Wednesday, October 8, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Lacago la Gudoonsiiyay Arday Aan Awoodin in ay iska Bixiyaan Qarashaadka Iskuulada “Sawirro”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
June 30, 2015
in Wararka
0
Lacago la Gudoonsiiyay Arday Aan Awoodin in ay iska Bixiyaan Qarashaadka Iskuulada “Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Xildhibaanka laga soo doorto Degmada Kamukunji Yusuuf Xasan Cabdi ayaa lacago loogu Talo galay Ardayda aan Waalidiintooda Awoodin inay bixiyaan lacagaha waxbarashada gudoonsiiyay qaar ka mid ah Iskuulada ku yaala Kamukunji.

Ka dib munaasabad balaaran oo ka dhacday iskuulka Kamukunji Secondary School oo uu soo qaban qaabiyay Sanduuqa Horumarinta deegaanka ee CDF ayaa xildhibanka laga soo doorto degmada kamukunji Yuusuf Xasan Cabdi waxa uu lacago loogu talo galay ardayda aysan waalidiintoodu awoodin lacagaha waxbarashada waxa uu  gudoonsiiyay iskuulada ku yaala degmada kamukunji.

Related posts

Guddoomiyaha SoDMA iyo Wasiirka Beeraha XFS oo ka wada hadlay dardargelinta Barnaamijka Kaydinta Biyaha ee Jowhar

Guddoomiyaha SoDMA iyo Wasiirka Beeraha XFS oo ka wada hadlay dardargelinta Barnaamijka Kaydinta Biyaha ee Jowhar

October 8, 2025
Soomaaliya oo si buuxda ula wareegtay maareynta ee Arrimaha Xuquuqul Insaanka kadib 32 Sano

Soomaaliya oo si buuxda ula wareegtay maareynta ee Arrimaha Xuquuqul Insaanka kadib 32 Sano

October 8, 2025

Lacageed oo ay dowlada Kenya ugu talo gashay ardayda  taagta daran  in ay uga bixiso lacagaha dugsiga sare iyo jaamacadaha ayaa waxaa ka faa’ideystay 2900 oo arday oo isugu jira Soomaali iyo kenyaan,kuwasi oo wax ka barta iskuulada ku yaala degmada kamukunji.

Xildhibaan Yuusuf Xasan Cabdi ayaa markii ay munaasabadu soo gabagaboobay waxa uu ka warbixiyay lacagaha uu gudoonsiiyay iskuuladka ee lagu horumarinayo aqoonta waxbarashada ee ardayda aan awoodin in ay iska bixiyaan lacagaha iskuulka.

“Kulankan maanta wuxuu ku saabsanaa caawimaad ay dowlada siiso degmada Kamukunji oo soo marta xafiiska xildhibanka oo aan ugu deeqaynay ardayda dugsiyasda sare iyo jaamacadaha oo waalidiintoodu aanay awoodi karin lacagaha iskuulka,sanadkan siduu u bilowday Kamukunji oo aan madaxda ka ahay 2900 oo arday oo waalidiintooda ay ka liitaan xaga dhaqaalaha ayaan caawinay oo aan 19 milyana oo lacagta Kenya ah”Ayuu yiri Xildhibaan Yuusuf Xasan Cabdi.

“Guud ahaan tan iyo intii aan xildhibanka noqday ilaa 5000 kun oo arday ayaa ka faa’ideysatay mashruucan waxbarashada deeganka Kamukunji ilaa 47 milyana wan ku bixinay iskuulada sare iyo jaamacadaha dalka” Ayuu sii raaciyay xildhibaanka.

Ugu dambeytiina xildhibaan Yuusuf Xasan Cabdi ayaa u ugu baqaay dhammaan ardayda mudan ee lagu cawiyay lacagtan in ay dhameystaan waxbarashadooda.

“Mashruucan xafiiska xildhibanka ayuu ka furan yahay ardaydu waa inay timaadaa ama waalidiintooda ay yimaadan oo ay iska qoraan wixii ka dambeeya guddi ayaa jira raad raac ku sameeya oo dib u soo baara in qofka uu u qalmo in uu helo caawinaadan,ka dibna waa loo yeeraa dugsiyadooda ayaana lacagta loogu shubaa”Ayuu ku soo gabagabeeyay xildhibaanka.

Inkastoo dowlada kenya ay lacagaha waxbarashada ka bixiso qaar ka mid ah ardayda Kamukunji ayaa hadana waxaa jira arday fara badan oo waxbarasho la’aan ku heysato Kenya,kuwaa oo kasoo jeeda qosaska saboolka ah.

1 2 3 4 5 6 7 8 9 10 11 12 13

Sawiro qaade:- C/qaadir Cali Xuseen (Koronto)

Previous Post

Cali Americo oo Kooxda Wariyaasha Kala Qeyb Galay Tartan Ispoorti Afurna u Sameeyay Wariyaasha “Sawirro”

Next Post

DAAWO SAWIRRADA XUSKA 1-DA LUULYO OO SI WEYN LOOGA XUSAY MUQDISHO

Next Post
DAAWO SAWIRRADA XUSKA 1-DA LUULYO OO SI WEYN LOOGA XUSAY MUQDISHO

DAAWO SAWIRRADA XUSKA 1-DA LUULYO OO SI WEYN LOOGA XUSAY MUQDISHO

Guddoomiyaha SoDMA iyo Wasiirka Beeraha XFS oo ka wada hadlay dardargelinta Barnaamijka Kaydinta Biyaha ee Jowhar

Guddoomiyaha SoDMA iyo Wasiirka Beeraha XFS oo ka wada hadlay dardargelinta Barnaamijka Kaydinta Biyaha ee Jowhar

October 8, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Maxamuud Macalin Cabdulle iyo Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Maxamed...

Soomaaliya oo si buuxda ula wareegtay maareynta ee Arrimaha Xuquuqul Insaanka kadib 32 Sano

Soomaaliya oo si buuxda ula wareegtay maareynta ee Arrimaha Xuquuqul Insaanka kadib 32 Sano

October 8, 2025
0

Golaha Xuquuqul Insaanka ee Qaramada Midoobay ayaa meel mariyey qaraar muhiim ah, kaas oo Soomaaliya ay kula soo wareegayso maareynta...

DFS oo beenisay wararka ku saabsan heshiis qarsoodi ah oo ay la gashay Dowladda Sweden

DFS oo beenisay wararka ku saabsan heshiis qarsoodi ah oo ay la gashay Dowladda Sweden

October 8, 2025
0

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay si buuxda u beenineysaa warbixinnada saxaafadeed ee dhowaan lagu sheegay in Soomaaliya iyo Sweden ay wada...

Shirweynaha Urur-goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika oo galay maalintiisii labaad

Shirweynaha Urur-goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika oo galay maalintiisii labaad

October 8, 2025
0

Shirweynaha Urur-goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika (EAC) oo sanadkan si rasmi ah loogu qabtay magaalada Muqdisho ayaa galay maalintiisii labaad,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In