Wasiirka arrimaha dibadda Ruushka Sergei Lavrov, oo booqasho ku tagay Iiraan ayaa ku eedeeyay Mareykanka inuu isku dayayo inuu wax ka beddelo shuruucda caalamiga ah iyo qaar kamid ah axdiyada Qaramada Midoobay.Sergei ayaa arrinkan kaga hadlay shir jaraaโid oo ay si wada jir ah u qabteen isaga iyo dhigiisa Iiraan, Xuseen Amiir Cabdul-hayaan, waxayna shegeen in reer galbeedku oo uu horkacaya Mareykanka ay isku dayayaan in ay ka abuuraan dowlado ka soo horjeeda Ruushka, si garab loo siiyo Ukraine.
Wasiirka arrimaha dibadda Iiraan, ayaa dhankiisa ku eedeeyay xukuumadda Washington inay masโuul ka tahay wada-hadalladii hakaday ee sannad ka hor laga billowday Vienna, wuxuuna ku baaqay in la qaado dhamaan cunaqabateynadii uu Mareykanka ku soo rogay Iiraan, si loo soo nooleeyo heshiiskii Nukliyeerka.
Kahor inta uusan la kulmin dhiggiisa Iiraan, Wasiirka Arrimaha Dibadda Ruushka, oo shalay gaaray Dehraan, ayaa sheegay in dalkiisa uu la qabsanaayo waxa uu ku tilmaamay siyaasadaha gardarada ah ee reer Galbeedka.
๐๐โ๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐๐๐ฌ๐๐๐ซ๐ ๐๐ฎ-๐ฑ๐ข๐ ๐๐๐ง๐ค๐ ๐จ๐จ ๐๐ฎ๐ซ๐๐ฒ ๐๐ก๐ข๐ซ๐ค๐ ๐๐๐๐๐๐ฑ๐๐๐ ๐๐ ๐๐ฎ๐ฅ๐ฌ๐ก๐๐๐ ๐๐๐ซ๐ข๐ ๐ ๐๐๐ซ๐ข๐ค๐
Raโiisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta magaalada Muqdisho ka furay Shirka Saddexaad ee Bulshada...












