Friday, January 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Keydka Sawirrada

“SAWIRRO”Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalay xaflad uu xilka kula wareegayay R.wasaare Cumar C.rashiid

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Keydka Sawirrada, Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Munaasibaddan oo ka dhacay Xafiiska Ra’iisul wasaaraha Somalia, ayaa waxaa xilka kula wareegay Ra’iisul wasaare Cumar C/rashiid, isago kala wareegay Ra’iisul wasaarihii hore ee Somalia, waxaana ka qeyb-galay  madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Somalia, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Sii hayeyaasha xilalka Wasiirrada.

Munaasibadda horraanteeda, ayaa agaasime ku xigeenka  xafiiska Ra’iisul wasaaraha waxa uu ku soo dhoweeyey dhammaan madaxda ka soo

Related posts

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Xukuumadda iyo Ururrada Siyaasadda oo War-saxaafadeed soo saaray

January 29, 2026
Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

January 29, 2026

Munaasibaddan oo ka dhacay Xafiiska Ra’iisul wasaaraha Somalia, ayaa waxaa xilka kula wareegay Ra’iisul wasaare Cumar C/rashiid, isago kala wareegay Ra’iisul wasaarihii hore ee Somalia, waxaana ka qeyb-galay  madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Somalia, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Sii hayeyaasha xilalka Wasiirrada.

Munaasibadda horraanteeda, ayaa agaasime ku xigeenka  xafiiska Ra’iisul wasaaraha waxa uu ku soo dhoweeyey dhammaan madaxda ka soo qeyb-gashay, isagoo uga mahadceliyey guddigii soo diyaariyey  munaasibadda Xil wareejinta.

Sii hayaha Wasiirka Hidaha iyo Tacliinta sarre Mudane Ducaale Aadam Maxamed oo ku hadlayey dhammaan magaca xubnaha golaha wasiirrada xilalka sii hayaha, ayaa si kooban u guud maray  arrimhii ay ku guuleysatay Xukuumadda Ra’iisul wasaarihii hore Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed, isagoo u kala qaaday Siyaasadda, ammaanka, Federaalka, guddiga dib u eegista Destuurka iyo Hiigsiga cusub ee 2016-ka.

Ra’iisul wasaarihi hore ee Jamhuuriyadda Somalia, mudane Cabdiweli Sheekh Axmed  oo isaga xilka wareejinayey ayaa khubad uu jeediyey si niyad furnaan ah ugu mahaceliyey  madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka dhammaan golohii wasiirradii uu hoggaaminayey iyo shacabka Soomaaliyeed, isagoo ka dalbaday in la is cafiyo isla markaana loo wada istaago midnimada iyo horu-socodka Somalia.

Ra’iisul wasaaraha xafiiska  la wareegay Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke, ayaa  sidoo kale isagana ku ammaanay Xukuumaddii uu horkacay Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed, in ay dalka u horseedday guulo la taaban karo,  hasa yeeshee u ka amba qaadi doono halkaasi si loogu guuleysto  hiigsiga cusub ee 2016-ka ee Somalia.

Inta uusan madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud soo gabagabeyn munaasibadda ayaa waxaa si rasmi ah Feylasha shaqo ee Xukuumadda loogu wareejiyey Ra’iisul wasaaraha cusub Cumar C/rashiid, iyadoo ay wada saxiixeen nuqullada laba Feyl oo ka mid ah dhammaan Documents-ka Xukuumaddii hore, waxaana goob-jooge ka ahaa madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud,

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Somalia, ayaa soo gabagabeeyey munaasibadda  uu xilka kula wareegay Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda, madaxweynuhu waxa uu ku ammaanay Ra’iisul wasaarihii hore wada shaqeyntii dhexmartay mudada uu xafiiska joogay, sidoo kale golihii wasiirradiisa ayuu ku  boggaadiyey howsha ay Qaranka u qabteen  kulana dardaarmay in ay ka qeyb-qaataan sidii ay Somalia u gaari lahayd isku filnaansho.

Munaasibadda ayaana ku soo dhammatay jawi farxad oo is cafis ah, iyadoo Ra’iisul wasaaraha cusub ay golihii wasiirradii hore  ay u ballan qaadeen in ay ku gacan siin doonaan howshiisa, isagana waxa uu xusay in uu si dhow ula tashan doonno si uu u soo dhiso Xukuumad awood u leh in dalka ay gaarsiiso qorshaha Somalia u degan ee ku wajahan sanadka 2016-ka.

3 4 5 IB0A7830 IB0A7832 IB0A7861 IB0A7863 IB0A7904 IB0A7906 IB0A7911 IB0A7912 IB0A7919

 

Previous Post

Midowga Yurub, Mareykanka iyo Q. M. oo si isku mid ah usoo dhaweeyay ansixinta R/wasaare Sharma’arke

Next Post

“SAWIRRO”Gudoomiyaha Barlamaanka oo sheegay in Baarlamaanku dadaal u geli doono xuquuqda agoonta Soomaaliyeed

Next Post

"SAWIRRO"Gudoomiyaha Barlamaanka oo sheegay in Baarlamaanku dadaal u geli doono xuquuqda agoonta Soomaaliyeed

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Xukuumadda iyo Ururrada Siyaasadda oo War-saxaafadeed soo saaray

January 29, 2026
0

Guddiga Xukuumadda iyo Ururrada Siyaasadda ee ka qeyb qaatay doorashada goleyaasha deegaanka ee Qof iyo Cod ayaa kulankooda maanta ka...

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

January 29, 2026
0

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada ayaa maanta oo taariikhdu tahay Jannaayo 29, 2026 wadatashi layeeshay ururrada siyaasadda. Kulankan...

Ergada Dowladda Soomaaliya ee QM oo kulan casho sharaf ah u sameeyay diblomaasiyiin

Ergada Dowladda Soomaaliya ee QM oo kulan casho sharaf ah u sameeyay diblomaasiyiin

January 29, 2026
0

Ergada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee Qaramada Midoobay ayaa munaasabad casho sharaf ah u qabatay Danjireyaasha iyo Diblomaasiyiinta ka howlgala Xarunta...

Muqdisho oo martigelinaysa Shirweynaha Qaran ee kaabayaasha Dijitaalka (DPI).

Muqdisho oo martigelinaysa Shirweynaha Qaran ee kaabayaasha Dijitaalka (DPI).

January 29, 2026
0

Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo kaashanaya hay'adaha kala ah: Bangiga Dhexe ee Soomaaliya (CBS), Hay’adda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In