KMG oo muddo dhowr iyo toban sano ah qabyo ahaa.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS mudane Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa maanta ku tilmaamay mid taariikhi ah oo ummadda Soomaaliyeed waxbadan sugayeen, isagoo Xildhibaannada ugu baaqay inay ilaaliyaan waqtiga inta lagu guda jira arintan aadka muhiimka u ah.

Related posts

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo Qatar uga qeybgalay qalin jebinta ciidanka Isku dhafka ah

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo Qatar uga qeybgalay qalin jebinta ciidanka Isku dhafka ah

January 22, 2026
Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Deegaanka XFS oo gaaray Laascaanood

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Deegaanka XFS oo gaaray Laascaanood

January 22, 2026

” Waxay umadda Soomaaliyeed naga sugeysay ayaa na horyaalo, arin masiiri ah ayaa laga hadlayaa, Guddiga dib u eegista Dastuurka waxaa laga rabaa inay Golaha si fiican uga dhaadhiciyaan howsha iyo muhiimadeeda”. Ayuu yiri guddoomiye Aadan Madoobe oo furay kulanka labada aqal.

Guddoomiyaha guddiga dib u eegista iyo la socodka Dastuurka BJFS Xildhibaan Xuseen Iidow oo labada gole la hadlay ayaa u gudbiyay soo jeedimaha wax ka badalka cutubyada 1-aad, 2-aad,3-aad iyo 4-aad ee Dastuurka KMG iyo warbaahin si faahfaahineyso soo jeedintaas ku xusan cutubyadaas, kaas oo uu soo diyaariyey guddiga madaxda banaan ee Dastuurka KMG ah.

” 63 sano ayaa laga joogaa markii ugu dambeysay ee Baarlamaan Soomaaaliyeed la hor keeno Dastuurka oo xilligaas ku qornaa Talyaani, halka maanta uu ku qoran yahay afkeena hooyo”. Ayuu yiri Guddoomiyaha guddiga dib u eegista iyo la socodka Dastuurka BJFS Xildhibaan Xuseen Iidow .

Labada gole ayaa loo qeybiyay nuqulka soo jeedimaha wax ka badalka Dastuurka,  iyadoo goluhu warbixin ka dhageystay guddiga dib u eegista iyo la socodka Dastuurka ee labada gole, waxaana toos u bilowday dooddiisu Dastuurka KMG.

Cutubyada 1-aad 2-aad 3-aad iyo 4-aad ayaa kiisa 1aad dooddiisu ay soco doontaa 14 bishaan Febraayo ilaa 19 bisha.Cutubka 2-aaad ayaa isna dooddiisu soco doontaa 21 Febraayo ilaaa 04 Marso halka cutubka 3-aad dooddiisa loo qorsheeyey 06 Marso ilaa 11 bisha. Cutubka ugu dambeeya ee 4aad ayaa loo asteeyey ka doodistiisa 13 Marso ilaa 23 Bisha waana dhammeystirka Marxaladda 2aad ee Cutubyada 1aad ilaa 4aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda.

Kulanka labada gole oo ka duwan marka loo eego kulamadiisa hore marka laga eego ajandaha la xiriira Dastuurka oo shacabka Soomaaliyeed indha ku hayaan ayaa waxaa soo xaadirtay 170 Aqalka hoose ah iyo 28 oo Aqalka sare ah.

Dastuurka KMG oo cod kacan taag ah ku ansixiyeen 621 ergo sanadkii 2012-kii ayaa ilaa intaas ku soo socday KMG waxaana la sheegaa inuu yahay kan ugu waqtiga dheer uu dhaqaale badan ku baxay, waxaana lagu tilmaamay tani inay tahay guul wayn oo lagu soo afjarayo Dastuurka KMG in uu noqdo mid rasmi ah, iyadoo shacabka Soomaaliyeed bogaadiyey dadaallada Madaxweynaha Jamhuuriyadda ee Arrimaha Dastuurka.

Previous Post

Xildhibaanada labada Gole ee BFS oo ka doodayo ansixinta wax ka badalka Dastuurka KMG

Next Post

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Gudaha Galmudug oo kulan is xogwareysi la qaatay Maamulka Gobalka Mudug

Next Post
Wasiiru-dowlaha Arrimaha Gudaha Galmudug oo kulan  is xogwareysi la qaatay Maamulka Gobalka Mudug

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Gudaha Galmudug oo kulan is xogwareysi la qaatay Maamulka Gobalka Mudug

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo Qatar uga qeybgalay qalin jebinta ciidanka Isku dhafka ah

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo Qatar uga qeybgalay qalin jebinta ciidanka Isku dhafka ah

January 22, 2026
0

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, oo booqasho shaqo ku jooga dalka Qatar, ayaa maanta ka qeybgalay...

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Deegaanka XFS oo gaaray Laascaanood

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Deegaanka XFS oo gaaray Laascaanood

January 22, 2026
0

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Hussein Ali Haji, ayaa maanta ka degay...

Guddoonka Labada Aqal ee BJFS oo xog laga siiyay hannaaka dib u eegista Dastuurka

Guddoonka Labada Aqal ee BJFS oo xog laga siiyay hannaaka dib u eegista Dastuurka

January 22, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo ay wehliyaan Guddoomiye Kuxigeenka Koowaad...

𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐮-𝐃𝐮𝐰𝐢𝐝𝐝𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐫𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐀𝐛𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 M𝐨𝐪𝐝𝐢𝐬𝐡𝐨 l𝐮𝐠𝐮 s𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐫𝐚y

𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐮-𝐃𝐮𝐰𝐢𝐝𝐝𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐫𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐀𝐛𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 M𝐨𝐪𝐝𝐢𝐬𝐡𝐨 l𝐮𝐠𝐮 s𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐫𝐚y

January 22, 2026
0

Waxaa Magaaladda Moqdisho lugu soo xiray Shirka Guddiga Qaran ee Isku-Duwidda Maareynta Abaaraha, oo ay soo qaban-qaabisay Hay’adda Maareynta Musiibooyinka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In