Friday, October 16, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Keydka Sawirrada

“SAWIRRO”Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalay xaflad uu xilka kula wareegayay R.wasaare Cumar C.rashiid

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
12 years ago
in Keydka Sawirrada, Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Munaasibaddan oo ka dhacay Xafiiska Ra’iisul wasaaraha Somalia, ayaa waxaa xilka kula wareegay Ra’iisul wasaare Cumar C/rashiid, isago kala wareegay Ra’iisul wasaarihii hore ee Somalia, waxaana ka qeyb-galay  madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Somalia, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Sii hayeyaasha xilalka Wasiirrada.

Munaasibadda horraanteeda, ayaa agaasime ku xigeenka  xafiiska Ra’iisul wasaaraha waxa uu ku soo dhoweeyey dhammaan madaxda ka soo

Related posts

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
𝐑/𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐡𝐚𝐠𝐚𝐱-𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚𝐲 𝐗𝐚𝐫𝐮𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐚𝐲𝐧𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐓𝐢𝐤𝐧𝐨𝐨𝐥𝐨𝐣𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐉𝐚𝐚𝐦𝐚𝐜𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐈𝐌𝐀𝐃

𝐑/𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐡𝐚𝐠𝐚𝐱-𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚𝐲 𝐗𝐚𝐫𝐮𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐚𝐲𝐧𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐓𝐢𝐤𝐧𝐨𝐨𝐥𝐨𝐣𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐉𝐚𝐚𝐦𝐚𝐜𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐈𝐌𝐀𝐃

October 15, 2026

Munaasibaddan oo ka dhacay Xafiiska Ra’iisul wasaaraha Somalia, ayaa waxaa xilka kula wareegay Ra’iisul wasaare Cumar C/rashiid, isago kala wareegay Ra’iisul wasaarihii hore ee Somalia, waxaana ka qeyb-galay  madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Somalia, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Sii hayeyaasha xilalka Wasiirrada.

Munaasibadda horraanteeda, ayaa agaasime ku xigeenka  xafiiska Ra’iisul wasaaraha waxa uu ku soo dhoweeyey dhammaan madaxda ka soo qeyb-gashay, isagoo uga mahadceliyey guddigii soo diyaariyey  munaasibadda Xil wareejinta.

Sii hayaha Wasiirka Hidaha iyo Tacliinta sarre Mudane Ducaale Aadam Maxamed oo ku hadlayey dhammaan magaca xubnaha golaha wasiirrada xilalka sii hayaha, ayaa si kooban u guud maray  arrimhii ay ku guuleysatay Xukuumadda Ra’iisul wasaarihii hore Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed, isagoo u kala qaaday Siyaasadda, ammaanka, Federaalka, guddiga dib u eegista Destuurka iyo Hiigsiga cusub ee 2016-ka.

Ra’iisul wasaarihi hore ee Jamhuuriyadda Somalia, mudane Cabdiweli Sheekh Axmed  oo isaga xilka wareejinayey ayaa khubad uu jeediyey si niyad furnaan ah ugu mahaceliyey  madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka dhammaan golohii wasiirradii uu hoggaaminayey iyo shacabka Soomaaliyeed, isagoo ka dalbaday in la is cafiyo isla markaana loo wada istaago midnimada iyo horu-socodka Somalia.

Ra’iisul wasaaraha xafiiska  la wareegay Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke, ayaa  sidoo kale isagana ku ammaanay Xukuumaddii uu horkacay Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed, in ay dalka u horseedday guulo la taaban karo,  hasa yeeshee u ka amba qaadi doono halkaasi si loogu guuleysto  hiigsiga cusub ee 2016-ka ee Somalia.

Inta uusan madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud soo gabagabeyn munaasibadda ayaa waxaa si rasmi ah Feylasha shaqo ee Xukuumadda loogu wareejiyey Ra’iisul wasaaraha cusub Cumar C/rashiid, iyadoo ay wada saxiixeen nuqullada laba Feyl oo ka mid ah dhammaan Documents-ka Xukuumaddii hore, waxaana goob-jooge ka ahaa madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud,

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Somalia, ayaa soo gabagabeeyey munaasibadda  uu xilka kula wareegay Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda, madaxweynuhu waxa uu ku ammaanay Ra’iisul wasaarihii hore wada shaqeyntii dhexmartay mudada uu xafiiska joogay, sidoo kale golihii wasiirradiisa ayuu ku  boggaadiyey howsha ay Qaranka u qabteen  kulana dardaarmay in ay ka qeyb-qaataan sidii ay Somalia u gaari lahayd isku filnaansho.

Munaasibadda ayaana ku soo dhammatay jawi farxad oo is cafis ah, iyadoo Ra’iisul wasaaraha cusub ay golihii wasiirradii hore  ay u ballan qaadeen in ay ku gacan siin doonaan howshiisa, isagana waxa uu xusay in uu si dhow ula tashan doonno si uu u soo dhiso Xukuumad awood u leh in dalka ay gaarsiiso qorshaha Somalia u degan ee ku wajahan sanadka 2016-ka.

3 4 5 IB0A7830 IB0A7832 IB0A7861 IB0A7863 IB0A7904 IB0A7906 IB0A7911 IB0A7912 IB0A7919

 

Previous Post

Midowga Yurub, Mareykanka iyo Q. M. oo si isku mid ah usoo dhaweeyay ansixinta R/wasaare Sharma’arke

Next Post

“SAWIRRO”Gudoomiyaha Barlamaanka oo sheegay in Baarlamaanku dadaal u geli doono xuquuqda agoonta Soomaaliyeed

Next Post

"SAWIRRO"Gudoomiyaha Barlamaanka oo sheegay in Baarlamaanku dadaal u geli doono xuquuqda agoonta Soomaaliyeed

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

𝐑/𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐡𝐚𝐠𝐚𝐱-𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚𝐲 𝐗𝐚𝐫𝐮𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐚𝐲𝐧𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐓𝐢𝐤𝐧𝐨𝐨𝐥𝐨𝐣𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐉𝐚𝐚𝐦𝐚𝐜𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐈𝐌𝐀𝐃

𝐑/𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐡𝐚𝐠𝐚𝐱-𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚𝐲 𝐗𝐚𝐫𝐮𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐚𝐲𝐧𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐓𝐢𝐤𝐧𝐨𝐨𝐥𝐨𝐣𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐉𝐚𝐚𝐦𝐚𝐜𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐈𝐌𝐀𝐃

October 15, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta dhagax-dhigay dhismaha xarunta cusub ee Sayniska iyo Tiknoolojiyadda...

Guddiga Doorashooyinka oo shaaciyay doorashooyinka 2-da Aqal iyo tan Madaxweynaha Dalka

Guddiga Doorashooyinka oo shaaciyay doorashooyinka 2-da Aqal iyo tan Madaxweynaha Dalka

October 15, 2026
0

Guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa shaaciyay jadwalka doorashada xildhibaanada Labada Aqal ee BJFS iyo tan madaxweynaha...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka qeybgalay kulanka Qaran ee ka hortagga iyo la dagaallanka Fikirka Xagjirka

Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka qeybgalay kulanka Qaran ee ka hortagga iyo la dagaallanka Fikirka Xagjirka

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud iyo Masuuliyiin kale ayaa ka qeyb galaya Shirweynaha Qaran...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In