Tuesday, September 15, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Libya iyo Mareykanka oo iska kaashanaya wareejinta eedeysanaha qaraxii Lockerbie

Ali Abdirahman by Ali Abdirahman
5 years ago
in Wararka
0
Libya iyo Mareykanka oo iska kaashanaya wareejinta eedeysanaha qaraxii Lockerbie
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka arrimaha dibadda Libya Najla Manquush ayaa sheegtay in ay Mareykanka kala shaqeyn doonaan sidii loogu wareejin lahaa ninka loo doon doonayo in uu ka dambeeyay weerarkii Lockerbie ee dhacay sanadkii 1988.

Wareysi ay la yeelatay BBC ayaa wasiirku ku sheegtay in ay natiijo wax ku ool ah ka soo baxayso kiiska Abu Agila Maxamed Mascuud oo lagu eedeeyay in uu kamid ahaa saraakiishii ugu sar sareysay bomb-sameynta hogaamiyihii hore ee dalka Libya Mucamar Qaddaafi.

Related posts

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ka qayb gashay Kalfadhiga 74-aad ee Golaha Wasiirrada  Urur-Goboleedka IGAD

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ka qayb gashay Kalfadhiga 74-aad ee Golaha Wasiirrada Urur-Goboleedka IGAD

September 15, 2026
Ra’iisul Wasaaraha XFS oo qaabilay saddex arday oo kaalmaha hore ka galay tartan caalami ah oo Qur’aan

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo qaabilay saddex arday oo kaalmaha hore ka galay tartan caalami ah oo Qur’aan

September 15, 2026

Shirkadda diyaaradaha Pan Am oo duulimaadkeedii ahaa 103 ayna saarnaayeen 270 qof ayaa duushay London kuna sii jeedday New York balse  ku burburtay magaalada Lockerbie ee dalka UK waxaana rakaabka kamid ahaa 190 qof oo u dhashay Mareykanka.

Weerarkaas argagaxiso ayaa noqday kii ugu dhimashada badnaa UK.

Dadkii ku dhintay weerarkaas waxaa kamid ahaa 35 arday oo Amerikaanka ah kuwaas oo fasaxa ciidda masiixiga u guriyo laabanayay halka 11 kale lagu dilay magaalo ku taala gobolka Scotland ee dalka UK.

Dowladda Libya ayaa qiratay mas’uuliyadda weerarkaas sanadkii 2003 waxayna bixisay magdhow la siiyay qoysaskii dadkooda ku dhinteen weerarkaas.

Wasiir Manquush ayaa sheegtay in dowladda Libya ay fahamsan tahay xanuunka iyo murugada ay dareemayaan qoysaska dadkooda ku dhinteen halkaas balse ‘loo baahan yahay in la qadariyo shuruucda’.

Mar ay ka hadlaysay iskaashiga Mareykanka iyo Libya ee kiiska ayay xustay in horumar laga gaaray. Mascuud oo kamid ahaa saraakiisha sirdoonka Libya isla markaana hadda ku jira xabsi dalka Libya ku yaala ka dib markii lagu heley dambiyo kale oo aan arrintan la xiriirin.

Hase yeeshee, Mareykanka ayaa ku eedeeyay ninkan dambiyo argagaxiso maadaama uu gacan ka geystay in la qarxiyo diyaaradda.

Isbedelo badan ayaa dhacay tan iyo dhacdadii Lockerbie. Qaddaafi xukunka ayaa laga tuurey 2011 dalka wuxuu galay xasilooni daro bahsan.

Doorashooyinkii dhacay 2014 waxay horseedeen in Libya u kala jabto labo dhinac kooxo iska soo hor jeedo ayaa xarumo ka kala dhigtay magaalooyinka Benghazi iyo Tripoli.

Hadda dowladda Libya waxay doonaysaa in ay cilaaqaad wanaagsan la yeelato Mareykanka, iyadoo Washington doonayso in Mascuud loo soo gacan geliyo.

Saraakiisha Mareykanku waxay sheegeen in Mascuud uu sidoo kale shirqooley sarkaal kale oo ka tirsanaa sirdoonka Libya Cabdelbaasit Al Megraahi.

Al-Megraahi ayaa markasta ku doodi jirey in uu yahay beri oo wax lug ah uusan ku laheyn ilaa uu dhintay 2012, wiilkiisa wuxuu wacad ku maray in aabihii ka beri yeeli doono maxkamadaha UK.

Kara Weipz oo Mareykan ah, oo walaalkeed kamid ahaa dadkii ku dhintay qaraxaas ayaa sheetay haddii Mascuud lagu maxkamadeeyo Mareykanka ay farxad dareemi doonaan qoysaska dhibaniyaasha.

Laakin ehelada dadkii ku dhintay ee reer UK waxaa jira su’aalo iyo shakiyo. Dadka qaar ayaa aaminsan in Iran ay sabab u ahayd soo rididii diyaaradda ee aysan ahayn Liibiya, eedeymaha cusubna ay tahay qiiqa lagu daboolayo arrintan.

Dr Jim Swire, oo gabadhiisa Flora ay ku dhimatay qaraxa, ayaa sheegay in aanu rumaysnayn in codsiga cusub ee soo gacan gelinta uu leeyahay wax u jeedo ah “marka laga reebo in la sii wado khiyaaliga ah in uu jiro baaris dambiyeed oo macno leh oo weli jira”.

Previous Post

WARKA SUBAX EE RADIO MUQDISHO

Next Post

Wasaaradda Batroolka XFS oo hadashay sicir bararka qiimaha Shidaalka soo galo Dalka.

Next Post
Wasaaradda Batroolka XFS oo hadashay sicir bararka qiimaha Shidaalka soo galo Dalka.

Wasaaradda Batroolka XFS oo hadashay sicir bararka qiimaha Shidaalka soo galo Dalka.

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ka qayb gashay Kalfadhiga 74-aad ee Golaha Wasiirrada  Urur-Goboleedka IGAD

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ka qayb gashay Kalfadhiga 74-aad ee Golaha Wasiirrada Urur-Goboleedka IGAD

September 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah JFS, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa ka qayb galay Kalfadhiga 74-aad ee...

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo qaabilay saddex arday oo kaalmaha hore ka galay tartan caalami ah oo Qur’aan

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo qaabilay saddex arday oo kaalmaha hore ka galay tartan caalami ah oo Qur’aan

September 15, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay saddex arday oo Soomaaliyeed oo...

Danjire Fardowsa Maxamed Qanyare oo xarunta Safaaradda ku qaabishay Safiirka cusub Masar

Danjire Fardowsa Maxamed Qanyare oo xarunta Safaaradda ku qaabishay Safiirka cusub Masar

September 15, 2026
0

‎Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Uganda, Danjire Fardowsa Maxamed Qanyare ayaa maanta xafiiskeeda ku qaabishay Safiirka Jamhuuriyadda Carabta Masar u...

Guddiga Aqalka Sare oo Wasaaradda Deegaanka Su’aalo Ka Weydiiyay Dhisidda Hay’adda Saadaasha Hawada

Guddiga Aqalka Sare oo Wasaaradda Deegaanka Su’aalo Ka Weydiiyay Dhisidda Hay’adda Saadaasha Hawada

September 15, 2026
0

Guddiga Khayraadka Qaranka, Kaabayaasha Dhaqaalaha iyo Gaadiidka ee Aqalka Sare ee BJFS, iyagoo gudanaya waajibaadkooda shaqo, ayaa maanta xafiiskooda ugu...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In