Saturday, July 19, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Maalinta Biyaha Addunka oo Dhuusamareeb laga xusay

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
March 22, 2020
in Wararka
0
Maalinta Biyaha Addunka oo Dhuusamareeb laga xusay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Maanta oo ah Maalinta Biyaha Aduunka ayaa Wasaarada Tamarta iyo Khayraadka Biyaha Galmudug ay Wacyigalin ka samaysay Kaamamka ay ku nool yihiin Dadka Barakacayaasha ah ee Magaalada Dhusamareb waxaana la gaarsiiyey Agabyo kala duwan oo ay ka mid tahay Saabuunta, iyadoona lagu wacyigaliyey inay Nadaafadda ku dadaalaan si looga Gaashaanto Caabuqa Covid-19.

Wasiirka Wasaarada Tamarta iyo Khayraadka Biyaha Axmed Shire Maxamed ayaa waxa uu Tilmaanay inay joojiyeen Munaasabadii lagu Maamuusi lahaa Maalinta, balse ka door bideen in Bulshada wacyigalin loo sameeyo gaar ahaan Dadka Barakacayaasha, sidoo kalena wax laga qaban doono Baahiyaha dhanka Biyaha ah loona samayn doono Biya galin.

Related posts

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

July 18, 2025
Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

July 18, 2025

Gudoomiye ku-xigeenka Arimaha Bulshada Magaalada Dhusamareb C/xakiin C/laahi Warsame ayaa dhankiisa ku baaqay in Dadkan loo sameeyo Gurmad dhinacyada Biyaha, Caafimaadka, Waxbarashada iyo Cuntada ah.

Dadka Maanta la tagay Kaamamkooda ayaa Muddo seddax sano ka hor ah waxa ay ka soo Barakaceen Deegaanada bari ee Gobolka Galgaduud ka dib markii Maleeshiyaadka Al-Shabaab ay ka dheceen Xoolihii ay lahaayeen sidoo kalana qaar ka mid ah Caruurtooda ay Askareeyeen, taasina ku qasabtay inay soo Miciin bidaan Magaalada Dhusamareb iyo Meelo kale oo amaan ah.

Dhinaca kale munaasabad taa la mid ah oo lagu xusayay maalinta caalamiga ah ee biyaha ayaa maanta lagu qabtay magalada kismaayo xili biyo la aan aad u baahsan ay ka jirto magaalada kismaayo iyo nawaaxigeeda.

Previous Post

Gudoomiyaha arimaha bulshada Gobolka Banaadir oo booqatay xarunta loogu talagalay in lagu karantiilo Dadka uu soo rito Cudurka COVID19

Next Post

Taliyaha hoggaanka ilaalinta Canshuuraha oo ka digay in maciishadda la kordhiyo

Next Post
Taliyaha hoggaanka ilaalinta Canshuuraha oo ka digay in maciishadda la kordhiyo

Taliyaha hoggaanka ilaalinta Canshuuraha oo ka digay in maciishadda la kordhiyo

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

July 18, 2025
0

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga ee Xukuumadda Federaalka, Maxamed Cali Xagaa iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa ka qeybgalay xaflad ka dhacday...

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

July 18, 2025
0

Soomaaliya ayaa heshay Diyaarado aan duuliyaha laheyn, iyo kuwa Qumaatiga u kaca ee Helicopteriska ah, kuwaasi oo qeyb ka qaadan...

Turkiga oo sheegay in Israel ay wiiqayso dadaallada dib u dhiska ee Suuriya

Turkiga oo sheegay in Israel ay wiiqayso dadaallada dib u dhiska ee Suuriya

July 18, 2025
0

Ergayga Qaramada Midoobay ee Turkiga Ahmet Yildiz ayaa si kulul u cambaareeyay weerarrada joogtada ah ee Israa’iil ay ka geysanayso...

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee XFS oo la kulmay madaxda Safaaradda Soomaaliya ee Aljeria

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee XFS oo la kulmay madaxda Safaaradda Soomaaliya ee Aljeria

July 18, 2025
0

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Saciid Maxamed Maxamuud, ayaa booqasho shaqo ku tagay xarunta Safaaradda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In