Munaasabad lagu maamuusayey maalinta araga aduunka oo ku beegan maanta ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho, waxaana ka qayb galay wasiirro xildhibaanno xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka maaamulka iskuulka ardayda aragga la’ ee Al-basiir oo xaflada soo qaban qaabiyey.
Inta ay munaasabada socotay ayaa ardayda araga la’ waxay ku soo bandhigeen riwaayad ka tarjumaysay hamiga dheer ay ka leeyihiin in ay horumar ka sameeyaan waxbarashada dalkana ay wax u qabtaan.
Maamulaha iskuulka Al basiir Abiikar Xuseen Bashiir ayaa munaasabada ka sheegay in ay gacanta ku hayaan 44 arday oo arag la’ una baahan in lagu caawiyo sidii ay wax u baran lahaayeen.
Gudoomiayaha hay’ada culumada Soomaaliyeed Sheekh Bashiir Axmed Salad ayaa dowlada inta wax haysata u soo jeediyey in ay aaad u taageeraan dadka aragga la’ si aan niyadda laga jabin.
Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Dr. Axmed Cali Daahir ayaa sheegay in uu dadaalkiisa isugu geen doono qaabkii xukuumada iyo baarlamaanka u meel marinta sharciga naafada.
Xildhibaan Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow ayaa soo jeediyey in dowladda laga rabo sidii looga heli lahaa doorka ay ka qaadanayso wax u qabadka naafadda qaybaheeda kala duwan.
Wasiir ku xigeenka wasarada waxbarashada Xaamud Cali Xasan ayaa balan qaaday in wasaradda ay diyaar la tahay bixinta dhul ay wax ku bartaan dadka aragga la hase ahaatee loo bahanyahay in la helo ciddii dhisi lahayd.
Ugu dambeen wasiirka howlaha guud iyo dib u dhiska Saalax Sheekh Cismaan oo soo xeray munaasabada ayaa ka sheegay in arday Soomaaliyeed wax waliba oo ay u baahdaan laga rabo dowlada Soomaaliya.