Dalalka caalamka ayaa maanta u dabbaaldegay xuska maalinta waxbarashada oo xambaarsan xuquuq aadane, dan guud iyo masโuuliyad dadweyne.
Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay ayaa ku dhawaaqay 24-ka Janaayo inay tahay maalinta caalamiga ah ee waxbarashada, iyadoo loo dabaaldegayo doorka waxbarashada ee nabadda iyo horumarka.
โHaddii aan la helin waxbarasho tayo leh oo loo siman yahay iyo fursadaha nolosha oo dhan, dal kasta kuma guuleysan doonaan inay gaaraan sinnaan iyo inay jabiyaan meertada faqriga ee ku habsaday malaayiin carruur, dhallinyaro iyo dad waaweynโayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay UNESCO.
244 milyan oo carruur ย ah ayaa ka maqan iskuullada, halka 771 milyan oo qaangaar ah ay ย yihiin kuwa aan waxna akhriyin maanta.
โwaa wax aan la aqbali Karin in la waayo Xaqa ay caruurta iyo dhallinyaradu u uleeyihiin inay helaan waxbarashoโ ayaa lagu yiri warbixinta sanadkaan ee ay soo gudbiyeen maamulka heyโadda qaramada Midoobay u qaabilsan waxbarashada iyo tacliinta sare (UNESCO).