Saturday, July 12, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

“SAWIRRO”Gudoomiyaha Barlamaanka oo sheegay in Baarlamaanku dadaal u geli doono xuquuqda agoonta Soomaaliyeed

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
December 25, 2014
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Munaasabadan oo maanta lagu qabtay hotelka City Place ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka qeybgalay gudoomiyaha barlamaanka Soomaaliya mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari iyo xubno katirsan golayaasha dowladda iyadoo ay goobjoog ahaayeen ehelada iyo waalidiinta caruur agoon ah oo ay xanaaneyso hay’adda Qatar Charity oo laga leeyahay wadanka Qatar ee aynu walaalaha nahay.

Munaasabadan ayaa waxaa hay’adda Qatar Charity ay kusoo bandhigeysay caruur agoon ah oo tiradoodu gaareyso ilaa 1400 oo sanad weliba loo qabto muhrajaan ay ku muujinayaan farxadooda iyo sida ay wax u barteen inta ay gacanta ku heysay hay’addaasi.

Related posts

Ciidamada Nabad Sugidda NISA oo horjoogayaal iyo maleeshiyaad ku beegsaday gobolka Shabeellaha Dhexe

Ciidamada Nabad Sugidda NISA oo horjoogayaal iyo maleeshiyaad ku beegsaday gobolka Shabeellaha Dhexe

July 12, 2025
Ku xigeenka madaxweynaha Galmudug iyo Guddoomiyaha SODMA oo yeeshay kulan muhiim ah

Ku xigeenka madaxweynaha Galmudug iyo Guddoomiyaha SODMA oo yeeshay kulan muhiim ah

July 12, 2025

Caruurtan oo ay ka muuqatay farxad iyo daryeel ayaa waxaa mas’uuliyiinta Qatar ay sheegeen in ay ku dhalisay xanaaneyntooda markii ay arkeen dhibaatada heysata caruurta Soomaaliyeed ee agoonta ah maadaama ay yareyd daryeelka ay heli jireen.

Gudoomiyaha Baarlamaanka mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo goobta ka hadlay isagoo caruurta la qeybsanayay farxadooda ayaa ballan qaaday in baarlamaanka Soomaaliya uu dadaal u geli doono sidii agoontu ay u heli lahaayeen xuquuqdooda gaar ahaan dastuurka qaranka lagu qoro xuquuqda agoonta Soomaaliyeed.

Hay’adda Qatar Charity ayaa gacanta ku heysa inkabadan 9000 oo agoon Soomaaliyeed ah kuwaasoo ay dhabarka u ridatay xanaaneynta iyo wax baridooda ilaa heer jaamacadeed iyadoo munaasabadda maantana lagu soo bandhigay caruur fara badan oo ka faa’iidesatay.

DSC_3358 (1) DSC_3360 DSC_3364 DSC_3381 DSC_3396 DSC_3411

 

 

 

 

 

 

Previous Post

“SAWIRRO”Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalay xaflad uu xilka kula wareegayay R.wasaare Cumar C.rashiid

Next Post

Howlgal lagu soo qabtay inkabadan 200 oo ruux oo maanta ka dhacay inta u dhaxeysa Muqdisho iyo Afgooye

Next Post

Howlgal lagu soo qabtay inkabadan 200 oo ruux oo maanta ka dhacay inta u dhaxeysa Muqdisho iyo Afgooye

Ciidamada Nabad Sugidda NISA oo horjoogayaal iyo maleeshiyaad ku beegsaday gobolka Shabeellaha Dhexe

Ciidamada Nabad Sugidda NISA oo horjoogayaal iyo maleeshiyaad ku beegsaday gobolka Shabeellaha Dhexe

July 12, 2025
0

Ciidamada Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa qaaday howlgallo qorsheysan oo ka dhacay deegaanno dhowr ah oo ka tirsan...

Ku xigeenka madaxweynaha Galmudug iyo Guddoomiyaha SODMA oo yeeshay kulan muhiim ah

Ku xigeenka madaxweynaha Galmudug iyo Guddoomiyaha SODMA oo yeeshay kulan muhiim ah

July 12, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xarunta dhexe ee hay’adda ku qaabilay Madaxweyne Ku-xigeenka Dowlad...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

July 12, 2025
0

Madaxweynaha JFS Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud , oo booqasho ku joogo dalka Turkiga, ayaa maanta xarunta madaxtooyada dalkaas kula...

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Geneva kaga qayb galay shir Caalami ah

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Geneva kaga qayb galay shir Caalami ah

July 12, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyada JFS, Mudane Maxamed Axmed Aadan Macalin, ayaa magaalada Geneva ee dalka Switzerland kaga qaybgalay kulanka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In