Monday, July 4, 2022
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Maalinta Caalamiga ah ee Biyaha oo Muqdisho laga xusay

March 22, 2015
in Wararka
0
Maalinta  Caalamiga ah ee Biyaha oo Muqdisho laga xusay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Munaasabadaan lagu xusayay Maalinta Biyaha Adduunka oo ku beegan 22 Maarso ayaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho iyadoo ay ka soo qayb galeen Mas’uuliyiin Dowladda ka tirsan sida Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha ku xigeenkiisa iyo Wasiir ku xigeenka Caafimaadka iyo xubno kale.

Munaasbada ayaa intii ay socotay Waxaa ka hadlay mas’uuliyiin badan oo ku dheeraaday ka hadalka Muhiimadda ay Bulshada u leeyihiin biyaha iyo sida loogu baahan yahay in dadku helaan Biyo Nadiif ah qaar ka mid ah Shirkadaha Biyaha qaabilsan ayaana Goob joog ahaa Munaasabadaas.

Related posts

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Oo Shir Muhiim ah Uga Qeybgalaya Kenya

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Oo Shir Muhiim ah Uga Qeybgalaya Kenya

July 4, 2022
Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Booqday Safaaradda Soomaaliya Ee Ankara

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Booqday Safaaradda Soomaaliya Ee Ankara

July 4, 2022

Marwo Batuulo Sheekh Axmed Gabale Guddoomiyaha Ururka Haweenka Qaranka oo ka mid aheyd Mas’uuliyiintii ka hadashay kulanka ayaa waxaa ay Wasaaradda Biyaha ugu baaqday in ay ku dadaasho sidii Biyo Nadiif ah Bulshada Soomaaliyeed u heli lahaayeen.

Wasiir ku xigeenka Caafimaadka Soomaaliya Mudane Cusmaan Maxamed Cabdi (Daallo) oo isna ka hadlay munaasabadda ayaa waxaa uu ugu baaqay bulshada gobolka Banaadir in ay dhaqaale biyo dhaamin ah u sameeyaan dadka biya la’aanta .

Wasiir ku xigeenka Tamarta iyo Kheyraadka biyaha Cabdixakiin Cige Guuleed ayaa ugu baaqay Shirkadaha biyaha in ay Biyo nadiif ah dadka ka iibiyaan isla markaana qiimaha Biyaha inta hadda uu yahay ay ka dabciyaan dadka.

Wasiirka Wasaarada Tamarta iyo biyaha Xukuumadda Soomaaliya mudane Maxamed Xasan Aadan (Shaahiyow)oo gabagabadii ka hadlay Munaasabadaas ayaa waxaa uu sheegay in wasaarada iyo shirkadaha biyaha ay iska kaashan doonaaan sidii bulshadu u heli lahaayeen biyo nadiif ah.

Previous Post

Dhageyso Warka Duhur ee Radio Muqdisho

Next Post

Midowga Afrika oo soo dhaweeyay qabsashada Jasiiradda Kudhaa

Next Post
Xubno ka tirsan golaha xuquuqul insaanka ee Midowga Africa oo Muqdisho soo gaaray ”Sawirro”

Midowga Afrika oo soo dhaweeyay qabsashada Jasiiradda Kudhaa

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Oo Shir Muhiim ah Uga Qeybgalaya Kenya

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Oo Shir Muhiim ah Uga Qeybgalaya Kenya

July 4, 2022
0

Wafdi uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaare Ku xigeenka Dalka Mudane Mahdi Guuleed ayaa magaalada Nairobi ee Dalka Kenya uga qayb galaya...

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Booqday Safaaradda Soomaaliya Ee Ankara

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Booqday Safaaradda Soomaaliya Ee Ankara

July 4, 2022
0

Madaxwaynaha JFS Mudane Xassan Sheekh Maxamuud iyo Wafdi uu hogaaminayo oo Booqasho rasmi ah ku jooga dalka Turkiga ayaa booqday...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo Wafdi uu hogaaminayo oo u ambabaxay Boqortooyada Sacuudiga

Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo Wafdi uu hogaaminayo oo u ambabaxay Boqortooyada Sacuudiga

July 4, 2022
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madobe iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta gelinkii dambe...

Madaxweynaha Hirshabeelle Oo ku baaqay In Gurmad La Gaarsiiyo Dadka ay Abaarta Sameeysay

Madaxweynaha Hirshabeelle Oo ku baaqay In Gurmad La Gaarsiiyo Dadka ay Abaarta Sameeysay

July 4, 2022
0

Madaxweynaha ayaa Shirka Golaha Wasiirada ee maanta warbixino uga dhageystay Wasiirka Amniga gudaha, Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka iyo Gudiga...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In